Hargeysa (OWN)- Urur-siyaasadeedka BADBAADO, ayaa caawa Hargeysa ku soo bandhigay barnaamijkiisa siyaasadeed, isla markaana waxay sheegeen inay waddanka ku maamuli doonaan shareecadda diinta Islaamka. Ururku waxa uu barbaanijkiisa ku soo bandhigay xaflad casho-sharafeed ballaadhan ah oo lagu qabtay Hotel KAAH ee magaalada Hargeysa, taas oo ay ka soo qayb galeen madada sar sare ee ururka BADBAADO, salaadiin, [...]




































