Warbixin Ku Saabsan Taariikhda Dalka Sweden (Qeybtii Labaad) & Wariye: Barkhad Cabdillaahi Maxamed
SWEDEN(OWN)- Waxaan hore uga sheekeynay Taariikhda dalka Sweden & Mar xaladihii uu soo maray ee dagaal iyo dhibaatooyin. maanta waxaan ka hadlaynaa Taariikhda dalkan Sweden qeyb kale oo ka mida. Dalka Sweden oo ku yaala Bariga Jaziirada dalalka la isku yidhaahdo Scandinavian-ka. sweden waa dalka afraad ee ugu weyn wadamada qaarada yurub,
Dalka Sweden waxaa Bariga iyo koonfurta kaga yaala Buuraha Kjólen kuwaas oo dherersan ilaa Xuduudka uu la wadaago dalka Norwey. Buurahaa Kjölen oo dhererkoodu yahay 6,965 feet ama (2,123 meter). Dalka Sweden waxaa dhinaca Waqooyi kaga yaala Buuraha Kebnekaise iyo Harooyin badan iyo Waxaa kaloo ku yaala Bariga iyo badhtamaha iyo Koonfurta dalka Sweden Keymo aad u waaweyn iyo wabi kuwaas oo dhereran ilaa xeebta dalka Sweden. Waxa kaloo uu leeyahay dalka Sweden jaziirado badan oo ay ugu weyn yihiin Gotland & Öland,
Dalka Sweden oo ah dal aad u weyn masaaxadiisu waxay dhan tahay 158,927 ml Sq oo u dhiganta 411,621 km Sq iyadoo Total ahaana dalka Sweden uu yahay 173,731 ml Sq oo u dhiganta 449,964 km Sq, Dadka Swedishka ah tiradooda ayaa ah 9,074,055 oo ah wax ka yar Toban malyuun oo qof, Korodha dadka Swedishka ah ayaa lagu qiyaasay inuu yahay 0.1% oo ah tiro aad u yar halka Caruuurta dhalata lagu qiyaasay 10.1/1000 oo ah 10.1 kunkiiba,
Dadka ku nool dalkan Sweden ayaa isugu jira dadka Swedishka ah ee u dhashay dalkan iyo finnishka iyo Sami oo laga tiro badan yahay iyo dadka ajnabiga ah ee ku dhashay dalkan Sweden ee Swedishka noqday oo ka kala yimi wadamada Finns, Yugoslavs, Danes, Norwegians, Greeks, Turks, Diimaha dalkan sweden ka jira ayaa kala ah Lutheran 87%, Roman Catholic, Orthodox, Baptist, Muslim, Jewish, Buddhist, Luuqada dalkan ayaa ah Swedishka iyo Sami oo ah inyar iyo Finnishka oo ay ku hadlaan Dadka laga tirada badan yahay ee Finnishka oo ah dad ka yimi asalkoodii Finland, dadka wax qora waxna Akhriya waxay ka yihiin dalka Sweden 99%,
Magaalooyinka dalka Sweden ayaa waxaa ugu weyn caasimada Stockholm oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaaso 1,253,309, waxaana ku xiga caasimada labaad oo ay ku nool yihiin 504,084 qof, waxaa ku sii xigta Magaalada Malmö oo ay ku nool yihiin 261,548 qof, waxaa ku sii xigta magaalada Uppsala oo ay ku nool yihiin 127,734 qof, waxaa ku xigta Kista oo ay ku nool yihiin 120,000 qof, waxaa ku xigta magaalada Västerös oo ay ku nool yihiin 107,194 qof, waxaa ku xigta magaalada Örebro oo ay ku nool yihiin 98,573 qof, waxaa ku xigta magaalada Linköping oo ay ku nool yihiin 96,732 qof, waxaa kaloo ku sii xigta magaalada Helsingborg oo ay ku nool yihiin 91,025 qof, Waxaa ugu danbeysa tobanka magaalo ee ugu waaweyn dalka Sweden iyo dadka ku nool magaalada Huddinge oo ay ku nool yihiin 90,182 qof,

Dalka Sweden oo ah dal Hodan ka ah xaga dhulka ayaa Joquraafi ahaan dhinaca waqooyi ee dalka Sweden waxaa ku badan buuro Dhaadheer oo Barafku Is qariyo iyo kaymo, Badhtamaha dalka Sweden ayaa Buurahaasi kaga yar yihiin sida ay ku yihiin waqooyiga iyadoo ay ku yaalaan Kaymo aad u badan iyo Tobanaan Wabiyaal ah iyo Harooyin aad u waaweyn. waxa dalka Sweden ku yaala Beero aad u badan oo u badan badhtamaha iyo koonfurta dalka Sweden,
Dalka Sweden wuxuu Xuduud dheer la leeyahay dalka Norwey iyadoo ay ku taxan yihiin xuduudka u dhaxeeya Sweden iyo Norwey buuraha dhaadheer ee lagu magacaabo Scandinavian Montaines oo ay ka mid yihiin buuraha Kjolen & Kolen, Dalka Sweden waxa kale uu xuduud ka yar ka Norwey la leeyahay dalka Finland,
Lasoco:- Qeybta Danbe Ee Taariikhda Dalka Sweden oon Kaga Hadli Doono Dhaqaalaha Dalkan & Halka uu Ka Soo galo & Wax Yaabaha Ay Soo Saaraan,
Waxaa Idiin Soo Diyaariyey Wariyaha Shabakada Caalamiga ah Ee Oodweynenews Ee Dalka Sweden,
Barkhad Cabdillaahi Maxamed,
Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad5@hotmail.com
HALKAN HOOSE KA AKHRIASO QEYBTII HORE EE TAARIIKHDA DALKA SWEDEN,
WARBIXIN KU SAABSAN TAARIIKHDA DALKA SWEDEN & WARIYE: BARKHAD C/LAAHI MAXAMED. Q:1 AAD
SWEDEN(OWN)- Dalka sweden oo taariikhdiisu aad u dheertahay ayaa Qarnigii 7aad & 8aad waxa ay ahaayeen dadka sweddishka ah qaar ku shaqeysta baayacmushterka oo ay u isticmaali jireen bada.Qarnigii 11aad ayay noqotay Boqortooyada sweden oo markii danbe ay isku darsadeen dalalka Finland iyo denmark,
Dalka sweden markii uu noqday Boqortooyada masiixiga ah ee sweden Qarnigii 11aad ayay isku darsadeen dalka Finland iyadoo markii danbe ay kusoo darsan tahay dalka Denmark oo ay Boqoradii Denmark ee Queen Margaret ay isku sameysteen modowgii Kalmar (The Kalmar Union) sanadkii 1397 oo uu ku jiro dalka Norwey. Dalalkan oo ay ka dhaxaysay maslaxad weyn ayaa waxaa ka dhex bilaabmay khilaaf kaas oo keenay in markii danbe ay u kala jabaan laba qeybood oo kala ah sweden iyo Finland oo dhinac isu raacay iyo denmark iyo Norwey oo dhinac ah bilowgii qarnigii 15aad,
Midowgii Kalmar Union oo ay hogaaminayso Denmark oo ay ka go,een dalalka sweden iyo Finland ayaa dagaal ku qaaday Gustav Vasa oo ka talinayey sweden iyo finland iyagoo doonayey inay kusoo celiyaan midowga Kalmar.Gustav Vasa oo hogaaminayey sweden ayaa dagaal la galay midowgii kalmar oo dhowr dowladood ka koobnaa iyo kaniisada Catholica oo iyana dhinac kala dagaalamaysay dalka sweden,
Qarnigii 17aad ayaa Gustav 2 Adolf oo loo yaqaanay (Gostavus Adolphus) uu ka guuleystay midowgii Kalmar oo ay horkacaysay dowlada Denmark kadib dagaalo soconayey 30 sanadood iyadoo sanadkii 1658 ay midowgaasi u kala jajabeen dowlado badan oo ay ka mid yihiin, Sweden, Denmark, finland, st-petersbug, Stonia, Latvia, iyo qeybo kamida waqooyiga jarmalka,
Dalalka Ruushka, Denmark, Norwey, Saxonya, Poland, ayaa sanadkii 1700 dib u soo habeeyey awoodoodii iyagoo weerar balaadhan kusoo qaaday Boqortooyadii sweden iyo Finland oo isku dhinac ahaa oo uu boqor ka ahaa xiligaa King Karl 12 oo loo yaqaanay (Charles 12). Boqor Karl 12 ayaa sanadadii ugu horeeyey dagaaladaa kasoo hooyey guulo waaweyn laakiin boqor karl ayaa markii uu guulahaa gaadhay damcay inuu weeraro caasimada Ruushka Moscow iyadoo taasi u socon weyday ciidamadiisiina dib loosoo jabiyey sanadkii 1718, iyadoo markii danbe ay kala saxeexdeen dalalkaasi heshiis lagu soo afjarayo dagaaladaa qadhaadhaa ee sanadada badan dhiigu ku daadanayey,
Dalka sweden waxaa khasaare weyn kasoo gaadhay dagaalkii ay la galeen Napoleonkii France iyadoo ay sweden qasab ku noqotay inay ka tanaasulaan dalka Finland oo ay ku wareejiyaan Ruushka sanadkii 1809. sanadkii ku xigay baarlamaanka sweden ayaa u doortay Riksdag inay Boqorad ka noqoto dalka sweden, iyadoo sanadkii 1813 ay sameysteen dalalka sweden iyo Norwey Boqortooyo kaliya taas oo socotay ilaa sanadkii 1905 iyadoo markii danbe ay norwey dalbatay inay kala baxaan iyagoo u kala baxay si nabad galyo ah, dalka sweden waxay go,aan ku gaadheen in aanay galin dagaal danbe iyadoo siyaasadaasi ay dalka sweden u horseeday inay dagaal ka fogaadaan muda ku dhow 200 oo sanadood,
Sweden waxay xooga saartay dhaqaalaha beeraha iyadoo isu rogtay beer weyn gaar ahaan xiligii bilowgii warshadaha laakiin isku daygaasi wuu fashilmay kadib markii ay kala bateen dhaqaaalihii soo galayey iyo tirada dadka swedhishka ah oo sii kordhaysay taas oo keentay inay u haajiraan dalka mareykanka 1.5 malyuun qof oo swedhish ah sanadihii 1850 ilaa 1930,
Qarnigii 19aad markii ay bilaabntay asxaabta mucaaradka ah iyo saxaafadu ayaa dalka sweden waxa uu joojiyey kaantaroolkii baayacmushterka iyagoo ogolaadey in la sameeyo mashaariic xor ah oo dad gaara iyo shirkado iska leeyihiin iyo inay bilaabaan nidaamka canshuurta iyo inay xoojiyaan hay,ada ciidamada iyo difaaca dalka iyo iyadoo xiligaa ay aad u bateen dadka codeynaya iyagoo ku kala biiray sadex xisbi oo waaweyn oo kala ah Social Democratic & Liberal Part & Conservative Part,
Dagaalkii koobaad ee aduunka dalka sweden oo aan ka qeyb galin ayaa waxa ay ka faa,iideen dalabkii aad looga soo dalbaday Birta Xadiidka iyo Looxa oo ay caan ku yihiin dalka sweden iyadoo waxkhtigaa bilowday nidaamka ay iminka ku dhaqmaan ee ah ilaalinta bulshada (Social Welfare Policies) iyo inay xoojiyaan siyaasada dibada iyagoo dalka sweden lagalay dalalka Ruushka iyo Jarmalka heshiis ah difaac guud oo ka dhexeeya laakiin heshiiskaasi ma noqon mid midho dhaliya. Dalka sweden ayaa qaatay siyaasad nabad galyo oo aanay cidna wax ku darsan iyagoo ilaa iminka siyaasadaa ku socda. iyadoo sweden ka mid noqotay ururka midowga yurub sanadkii 1995 ee dhawaa,
Dalka sweden ayaa ka mid noqday midowga yurub sanadkii 1995 iyadoo dadka reer sweden qaar badan oo kamida ay u haysteen in kamid noqoshada midowga yurub ay kasoo hor jeedo siyaasadii dalka sweden ee dhex dhexaadka ahayd. iyadoo dalka sweden ay ka dheeraadeen inay ku biiraan Ururka midowga yurub xiligii dagaalkii qaboobaa iyagoo ilaalinayey siyaasada ay qaateen ee ah dhex dhexaadnimada. iyadoo qaar kale oo kamida dadka reer sweden ay u arkayeen in talaabadani gogol xaadh u tahay in dalka sweden uu la wadaago dhaqaale qudha dalalka midowga yurub iyadoo arintaasi muran badan ka dhalisay dalka sweden oo lagaga soo hor jeedo. iyo in aanay sweden ka qeyb galin mustaqbalka nidaam difaac oo ay yeelato midowga yurub iyo inay sweden yeelato go,aanka ugu danbeeya hadii ay midowga yurub la wadaageyso barnaamij dhaqaale qudha iyo lacag qudha iyo Bangi dhexe arimahaas oo ay kaga hadleen wada hadaladii ay sweden ugu biireysay midowga yurub sanadihii 1993 ilaa 94, iyadoo doorashooyinkii November 1994 ay dadka codeeyey oo ahaa 83.3% ay 58.3% kamida ay ogolaaadeen in sweden ay ku biirto midowga yurub,
Codbixin kale oo laga qaaday dadka reer sweden ayay ku cadeeyeen in dadka swedhishka ah intooda badan aanay ku qanacsanayn kamid ahaan shaha midowga yurub iyadoo ay sweden gudoomiye ka noqotay markii ugu horeysay Ururka midowga yurub sanadkii 2001, iyadoo warbixintii ugu danbeysay ay sheegtay in dadka swedhishka ah ay badan koodu ku qanacsan yihiin kamid ahaan shaha dalka sweden ee midowga yurub, Xukuumada sweden ayaa go,aansatay in aanay kula midoobin midowga yurub lacag qudha oo ay wada yeeshaan sanadkii 1997. iyadoo sanadkii 2002 uu Ra,isal wasaare Göran Persson uu sheegay in aan la qaadayn wax cod bixin ah laakiin markii danbe la qaaday codbixintaa iyadoo dadka kasoo hor jeeda in sweden la wadaagto lacag qudha midowga yurub ay ku guuleysteen iyagoo noqday dadka diiday 55.9% halka 42% ay ogolaadeen in sweden lacag qudha la yeelato yurub,
dowlada ayaa ku qancin kari weyday dadka reer sweden inay la wadaagaan yurub lacag qudha oo ah YUURO iyagoo ka cabanayey cimilada iyo arimo kale oo gudaha dalka ah taas oo keentay in la dilo Wasiiradii arimaha dibada ee dalka sweden Anna lindh, iyadoo dadka sweden ay doorteen in ay lacagtoodu sidooda u ahaato oo aanay dhex galin isbed-bedelka siyaasadaha aan la hubin,
Dalka sweden ayaa waxaa ka jira xisbiyo badan kuwaas oo isugu jira qaar waaweyn iyo qaar yar yar waxaaana ka mida (Social Democratic part. & The Moderate Part. & The Liberal Part. & Christian democratic Part. & The left Part. & The Center Part. & Green Part),
Taariikhdan kooban ee ku saabsan dalka sweden waxaa idiin soo diyriyey Weriyaha Shabakada Caanka ah ee Oodweynenews.com ee dalka Sweden Barkhad Cadillaahi Maxamed. Anagoo idiin soo gudbin doona qeybo kale oo ku saabsan taariikhda dalka sweden,
Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad5@hotmail.com




























waar inanku waa kadhacaysaa lakinsurweelka ayaa balaadhan bro plz surweel yara dhiuuban soo qaado mansha allah hadan madax banaaan lahaa walee faras banmalaha gugulacararilahaa
waxaan doonayaa inay dadka swidishku yihiin cunsuri iyo in kale.
dadka sweden may ka qaybqaateen gumaysiga afrikaanka
yaaa abaayo adiga halkeed joogtaa kaaaaa