HEES MAGAALADA OODWEYNE LOO SAMEEYEY!By; ABWAAN: Abdillahi Xasan Mataan.
Sideynu tariikhda somalida ku-hayno,oodweyne waa deegan ku caan-ah xaga wax Barashada,xoolaha iyo dhaqanka somalida,waa deegan lagu-yaqaan khoboro iyo siyaasiyin ruugcadaa-ah inay ka soo baxaan oodweyne, iyadoo dadka somaliyeed yihiin dad-curdin-ah,balse waxaynu tariikhda ku-haynaa HARGEYSA,BURCO,BERBERA iyo BOORAME in aan midnajirin markii OODWEYNE uu ahaa xarunta uguweyn xaga ganacsiga wadankan somaliland,iyana waxaa xusid mudan in oodweyne uu ahaa meelihii xaga-wax-barasho laga-faa-iiday,dadkii ka-soo-baxay ( oodweyne boarding school) waxay noqdeen dadkii horumarka gadhsiiyey umada somaliyeed,balse markii-uu qabsadey kaligiitaliye bilaa aqoon-ah dowladii umada somaliyeed,waxay sababtay burbur,kala-guur iyo kala gurasho,malintaana ragii wax ku bartay oodweyne heersare ayeey ka-ciyareen halgankii siyaasiga ahaa,waxanay sababtay inay somaliland cagaha u taagaan,waxaana ka-mid-ahaa hogaamiyihii ururkii hobaysnaa ee SNM mujaahid ABDIRAHMAN AHMED AIi (TUUR) markii danbana noqdey madaxweynihii ugu horeeyey somaliland,
Waa balad wanaag iyo
Qurux lagu manaystoo
Bulsho wacani joog-too
Barashada tacliintana
waabaaxadwenyee
Illahii Raxmaanoow
Balayada hereer mari oo
kadhig-meel barwaaqo-ah
Bulsha-weynta maantaay
ma-ogtiin dhamantiin
Xamar-kii ka-baaqiyo
Baladwayn du-sheediyo
Bossaaso iyo bari
Badhtama-ha hargeysiyo
Burco dacaladeediyo
Bulsha-weynta mayd iyo
Inta sheikh dhex joodtiyo
Go-da-deriswanaag iyo
Sool iyo sanaag iyo
Badhan macalin joogiyo
Baraa ceerigaabiyo
Dhul-ka beera-ley-diyo
Barbarkaan ku dhalaniyo
ilamaa-bad iyo wabi
waa-halkay ka-beermeen
gobol kaa barwaaqiyo
Daad ma-dheedh
Bulshadu-tidhi
Bar-baartii dadkay-gaay
aan-idiin bidhanshe’e
Bilan waxaad-tidhahdaan
OODWEWYNE waa Beys
waa-barlagu kul-maayoo
tacliin lagu-bartaayoo
wanaag lagu-barbarshoo
xumo looma-booyee
Buugiyo tacliintii waxtarkii
Barbarnimo waa halkaad-ka
Baratee beerkiyo wadnaha-geli
Ana ii bushaare nimcadiyo
Badhaadhaa adiguna
Bilkhayr-noqo
Heesta waxa curiyey ereya-deeda abwaanka da’da yar ee reer somaliland, halkan aan wax badan idiinka si daynay, murti-disuna ay hore inoo soo martay, waa abaan cabdilaalhi xasan mataan, dibna inoo soo mari ndoona oo aanay xad lahayn hal abuur-nimadiisu, hana dadka aan isku hawlin ama aan meel dheer ka doon-doonin, ururin ee eebbe-heena ugu deeqay isga oo aan isku lurin.
Abwaan abdillahi xasan mataan.




























Waaw hambalyo walaalo halkaana kasii wad insha allh.
qorigan dheer ee labada dibi u dhexeeya iyo birta ku jirta ee dhulka gasha iyo qoriga laba dibi u dhexeeya ee luqunta ka saaran iyo usha dheer ee ninku gacanta ku haysto iyo suunka uu labada dibi marba mid ku dhufanayo iyo dhamaan qalabkan isku rakiban ee qodaalka beerta loo isticmaalayo yaa hal-hal [mid-mid] magacyadooda u garanaya. fadlan qofkii garanayoow si faah-faahsan halkan noogu soo qor waayo aad ayay u adagtahay in la gartaa dadkuna ma wada yaqaaniin waana hide iyo dhaqan lagama maarmaan ah ee culimadii afsoomaliga aad u yaqaanayoow u magac iyo ereyba bixiya waana idin sugaynaa……..
waah waah waxaas ayaa amaan ah heesta oodweyne
ala hees to waxaey ko fiicneed sallaxleynews ayaaan ka xarkad fiican vivaaaaaaaaaaaaa sallaxleynews
H/Yoonistu Faan badanaa.
nin noolow maxaa aragti kuu laaban waar horta heestu waa kaalay arag wow baan iyada ka idhi laakiin ninka dibiyada beerta ku falaayee oodweyne astaanka looga dhigay ayaan ka sin-diriiray aar baarqab cunaayaan oodweyne ka filaayee sowkuwan qodaalkiyo huushta u astaan eekaaday beeruhu maxa xuma ee waa waxsoosaare cagacagaf miyaa la waayey loda iyo dibiyada beeraha lagu falo rer bay TRADE MARK u ahayde iga walee reerkii aanu tolka ahayn wey doorsoomeen kol hadii astaan iyo hulaabta hagooga qodaal iyo huush lamoodo waar baabule aar ayaa oodweyne u astaane magaalada sawir qodaalka ka daaya
WAXAAN SALAAMAYAA DHAMAAN SHACABKA REER SOMALILAND MEELKASTA OO AY JOOGAN S.W.W.
ALLEYLEHE WAXAASA HEESA OODWEYNE AMAAN BAABA LAGU JACSIIYEY WAA HEES CAJIIBA C/LAAHI EE BURCANA MID U TIRE DEE KKKK LOL
waar cabdilaahi allaylee waad la asiibtay, horta walba anigu reer durukhsaan ahayoo kolay oodweyne gaadhi mayno.
laakiin waxaan yara jeclaan laa heesta labaad inaad dhankaa iyo durikhsi,yicib yabooh, cali ciise, ina nuur muuse, xaaji diiriye, xiniinyo dabadood ( oops, sorry waxaan ujeedaa cilmi dalamiye) kkkkkk. kkkkk.
IYO OF COURSE BURCOOOOOOOOO aad hees cajaa iba uqaadaa.
niyaw marmar baan is idhaah hees samee markaa siday meel fiican umarayso ayuunbaan qaybta danbe sheeko caadiya iga noqotaa.
HEESTAN WAA INAAN ANIGU LAXANKA SAARAA HADDII AAN WELI LA SAARIN ……
waar durukhsi xaasidsanidaa maxaad codsiga meygaag jiifa u gaadhsiinweydey
Aniga oo joogey magalada Qahira sanadkii 1985 ayanu waxanu booqaney guri Reer Masaari ah,caruurta Aabahood wuu dhintey Alleh ha u naxariistee Hooyadoodna waxa ay ahyd Masaari,caruurtu waxa ay ahayen ayan umalaynaa uu Odeygu ka tagey inkastoo ay ahayeen Dad waaweyn Laba nin iyo gabar ayan u malaynayaa.
Reerku waxa ay guriga ku hayeen Odey markaas 100 jir ahaa oo ka haray Ragii Siimaanada ahaa.Reerkuna hayeen,Odeyga ayanu wareysaney waxa uu noo sheegay isaga iyo dhalinyaro badan oo ka soo jeeda Deegaanka Oodweyne in ay yimaadeen wadanka Masar.waxana ay ahayeen Siimaano Aduunka oo dhan ku soo wareegay,ugu danbeyntiina degay wadanka Masar.waxanu waydiiney Odeyga magalada uu ka xasuusto wadankii waxana uu nagu yiri waxa uu xasuustaa oo kaliya Oodweyne….waxanu ku niri ma taqana magalada Burco iyo Hargeysa ama ma xasuusataa waxa uu nagu yiri maya garan maayo Hargeysa iyo Burco toona.
Sideydoontaba ha ahatee waxa hubaal ah in magalada Oodweyne ay tahay magaalo qadiimi ah oo da weyn.
woowow heesbaba ku dhacday oodweynee alow haa ii dilin intan mar arkayo lolz
belo ninkan nacaybku qatey muxuu ahaaaa waxaan aad ulaa yabaa dadka meel anay jeclayn akhrista
Reer Oodweyne hadii ay tacliin ku faanayaan wax cusub ayay kusoo kardhin lahaayeen Somaliland laakiinse Xaasidnimo ayay ku dhex noolyihiin oo waa Ham & Ham
Reer Oodweyne (H/Y) Ma maantana Dumarkii ayay Caayayaan Waar gabadhu waxba may odhan kaliya waxay Tidhi ham iyo ham, dee Waa magaciina ee maxad ka doonaysaan inanta, Walaal Saynab aniga ayaa xal kusiiyay.
Cawil .Saynab iyo Nimco waa maxay Ham iyo Ham ma reer Gabiiley aya noo yaqana hadanu nahay reer Oodweyne hadalkan Ham iyo Ham…..bal walalayaal ii fududeeya tan kale Reer Gabiiley Ilmaadeerayal xagaa iyo Galbeed iyo Beeraha Gabiiley ayanu u soo soconey oo is lahyn bal u guura waa maxay dacayadan aad naga hor keenteen?sidaas lama amaneynin.soo guuritaanka aan is lahaa Twajaale Beer ka iibso waa in aan hakad galiyaa oo la tashada Odayasha dhaqanka Oodweyne,markii hore aniga oo cid la tashan ayan Durbaan iska tumtay Ham iyo Ham aya i hakisey,waaba aan shakiyey cajiib.
kkkkkk waaryaa Khaanow oo adiguna ma ham iyo ham H/yoonis ayaad ahayd. kkkkkkk waa iga kaftan saaxiib ha cadhoonin.
Haaye Nimco huuno bal ii sheeg arinkan Ham iyo Ham.deegaankiina waaba aan caashaqsanaa walaahi waanigii qoraal ducaa ka qorey,Twajaale.bal markaa ii sheeg waa maxay Ham iyo Ham mise Yaxaas ayan weydiiya?
hoto waa hees wanaag san lakiin ,waxaan doonayaa inaan anigu saaro laxan hadii aan hore loo saarin, waxaan se layaabey dibidani beerta qodeysa halka ay uga timi ood weyne waxaa laga yaabaa hadii la weydiiyo odayaa ree oodweyne qalabkaas magac yadooda inaaney gara taana waa la hubaa.
markaa anigu waxaan odhan lahaa odw,calaamadiisa iyo qalabka ba hala weydiiyo dadkii dagi jirey ahadiikale QOLADAN GAASHAAMO ka soo kuurtey magac ha ubixiyaane inga daaya
Reer Gabiiley iyo anaga reer Oodweyne waa in aynu sameysanaa xiriir weyn hab dhaqaale wada shaqeyn iyo isdhexgalba,taas waxa ugu horeynaya oo aan ku talinaya in aynu is weydaarsano.100,Hablood,waa dhaqankii soo jireenka ahaa ee Awoowyadeen.dhaqankani waxa uu ka jirey dhinaca Xoolodhaqatada oo isku deegaan ah,Dadkuna markiiba is dhex gali jirey.kan labadan deegaan ee aan ku taliyey hawl badan ayey u bahantahay,sababtuna tahay,kala deegaan.kala dhaqan.xitaa isku af-kuma hadalno waa xaga lahjada…Gabiiley waa Reer Beeraley…Oodweyne waa Beeraley iyo Xoolo dhaqato,halkaas aya u bahan in laga shiro.sababtu tahay Habluhu in ay ka soo bixi waayan xilkooda ayey u badantahay,waxkastabase ka yaab,hada Aduunkii ayaba soo yaradey oo soo koobmay waxan ku nooley Canada cidhifkeeda Alaska 5 saacadood ayey ii jirtaa hadana waaniga talada ku darsanaya,waxa ka socda wadankii.maxay idinla tahay figradan Hablaha la isdhaafsanayo?
KHAN. Inaadeer naga daa hanoo keenin HUUNADA. mahadalkii ayaanu barnaa mise indhaha ayaanu u kala fujinaa maalin walba.ragooduna waa haween oo kale ee naga daa inaadeer
saynab;H/Y xaasidnimo mayaqaanan ee hays caayin cida xaasid nimo iyo cuqdad buuxisay waa layaqaanaye. dumarkiina is ka daayo ragiina uunsiga shita ayaa cuqdad iyo xaasidnimo buxiisay.
Qadan diyaargaroow inader waad ku jirtaa 100 hablood ee Gabiiley loo dirayo,miyaad yara baqaneysaa in aad Beerta 5 am shaqo ugu kacdid walee hawl aya ku sugeysa,waa in aad shaqeysaa 12 saacadood hawshii guriguna kuu dheertey,Hablaha H/yoonis taladan anigaa gooyey shandadaha xidhxidha ilmaadeerayaal,inbadan ayeynu dhexdeena iska guursaneyney balmarkaas xagaas Gabiiley aynu soo yaraeegno.Qadan walaal kaftanka yara dabci jooji hadalada yara adag.
aan sii watee dee horto ma raga reer barigaan iska celinaa mise dumarkooda ,angu marka gabdhahaga nin reebari ahi diido midkale ayey karaad sadaan ,idinkuna wiil reeer gabiiley ahi tuudiidaa weyna ceyda,
markaa anigi waan idinku dawkhey
HAAHEEY VIVA OODWEYNE WAXAAN ODHAN LAHAA DADBAA MEESHAN KU SOO QORAAAYA WAXAAN LOO BAAHNEEN ……..OODWEYNE TAARIIKHDEEDU AAD BAY U DHEER TAHAY ILAA DHOWR BUUG WAA LAGA QORAY…..HAAHEEY