Oodweynenews.com

JIILKII KU 21 JIRSADAY SOMALILAND‏, By: Maxamed Ismail
Bismilaahi raxmaani raxiim.

Mahad naqa ugaar ah warbaahinta madaxa banaan iyo shaqaalahoodaba sida wanaagsan ee hufnaanata leh  ee ay ugu adeegaan dhamaan umad somaliland iyo somaliyaba meel walba oo ay joogaan.

Tan iyo  intii somaliland ay ku dhawaaqday  gooni isutaaga qaranimada aynu maanta hadhsanayno ,

waxa laga joogaa oo ka sowareegtay 21 sanadood.

Mudadaa dheer ee ka sowareegtay goni isutaaga  waxa kahanqaaday oo ku barbaaray caruurtii maalintaa dhalatay oo maanta 21 jir ah.

Xukuumadihii ukala dambeeyay somaliland ee 20ka sanadood hogaanka so hayeen dhab ahaan  kumay guulaysan  manay gaadhsiin jiilkaa ku 21 jirsaday himiladii qaranimo.

Niyad jabka jiilkaa ku dhacay wa ka keenay KULMIYE, keeni donana kuwakale hadii kuwani ku guuldaraystaan gooni isutaaga qaranimada somaliland.

Hadaan waydh ka idhaahdo xukuumadihii ina so maray iyo kuwa iminka talada haya waxaan odhan karaa Qaybi waxay hogaanka gooni isutaaga haysey mudo 20 sanadood, halka dawladan cusubina hanaanka dawladnimo haysey mudo kayar 2 sanadood.

Waxa halkaa ka cad mudada u dhaxaysa siyaasadii hore iyo tan maanta cusub in ay aad ukal baahsantahay  markaad ka qoodhaansato mudada midwaliba hanaanka  so hayey.

Hadii xisbigii hore ahaa mid aad isaga ilaanlin jiray dabacsanaanta ama isu so dhawaanshaha siyaasadeed mawqif adagna iska taagi jiray shirarka somalidu ka qaybgasho iyo kuwa lagu martiqaado somaliland  mudo ku dhan20 sanadood, markaynu xaqiiqada u soo noqono,inamay gaadhsiin himiladii ahayd qaranimobuuxda. Manay gaadhsiin jiilkii barigaa dhashay  oo maanta soogaadhay xili ay iyaga laftoodu ku qanceen in aanu qaranku wali dhamaystirnayn.

sidaa awgeed xisbigan Cusbaa ee talada lawareegay, waxaad modaa in aanu  marin wadadii kuwii hore mareen ee ay ku fashilmeen, dabacsanaan iyo isusodhawaansho farabadan baa kamuuqata siyaasadiisa arimaha dibada, waana arin meesha taala in waji  cusub lagu dayo.

Wadadaa cusub ee xisbigan talada hayaa cagta saaray, doonayana in uu ku tiigsado qaranimadii aynu iska luminay 52 sanadood kahor.Waxa inugu waajib ah in aynu shacab ahaan ku taageerno siyaasadaa cusub ee aan wali hanqaadin halka aynu ku taageernay oo aynu kubarbar istaagnay  kuwii horeba  in ka badan 20 sanadood.

Ilaahay baa mahadle

Maxamed Ismail

ucidpartysomaliland@hotmail.com

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,

HAMBALIYO MEHER WACAN SICIID XASAN SICIID Diiriye & KALTUUN XUSEEN CALI YUSUF
Aabo Ismaaciil Muuse  Seed

Hooyo Caasha Xasan Jaamac

Yuusuf Ismaaciil Muse Iyo Xaskiisa

Siciid Ismaaciil Muuse

Cabdiqaadir Ismaaciil Muuse

Muuse Ismaaciil Muuse

Axmed Ismaaciil Muuse

Ifraax Ismaaciil Muuse

Maxamud Aw Yuusuf Muxumed

Saabiriin Maxamuud Yusuf

Nasra Yusuf Ismaaciil

Muuna Siciid Xasan

Khadra Ismaaciil Muuse

Nasra Ismaaciil Muuse

Foosiya Ismaaciil Muuse

Cabdi Yusuf Aar

Yusuf Cabdi Yusuf

Maxamed Maxamud Siciid

Siciid Xasan Siciid

Cali Haybe Maxamed

Xasan Muuse Cismaan

Maxamed maxamud siciid

Mustafe cabdi xoog

Dhamaan Dadkaasi Waxay  Hambaliyo Udirayaan Meherka    Siciid Xasan Siciid iyo Marwadiisa Kaltuun Xuseen Cali Yusuf Meherkood ka dhacay Hutell MAANSOOR Waxaanu leenahay aqalgalkiina ku gaadha bash bash iyo barwaaqo aamiin aamiin

MUUSE SEED

HARGEISA SOMALILAND

Hambalyo Somaliland: Hadaad taladii haysaan, halna waa iga dardaaran! By M. Harun.
“Intaydaan wax samaynin, salka xaajada eega!” Timacade, 1970!

Siyaasadu waa farsamada lagaga faaiidaysto fursadaha jira, hadaanay fursaduhu jirinna, waa farsamada fursadaha laftooda lagu abuuro!

In dhawaydba waxa doodiisu taagnayd, oo waliba aad looga badbadiyay, shirka bishan ka dhici doona London ee waayaha Soomaalida looga hadlaayo! Shirkaas London dad badan oo Somaliland u dhashay, baa siyaalo kala gadisan shaki uga muujiyay, xukuumada Somaliland na si sahlan, oo aan rogrog lahayn bay bilawgiiba shirka gaashaanka ugu dhufatay! Si kastaba, xukuumada Madaxwayne Silanyo tashi wayn bay isugu noqotay, waxaanay go’aansadeen (koow) inay shirkaas ka qayb galaan, iyo (laba) inay wafti qaran, oo mucaarid iyo muxaafidba ku jiro kaga qayb galaan! Labadaas go’aanba hambalyo ayay mudanyihiin, waanan ku hambalyaynayaa xukuumada talaabooyinka ay qaaday. “Intaydaan wax samaynin, salka xaajada eega” waakii lahaa ninkii kaligiis dawlada ahaa ee Timacade! Shirka London maaha midkii Carta oo kale, dawlada UK na maaha midda Djibouti, intaas oo dhan kadibna, sanadku maaha 2000 ee waa 2012! Inay Somaliland London colaysato, oo Italy iyo Egypt oo kale ay ka dhigato wax dan ahi uguma jiraan, qolyihii ku dhawaaqaayay inaan shirkaas la tagina shaki la’aan xaajada dhinaca qaldan bay ka taagnaayeen! Muwaadiniinta Reer-Somaliland ee sharafta leh waxa ku jira qaar badan oo wadaniyadu ku fogaatay, dabeeto ay ka qaldantay jihadii!

Sheeko gaaban aan qoraalkayga ka horaysiiyee, waa dhexdii ahayd ayaan jaaliyada Somaliland qaybo ka mid ah ugu yeedhay kulan casho ah oo ay codsadeen qolyo Talyaani ah, oo shicib ah, oo hadda dhisme cisbitaal caruurta ah ka wada Somaliland. Intii aanay dhismahaas bilaabin bay ahayd, waxaanay jeclaysteen inay jaaliyada UK ee Reer-Somaliland uga waramaan halka hawsha cisbitaalkaasi ay u marayso! Qolyihii halkii ay wad mahadsantihiin ka filaayeen, ayaa lagu yidhi “Cisbitaalka maxaad noogu keenteen ee aad meelahaas kale ee Soomaaliya la yidhaaho u gayn waydeen? Iyo, “Ninkii fikrada cisbitaalkaas asalkeeda lahaa sida aad noo sheegteen Somaliland uma dhalinin oo Soomaalida kale ayuu ahaa ee maxaad naga soo doonteen?” Su’aalahaas iyo kuwo la mid ah qolyihii Talyaanihga habeenkaas waydiinaayay ayaa imika ka qaybgalka shirka ee Somaliland diidanaa!

Si kastaba, waxan jecelahay inaan qoraalkan tilmaamo kaga bixiyo fursadaha Somaliland shirkan ugu jira iyo qodobada ay tahay in xooga la saaro. Qoraalkani wuxu xooga saarayaa sida ay Somaliland suurtagal ugu tahay inay danaheeda sheegato iyadoo hadana aan ka bixin ujeedooyinka ama agendaha shirka. Dawlada Ingiriisku waxay sheegtay inay shirkaas shan ujeedo ka leedahay, Somaliland na waxay muujin kartaa, inay shanta ujeedoba iyadana danteeda yihiin. Sidoo kale, waxan faaladan ku durayaa ama dhaliilayaa qodobo ku jiray qoraalka uu shalay soo saaray Xisbul-xaakim ka Somaliland ee ay uga hadleen go’aanka ka qaybgalka shirka.

Bishii December ee sanadkii galbaday, R/wasaaraha UK, Mr Cameron wuxu jeediyay hadal uu cinwaan uga dhigay – ‘Siyaasada Boqortooyada Midawday ee debeda oo ku salaysan danaha qaranka, (UK Foreign Policy in the National Interest). Hadalkaas oo ahaa mid dheer, si qurxoona loo soo diyaariyay, wuxu Cameron uga hadlay arimo badan, oo siyaalo kala gadisan u taabanaaya danaha qarankiisa, waxaanu ku soo daray inay Soomaliya halis ku tahay danaha qaranka Ingiriis, ayna tahay inuu talaabo cadaan ah qaato. Talaabada uu arintaas ka qaadanaayo, oo uu khudbadiisaas ku cadeeyay waxay ahayd in ay London hogaamiso olole caalami ah, oo daawo kama dambays ah loogu doonaayo dhibaatada guunka ah ee Soomaalida. David wuxu sheegay inuu shir arintaas ku saabsan bulshaada caalamka iyo Soomaalidaba u qabanaayo, shirkaasina uu shan ujeedo yeelan doono. Ujeedooyinkaas, oo ah kuwa ay tahay inay Somaliland ka faaiidaysato waxay ahaayeen:

Protecting merchant ships passing through the Gulf of Aden = In la ilaaliyo maraakiibta ganacsiga ee ka gooshaysa Gacanka Cadmeed.

Tackling pirates = In lala tacaalo budhcad-badeeda.

Pressurising the extremists = In la cadaadiyo kooxaha xag-jirka ah.

Supporting countries in the region = In la saacido wadamada degmada.

Addressing the causes of conflict and instability in Somalia = In dirirta iyo degenaansho-la’aanta Soomaaliya asbaabta keenaysa la waajaho.

Hagaag! Qodob-qodob aan u galno. Qodobada koow iyo laba micnahoodu waa isku mid. Somaliland waxay haysataa qodobka budhcad-badeeda iyo sida ay badaheeda uga nadiifisay aafadaas. Somaliland waxa u furan dood balaadhan oo ku saabsan labadaas qodob. Somaliland waxay ku doodaysaa, cadayna u haysataa, inay iyadu tahay nidaamka kaliya, ee dhulwaynihii Somalia la odhan jiray, walina caalamku qalad ahaan sidaas ugu yeedho ka jira, ee ku guulaystay inay 700KM oo ah Gulf of Aden nabadgalyo ka dhigeen, budhcad-badeedna ka nadiifiyeen, halka ay international community gii oo dhami la rafanayaan, xalna u waayeen inta u dhaxaysa Ayl (Puntland) ilaa Xarardheere (Central Somalia) oo ah xarumaha Budhcad-badeeda. Somaliland waa inay ku dodo xaqiiqada ah in xakamaynta budhcad-badeeda ay Puntland ku fashilantay, oo NATO iyo International Community gu ay ku fashilmeen, oo wadamada dariskuna ay u tag waayeen, laakiin iyadu ay u tag heshay. Somaliland waa inay cod dheer ku cambaarayso daawashada uu caalamku arintan ku daawaday ee loo gurman waayay, isla markaana sheegta hadii dhab ahaan loo doonaayo in arintaas wax laga qabto, inay tahay in Somaliland la taageero.

Isla qodobkii badaha ayaan ku jirnaa, shirkan dhexdiisa waa inay Somaliland ku soo ban dhigto qorshe ay u bixiso Ka hortaga Budhcad-Badeednimada ee Xeebaha Somaliland (Preventing piracy from the Shores of Somaliland). Qorshahaasi oo malaayiin doolar ku kacaaya waa inuu ahaado mid laba waji leh, waji ciidan oo ah qalabaynta iyo tayo galinta ciidamada badaha ee Somaliland oo shaqo wayn haya, iyo in la saacido, oo nolol loo abuuro dadka ku dhaqan xeebaha Somaliland. Taageerista Ciidamada badaha ee Somaliland ujeedadeedu waa mid muuqata maxaa yeelay iyagu hadii ay qabtaan hawshaas boqolaal jeer bay ka kharash badantahay. Midda aan muuqanin, laakiin ay tahay inay Somaliland muujiso waa taageerada loo gaysanaayo dadka xeebaha dagan. Waxa la ogyahay inay Budhcad-badeeda Somalia ka bilaabatay wiilashii yaryarka ahaa ee xeebaha kaluunka ka jilaaban jiray oo maraakiib waawayni iyaka iyo doonyahoodaba bada ku dartay.

Qodobka shanaad ee agendaha shirka, oo ah fahmista iyo xal u helista asalka mushkilada Somalia, waa qodob Somaliland si wayn u khuseeya, waxna ugu tari kara hadii si wacan looga doodo. Waftiga Somaliland waa inay ku doodayn, caalamkana u sheegaan inay tiirarka ugu waawayn ee mushkilada Somalia ay koow ka tahay aqoonsi la’aanta Somaliland. Waxay Somaliland caalamka u sheegaysaa in Somalia xal laga gaadhaa si wayn ugu xidhantahay in horta Somaliland la aqoonsado. Siyaasada caalamka ee maanta iyo labaatankii sano ee ina dhaafay waa inta ay Muqdisho soo miyirsanayso, oo ah midaan muuqanin, in inta kale la ignore gareeyaa ama ha dhinteen ama ha noolaadeen. Somaliland waa inay sheegto siyaasadaasi inay qaldantahay, danta dadka Af-Soomaaliga ku hadla oo dhan iyo danaha caalamkuna aanay ku jiraan sidaas. Waa in shirka loo sheego inay mushkilada Soomaalidaba qaybteeda ugu wayni tahay iyadoo aan la fahmin dhibaatadu waxay tahay, manta ayaanan idin fahamsiinaynaa ee ogaada Soomaalida mushkiladeedu maaha mid hal mushkilad ah ooh hal xal u baahan. Waa in xooga la saaro arintaas oo aan si toos ah loogu doodin masalada aqoonsi doonista maxaa yeelay meesha looguma talagalin in qodobkaas laga hadlo.

Somaliland waa inay shirwaynaha ka dalbato in Bulshada Caalamku ku cadaadiso dawlada muqdisho marka ay ku-meel-gaadhka ka baxdo inay Somaliland wada hadal la furto. Wadahadalka ma diidi karaan, waliba caalamka hortiisa kuma diidi karaan, taasina waxay Somaliland siinaysaa fursad ah inaan go’aan loo gaadhin aanay iyadu ogayn. Somaliland waxay muujinaysaa inaanay koox baxsanaysa ahayn, qolada kalena waxay kalifaysaa inay bulshada caalamka is wajihi doonaan, waa hadii ay diidaan wadahadal ay Somaliland la galaan.

Intaas kadib, sida warka Xisbul-xaakim ka Somaliland ay faafiyeen ku qoran, Somaliland waxay sheegaynaysaa in dawlada Ingiriisku u sheegtay qodobadan:

• “Amaanka Gobolka, Budhcad badeeda,Horumarinta IWM, Somaliland waxay kala mid tahay dawladaha gobolka.”

• Shirkaasi maaha mid lagu wada hadashiinayo Somaliland iyo Koonfurta Soomaliya.

• “Somaliland waxay fadhiisanaysaa meel ka duwan kana durugsan Xubnaha TFG-da iyo Gobolada hoos yimaada.

Qodobka hore, hadii Somaliland ay doodaas qaadato, oo waxa badaheeda ka dhacaaya ay ku doodo inay ula simantahay wadamada dariska (Ethiopia, Kenya, Uganda iwm) oo aanay meeshaas dhibaato ka soo gaadhin, waxay ka dhigantahay inaan leenahay caawimo uma baahnin, maxaa yeelay dhibaato nama haysato. Wadamada kale ee shirka ka soo qayb galaaya ayaan la mid nahay markaan leenahay xaqiiqadu sidaas waa ka fogtahay, arin aynu qayb ka nahay, oo dhibteedii ina haysatona waxan isku dayaynaa inaan ka dhuumano, laakiin yaynaan dhuumanin ee aan xal doono. Waxan u baahanahay in dhibta inagu kaliyaysatay la inaga caawiyo, waxan u baahanahay in dadkeena xeebaha dagan la caawiyo iwm, markaa yaynaan ku doodin inaan wadamada jaarka ula simannahay.

Qodobka labaad, shirku maaha mid Somaliland iyo Somalia lagu wada hadashiinaayo oo sidaas weeye, laakiin arinta wadahadalka Somaliland yaanay ka baxsanin ee waa inay iyadu dalbato in la wada hadashiiyo, cidii hadalka diidaana caalamku ka war qabo. La isma khasbaayo, kol hadii aan khasab jirina wixii soo hadhaa waa wada hadal, hadalkiina Somaliland waa inay dalbataa iyada ayaa wax ka maqanyihiin. Qolada TFG du waxay doonayaan inaan Somaliland shirkaas imanin sida la sheegaayo, laakiin Somaliland wa inay timaado, oo waliba dalbato in la wada hadlo.

Qodobka sadexaad, isagu wuxu u muuqdaa uun mid lagu seexinaayo ra’yul caamka Somaliland, kooxaha Soomaalida aad baanu uga fogaanaynaa micno siyaasadeed iyo mid qaanuun toona kuma jiro. Dadka shirka ka qayb galaaya oo dhami maba kala foga oo waa dad hal dhisme ku wada jira! Markaa isaga qodobkaas ugu dambeeya waan iska dhaafayaa.

Isku soo wada duub, Somaliland taladii tolmoonayd bay qaadatay, waxay se su’aashu ka joogtaa sidee bay Somaliland badeecadeeda u iib gayn doontaa? Qolada TFG du waxa iyaga u daran, dawlada UK iyo cid kastana ay rabaan inay ku qanciyaan sidii looga caawin lahaa (koow) inay xiliga ku meel gaadhka ah ka baxaan oo dawlad rasmi ah u gudbaan, iyo (laba) in wixii August 2012 ka dambeeya iyo ka horba taageero lala garab joogsado.

By M. Harun – mbiixi@gmail.com.

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,

Filasho Wacan: Wareysi Aad u Qiimo Badan oo Aanu La Yeellanay Maareeyaha Dekeda Berbera Cali Xoor Xoor oo Ka Waramaya Sababta Dib Loogu Soo Magacaabay Ha Moogaanin Goor Dhow
HARGEYSA(OWN)- Dhageystayaasha qiimaha badan waxaanu goor dhow idiin soo deyn doonaa wareysi aad u muhiim ah oo aanu la yeellanay Maareeyaha dekeda Berbera Mudane Cali Cumar Maxamed ( Cali Xoor Xoor) oo aanu ka wareysanay arimo badan oo ku saabsan shaqada dekeda & hawlaha dekeda ka socday oo aad u badnaa, Maareeyaha ayaanu sidoo kalle ka wareysanay sababta dib loogu soo celiyey jagada maareeyaha oo hore looga qaaday, Hadaba wareysigaa oo aad u xiiso badan ha u deymo la,aanina, Wareysigana waxaa maareeyaha lasoo yeeshay wariye Barkhad Cabdillaahi Maxamed oo safar shaqo ku tagay magaalada Berbera,

Oodweynenews.com /Hargeysa/ Office

BARNAAMIJKII SILSILADA TAARIIKHDDA SOMALILAND ( QAYBTII 4AAD OO IN KA MAQNAYD LAGU DARAY).
Hordhacii qoramadan 4aad:-

Dhamaan akhrista-yaasha shebekedan ku xidhan aan u soo gubi-nayaa aniga oo ah Abdi-Shotaly, in qaybta 4aad oo aan hore in ka mid ah idiinka soo gudbinay halkan, aan hadda iyadda oo isu dhan, oo in badan oo ka maqnayd, iyo kuwa markii hore ka soo bixi waayey, farsamo ciladeed awgeed ku yimaadeen, aanu imika saxanay, sidaas awgeed, wadda shaqayn wacan oo xiiso leh aniga oo huba in aad heli doon taan qaybaha aan hore ugu jirin, iyo kuwa ciladu lahaa inta-ba, taas oo aan door bidnay inta aanan qaybaha kale soo daynin in aan saxno qaybta 4aa ee sidaas nagaga raali ahaadda.

Hadaba akhrista-yaal aniga oo mar walba halkan idiinka soo daaya barnaamijkan xiisaha leh waxan si naxriis leh idiinka codsa-nayaa in aan lagu xad gubin beelo, ee si anshax leh aad uga hadasho waa haddii aad wax saluugto ama si kale aad u haystao, maqashay oo ka duwan sidda uu qoraagu u dhigay, iskana ilaaliyahadaladda mutaxan ee aan meesha qaban, waad mahdsan tihiin kuna soo dhawaadda waa tane:-

Suldaan Nuur Axmed Amaan asaasayaashii Daraawiishta 1838-1906.

Hali waa iga salaan

Halna wa iga sacab-qaad,

Halna wa iga suaal.

Hal wa i sacabqaad, ,

wa i Suldaanka amaanti,

Siraadki Berberad,

iyo wa haldhaa subax joga,

baalashi kala sidoo

wax la sisto la waa

Halna wa iga salan.

Geela, Seenyo iyo Laan

Sangayaasha qararystay,

Gabdhahaa suurta la moodo

iyo seyaxaanu ku jifna.

Sadadaada nabad ba leh.

Greeting to sultan Nur in 1885.

Wuxu Cabdi Warsame (Gahayr) mar isagoo u gabyaya niman ay isku haysteen dagaankaHargaysa 1947kii tuduc gabaygiisa ka mid ah ayuu ku guhaamayaa caaqil reer Axmed Ah oo la odhan jiray Guud-Cade oo ku gabayay inay Sacad Muuse , Arab u qayshanayaan dagaalkii Awal iyo Garxajis waxa ka mid ahaa tuducyada jawaabtii Gahayr:

Caliyow dadkii kaa irdhow sidii Israaiile

Qoladii Ilaahay nacay ee Adan laga doortay

Iblays iyo Fircoonbaa qalbiga iinta ku lahaaye

Ashahaadadiisii ninkaa iibsadaa tahaye

Weysada argeeg iyo kufrigu weysu eekayne

Irdhan kama danbayn reerihii ubux saarnaaye

Waxad aragtay mooyee tolkaa kuuma uur-xomo’e

Lagu eed sidii ina Carro iyo reer Axmed Amaane

lagaa orod sidii baandadii aqalka gaabnayde

Sida aarka sugumaa fadhiya aaminkaa dhimaye

Abaalkii nin goba lagaa waa sida Ogaadeene

Ina Carro waa wadaadkii Maxamed Cabdulle Xasan oo hooyadii la odhan jiray Carro Seed Magan, reer Axmed Amaana waa Sultaan Nur Axmed Amaan, wuxu Cabdi Gahayr leeyahay hadii si kale loo dhigo sidii loo eeday daraawiishta laguu eed ama lagaa irdow, isagoo laba hogaamiye carrabaabaya. Kolay Cabdi Gahayr oo Jidbaale joogay 1904kii looga sheekayn mayo waxay Daraawiishtu ahayd iyo nimankii udubka u aslay. Hasayeeshee wixii ka danbeeyay Kacaankii Afweyne taariikhdii Daraawiishta iyo asaaskeedii wixii aan ahayn reer Jaale-Daarood  gaar ahaan Dhulbahnate waxa qandaraas lagu siiyay ninka Aw Jaamac Cumar Ciise iyo ninka hag-hagada kacaankii ka daweeyay ee ku magac dheer Idaajaa , oo durbadiiba 1974kii la soo turunturooday wiilka Ismaaciil Mire 1885-1960 buug u malmaluuqay, Ismaaciil Mire 1898kii Daraawiishta la asaasayay wuxu ahaa wiil yar oo kuray ah haduu ugu bato wuxu ahaa 13 jir Daraawiish iyo siyaasad daayoo inu anbado ayaa laga ilaalin jiray. Waxa la yidhi bari ayaa loo soo gabyay Salaan Carraby oo ninkii gabyay is qariyay oo gabaygii qiran waayay hasayeeshe lagu tuhmay inu gabayga lahaa Ismaaciil Mire se ka gabaday jawaabta, Salaan Carrabay ayaa ku jawaabay geeraar u ku durrayo d’da Ismaaciil u leeyahay waa ciyaal waxa ka mid ahaa:

Ismaaciil futo-sheeg iyo

Ma facaysto Cabasoo

Filkaygaanay ahaynoo

Faaiidaan iiga kordhayn.

Hadii maanta shicibka Somali afti laga qaado ciday ugu caansan Daraawiishta waa hubaal in Wadaadka ka sokow Ismaaciil Mire lagu xigsiinayo, taasina ma ahayn wax jiri jiray ee waa wax dawladii Kacaankii Afweyne abuurtay oo gacan-ku-rimis ah. Ninka Aw Jaamac Cumar Ciise iyo Axmed Idaajaa ayaana arintan ka danbeeya 1970’skii , Aw Jaamac Cumar Ciise oo beel ahaan ay isku hayb yihiin Ismaaciil Mire mar kaste qoraaladiisa waxa ku dheehan ujeedo beelaysan , waxad qoraaladiisa ku arkaysaa waxyaabu aan waxba ka jirin oo mala-awaal ah sida Kaptin Af-Carabi ( Captain Fredrick 1901) oo lagu dilay dagaalkii Firdhin 1901kii ayaa waxa dilay mid Dhulbahnate ah oo kurta ka goostay iyo wiilka Ismaaciil Mire ayaa Koofil dilay, oo geelii Dhulbahnate dhicisitiisa 1913kii ku dhintay gacantana ka jaray, waxyaabaahs oo dhan uu hebelo dhulbahnate ah oo beeshiisa ah ugu wada abtiriyo waxba kama jiraan oo si hawl yar baa loo beeneyn karaa oo dee waxa la wada hayaa qoraaladii arimahaas ku saabsanaa mid Gaal iyo mid Islaamba.

Waxa taas ka sii daran ninka Aw Jaamac sidu u dado xaqiiqooyinka qaar isagoo dhawraya sumcadu is leeyay Dhulbahnate uga samee taariikhda Daraawiish, tusaale dagaalkaas Firdhin ciidanka Ingiriis u watay Af-Carabi badankiisaba waxay ahaayeen 300 oo Dhulbahnate ah(Somaliland by Angus Hamilton), oo ciidankaas Dhulbahnate waxay ku lamaanaayeen ciidankii Ingiiriska ay kala wateen , Dunn, Fredrickson iyo Beynon, ciidanka Daraawiishna goobtaas waxay u badnaayeen Majeerteen oo dagaanka Majeerteen buu dagaankooda ka dhacay, laba arimood ayuu si toos ah u qariyay midna waabu ku daray, wuxu qariyay in ciidanka Ingiriis goobtaas u badnaa Dhulbahnate, ciidanka Daraawiishna ay goobtaas u badanaayeen Majeerteen , Daraawiishna ay goobtaas iyo kuwii ka horeeyay ba ay hogaankiisa lahaayeen Wadaadka , Suudi iyo Suldaan Nuur sidu Ingiriisku qoray, hadaba inkastoon la ogayn ninkii xabada dishay Kaptin Carabi lahaa , haseyeeshee maadaama ciidanku u badnaa Majeerteen hadii la maleeyo waxa suurtagal ah in xabada u lahaa nin Majeerteen ah , laakiin Dhulbahnatii ciidanka Ingiriiska ka mid ahaa ayaa dilay waa been xaaraan ah, halka daliil u daba dhigay arintaas aw Jaamac waxa weeye nin Dhulos ah oo la yidhaahdo Maxamed Xoosh baa iigu dhaartay buu yidhi, laakiin dhaar iyo dhaar l’aanba kor la jaray meesha ma jirin ee Aw Jaamac baa la jeclaaday dhulos wax la jaro.

Soomaalidu badankood waxa ka dhaadhicsan taariikhdii waagii Kacaanka Afweyne u qoray Aw Jaamac sidu u dhigayna ay tahay weji Dhulbahnate, waxad had iyo jeer ku arkaysaa Dhulbahnate aad u fara badan daraawiishta qiyaas hadaan ku sheego ilaa 40 nin oo soo noqnoqnaya ,  Ogaadeen ka Ba-Geri , Ba-xawaadle iyo Makaahiil ee Wadaadku ka dhashay Dhulbahantaa Aw Jaamac ayaaba kaga badan 2diisa buug, gacan-ku-rimiska Aw Jaamac se waxay beenowbaysaa marka la eego wakhtigay Dhulbahntahan u dabada ka wado Daraawiish ku jireen , waxan odhan karaa 99% Dhulbahantaa u sheego Aw Jaamac gidigood waxay Daraawiish ku biireen 1905kii wixii ka danbeeyay markay dhamaadeen dagaaladii lala galay Ingiriiska (Sacamla, Firdhidin , Ergo, Daraatoole-Gumburo iyo Jidbaale) wixii ka danbeeyay 1906 dagaal Ingiriis iyo Daraawiish ma dhicin wixii Daraawiish la odhan jirayna waxay isu badaleen Budh-cad qabaailka Somali geela kala qaadaan gabayana isu tiriyaan ilaa 1920gii dagaal danbe ma dhicin sanadkaasna waa sanad caan ah oo waa sanadkii Dayuuradaa.

Dagaaladaas lagu soo af jaray heshiiskii Ilig ee 1905 waxa u dhaxeeyay “operation” yaryar oo ay ka mid ahaayeen dumistii qalcada Shimbiriis 1911kii, dhicistii geelii Dhulbahnate ee koofil lagu dilay isagoo wata 350 dhulbahnate raacdo ah 1913kii, iyo Daraawiish u hogaaminayay Cabdi Warsame (Cabdi Dheere oo u badnaa reerka Gadhweyn) qabsadayna dagaano Warsangali ilaa xeebta Laas-qori Ingiriiskuna bada ka duqeeyay laas-qori Daraawiishtii meesha qabsatayna laga saaray 1916kii.

Aw Jaamac Daraawiishtu ka sheekeeyo ee beeshiisa ah waa niman aan weligoodba Ingiriis is arag sababtuna wax weyn maaha oo dee dagaaladiiba wey dhamaadeen Daraawiishna waxay u guureen dhulka Majeerteen oo waxay dageen Ilig laga bilaabo 1905kii ilaa Xaaraamo Cune 1911kii Daraawiish waxay daganaayeen dhulka Majeerteen. Ninka Ismaaciil Mire ee balaayada laga dhigo weligiid dagaal Ingiriis lama galin wuxu caan ku noqday oo kaliya gabay u ka tiriyay geelii reerkiisa Dhulbahnate (Axmed Garaad) Daraawiiish ka qaadeen 1913kii gabay u geelaas ka tiriyay isagoo booliga hashii gabayaa ka raba laguna siiyay gabaygiisa Taleex, laakiin dadku badankii sidaas arimahan uma oga , Aw Jaamacna ujeedadiisu maaha inu sheego taariikh Daraawiisheed ee ujeedadiisu waxay weeye inu sheego mid Dhulbahnate sababtaad ugu arkaysaan wiil geel-jir ah sida Ismaaciil oo balaayo laga dhigaana waa sababtaas isagoon dagaalkaas Dul-Madoobe ba joogin ayaa lagu lifaaqay gulufkii geela-qaad iyo gabaygiisii iyo arintii dilka Koofil.

Si arimaa dadku u fahmaan , waa in look ala qeybiyo taariikhda Daraawiishta laba qeybood:

1- 1899-1905 oo ahayd asaaskii iyo dagaalada kor ku xusan (Sacmala, Firdhidin, Ergo,Daraatoole-Gumburo iyo Jidbaale oo ugu danbeeyay dhacayna 1904, ka dibna heshiis dhex maray Daraawiishta iyo Ingiriiska/Talyaaniga dagaalkii 1904 ku xigay dhex mara isticmaar iyo Daraawiishna waa 1920.

2- Mudadii Budh-cadka 1905-1919 , waa intii shakhsiyaadku Aw Jaamac buunbuuniyo ku soo biireen Daraawiishta oo, sida Ismaaciil oo ku soo biiray Daraawiishta 1910kii. Xataa dhacdooyinkaas qabaailka somali iyo Daraawiish dhex maray mudadaas 14 sanadood wuxu Aw Jaamac ka dhigaa in Ingiriis lays hayay (haduu xaqiiqada sheego inaan Ingiriis lays hayn oo Somali lays hayay Dhulbahnatuu is leeyay taariikh u samee u surta gali mayso) , haduu dagaalada qabaailka iyo Daraawiish sheegana kuwa Dhulbahnate iyo Daraawiish kuma daro Dhulbahnate oo raacay Gaalo laakiin qabaailka kale siiba Isaaq hadii dagaal dhex maro ayaga iyo Daraawiish waa hubaal inu Aw Jaamac Ingiriis aan meeshaba joogin ku daro meesha tusaale:

Sanadkii Xaaraama-Cune abaartii 1911-1913 Dhulbahnate iyo Daraawiish waa dagaalameen dhowr jeer Dhulbahnate na waatii geelooadii laga qaaday Koofilna ku dhintay hasayeeshee , cidii geela laga qaadaay, cidu Koofil watay intaasba wuu qariyay oo wuxu ka dhigay geelaas inu ahaa geel Isaaq raacdadii geela la socotay ee 350ka ahaana wuxu si dadban ku tilmaamay ciidan “Burca agteeda ka yimi oo geela daba socoday” taasi waa tii Dhulbahnate ee 1913kii.

Isla sanadahaas Xaaraama Cune ayaa waxa dagaalamay oo Daraawiish ku duuleen jilibo H.J ah (reer Yoonis) ciidankaas Daraawiish waxa saaray ninkii la odhan jiray Abshir Dhoore oo geel doon ahaa, maantaas waa maalintii Kal-Xoor , ciidankii Daraawiish ee dhaca doonayayna waa la jabiyay ilaa 40 nina waa laga dilay, fardo caan ahna waa la dhacsaday oo waxa la hadhay qoladii reer Yoonis , fardahaas waxa ka mid ahaa Weysaysane, Timoyare, Shalluu-Maray iyo fardo kale, wuxu ina Cabdulle Xasan dhacdadaas ka mariyay ilaa 3 gabay  oo calaacal ah oo nimankii ku canaanayo dagaalka ku jabay, waxa dhacdadaas Goob-Joog u ahaa Xaaji Maxamud Daallin oo 3da gabay iyo dhacdada iyo fardii lagu helay sheegaya waana Kal-Xoor. Aw Jaamac dhacdadaas wuxu u tilmaamay sidtan ” gabayadan wuxu Sayidku tiriyay mar col Ingiriis ah oo Hargaysa ka soo duulay isku haleeleen …”

Daraawiishta asaaskeedii iyo bilowgeedii hal nin oo Dhulbahnate ah oo ku xusan kuma jiro diiwaanka taariikhda , hada iyo jeerna Aw Jaamac arintaas wuu iska ilaaliyaa sheekadeeda oo wuxu ka bilaabaa Ina Cabdulle Xasan baa ka soo dagay Berbera ka dibna cashuur diiday iyo ciyaal Kiristan ah arkay iyo sheekooyin iska “ribo” ah oo sal iyo raad toona lahayn. Asaaska Daraawiishta wax hordhac u ahaa Daraawiishtii Sudaan ee Mahdi gu watay iyo Sanuusiyiintii Maqrib, siday maantaba Al-shabaabka Somali ugu daydaan al-Aaacida ilaa dharka Af-Ghanistan ayey Daraawiishtuna ka dheegteen arimo badan Mahdiyintii Sudan, dhar iyo magac iyo faslsafad ba, tusaale ina Cabdulle Xasan inankiis wuxu u bixyay Mahdiwalaalkiina wuxu naanaystiisu ahayd Khaliifa oo ahaa naanaystii Cabdalle Maxamed oo dhaxlay Maxamed Al-Mahdi, dagaalkii ugu danbeeyay ee lagu jabiyay Mahdiyiinta Sudan wuxu dhacay 1899 oo dalka Somaliland markii la asaasayay Daraawiishta Somali arinta sudan waxay ahayd wax dadka oo dhan u dhuun daloolaan si fiicna ula socodaan.

Taariikhdii Suldan Nur Axmed Amaan 1838-1906

1874-1880 mudo u dhaxaysa aya waxa dagaal lagu dilay suldaan Xirsi Amaan, waxanu xufrgufka Suldaan Xirsi iyo Xaaji Guuleed Axmed ka kacay dakhar wiil u dhalay Xirsi iyo dhimasho wiil u dhalay Guuleed Xaaji, waatu salaan Carraby lahaa:

Reer Sugulle dakhar wiilyar baw sidey daliishiiye

Waatii degmada laysu furay dabadi Looyaade

Denbi hadduu kasbaday Eebbeheen daayinaa jirae

Dullaamkii Qabriga hawga tudho dabaqi naareede

Dummaddii Xirsuu saaran yahay Dubur raggii yiile

Dawlaabadii boqor hadduu damacsanaa waaye

Dabar qaaday reer Diiriyii damaca waallaaye

Duudsuu ku dhacay ina Ammaan dib u heshiintiiye

Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha

(Salaan Carrabay 1911)

Suldaan Xirsi wuxu lagu dilay dagaaladaas , dagaalkiina xoogaa mudo ah buu socoday waxaana lagu soo af jaray magtii geelii la magac baxday Haad-Qadiye, nin la odhan jiray Warsame Cabcabaale oo jeeska Xirsi Amaan ahaa ayaa u gacan galay Guuleed Xaaji Axmed markaasuu Guuleed yidhi ”waar Warsamow ka waran hadaan ku sii daayo Gunnimo da qaadanaysaa ” Warsame ayaa isagoon dhinacaba eegin yidhi “haaye i sii daa” , marku reerkiisii ku laabtay ayuu colkii yidhi “waar ninka Guuleed Xaaji geeri-ka-dhawara guunimiana la raadiya”, hadalkii inu ka dibaaqo waa u suurtoobi weyday , waagii magta la kala qaatay ayuu Warsame Cabcabaale yidhi geelan wax aan ahayn “Haad-Qadiye” yaan loogu yeedhin isagoo daba jooga hadalkii Guuleed Xaaji. Markii Xirsi la dilay ayaa saldanada waxa isku qabsaday  Cawd iyo Nuur ,reerka H.Y oo qaarba mid la safteen.  Habar Yoonis Burco oo watay Cawd Diiriye 1840-1893 iyo Habar Yoonis Galbeed oo ayagu watay Nuur.Waxa xad u noqtay labada suldaan dagaanka Oodweyne oo wixii bari ka xigana Cawd ilaa reerka Muuse Cabdalle, wixii galbeed ka xiga ilaa reerka Isxaaqna suldaan Nuur. Ma hubo Cawd Diiriye waxa u raaca , ma reer Amaan buu ahaa mise baho-Diiriye iyo sababta muranka keentay maadaama Nuur ahaa reer Amaan adeerkii Suldan Xirsi Amaan na dhaxlay.

Ilaa mudo 13 sanadood ah Nuur iyo Cawd Diiriye midba suldaan ayuu dhinaciisa ka sheegan jiray midba isagoo qollo gaar ah wata , Nuur oo Daroor iyo Banka Tuuyo reeraa daga boqreen iyo Cawd oo H.Y Burco dhankooda boqreen. Isticmaarka Ingriisku markii 1884 u dalka yimi qabaailkana la saxeexday heshiiska muxamiyadeed labada suldaan ba wey jireen. F.L.James wuxu buugiisa ku sheegay in dagaalo b’ani dhex mareen labada suldaan oo marba qolo lagu duuli jiray , Labada suldaan se waxay ku kala duwanaayiin arima saldanada ka sokow xidhiidhkay la lahaayeen Ingiiriiska xeebaa soo dagay, Suldaan Cawd wax xurguf ah ma dhex marin isaga iyo maamulka xeebta ee Ingiriis oo si toos ah ayuu Berbera marku doono u tagi jiray , halka suldaan Nuur Ingiiriska markiiba fooda is dareen, marka dhinac loo eego Suldaan Nuur wuxu la col ahaa cid kaste , Ingiriis oo dhanka xeebta ka xiga, Suldaan Cawd oo bari ka xigaa iyo Suldaan Diiriye Suldaan Xasan (Ciidagale) oo Galbeed ka xiga, 3daasna dhexda ayuu ugu jiray dagaan ahaan.

Xurgufkii ugu horaysay wuxu dhacday 1886kii mar ciidan Berbera weeraray lagu eedeeyay Inu suldaan Nuur ciidankaas watay geelaa 15000ka halaad ahna isaga iyo reerkiisu qaadeen, Ltd Walash oo ahaa maamulaa Berbera ee Ingiriiska ayaa waraaq kaga codasaday suldaan Nuur inu xoolli la dhacay soo celiyo suldaan Nuur kama soo jawaabin fariintii laakiin Ltd Walsh wuxu yidhi waxa “karaal kiisa“ waa dagaankiisa lagu soo arkay wadaado Sinuusiyiin ah:

“Ten days elapsed, but no reply to my letter came from

Sultan Nur. I heard, however, that two Senousi Akwan

were guests in his kraal ; and this was a very significant

fact, since it showed that these guests, members of a very

influential community, were hatching a scheme to retaliate

on and injure the Administration.”1

Ingiriiska , dagaalkii ugu danbeeyay ee lagu jabiyay Mahdiyiintii ka dib , aduunyada

Islaamka Makka ilaa dhulka Somaliyeed waxa yimi wadaado Mahdiyiin iyo Sanuusiyiin

ah oo Muslimiinta Gaalada ku Kakinada Ltd Langton Walsh waraaq u dira

The Senousi sent emissaries to Berbera, and weafterwards ascertained from documentary evidence found on the body of a dead Mugrubi (a Western Arab)that a number of these rascals had been specially sent to create riots and disorder at Berbera.Their object was to promulgate hatred against all Christians,to preach the doctrine of “Africa for the Africans” and the total exclusion of the white man.Now the Somali is at heart a trader yet many of them, in order to show sympathy with the Mahdi and his cause, agreed not to supply camels or sheep, or to allow the recruitment of drivers and coolies for the British Army then fighting Osman Digna and the Dervishes at Suakin.Owing, however, to their deep rooted commercial instincts, they were unable to bring themselves in practice to cut off trade relations with us, or to exclude the British from Somaliland. These views and actions brought about many serious fights in Berbera and inland between the Senousi and the Mahdists, at which I greatly rejoiced, since these differences of opinion and policy rendered my position very much easier. Page 212 Under The Flag: Somali coastal Stories 1887.

Danjirii Ingiriiska ee Mercer Hunter ee heshiis qabaailka magacuusu ka wada muuqdo iyo Walshe oo ahaa sarkaalkii ugu horeeyay 1884 ee maamulka muxmiyada inu dhiso u xil saaray Hunter wuxu dhacdadaas ku eedeeyay Ducaale Idriis, Ducaale Idiriis wuxu ka mid ahaa nimanka fara ku tiriska ah ee waagaas ilaa Congo-Zair safarada Europeanka hogaamin jiray markii Africa European ku ka raadinayeen halka webiga Nile ku bilaabmo, wuxu safar Congo ah u raacay Henrey Stanely oo baadi doonayay Livingstone, ganacsi fara badana wuxu ku lahaa Berbera oo nimanka reer Axmed dhowr jeer khilaaf dhex maray .Maxamed Sharmaarke Saalax oo 1880gii ka hor intaanu Walsh iyo Ingiriisku iman Magaalada Berbera ka ahaa „ xaakinka Turkishkaoo xidhiidhkii aabihii Sharmaarke Cali Saalax la yeeshay Turkishka 1827-1861 aad uga faaiiday mudo lagu qiyaaso 1862gii Maxamed sharmaarke wuxu xukumayay Berbera.

I was myself Administrator in sole charge of Berbera in 1884, thirty years after

Burton’s visit there, and I was particularly struck by his word-picture of Akil

Mahomed Shermarki, who was the Governor of Berbera in 1854, and in 1884 was

the senior Stipendiary Akil in the pay of the British.When El Haj Shermarki was

ousted from the Governorship of Zeila, his son Mahomed was compelled to abandon

his control over Berbera. And he never regained it,although always a man of

importance and great influencein Berbera.

Maxamed Starmark iyo Suldaan Nuur xidhiidh fiicani kama dhaxayn, laakiin qoraalada yar ee Ingiriisku wax ku iftiimiyeen waxay cadaynaysaa uun in arimo ganacsi iyo talada beesha H.Y uun ay arintu ku saabsanayd , una badnayd arin Ducaale Idriis (inkastoo Wasiir Cawil iska jeclaaday inu yidhaahdo Ducaale Idriis waa awowgay se Ducaale wuxu ahaa reerkaas Sacad Yoonis) iyo Maxamed u badan. Maxamed Sharmaarke oo Nuux Ismaaciilka la col ahaa hadana dacwada reer Axmed waa gaadhsiiyay Ingiriiska Maxamed , wuxu Maxamed Ducaale i ku eedeeyay inu Ducaale suldaan Nuur iyo colkiisa xidhiidh hoosaad la leeyay. Arintaasi waxay sababtay in maamulka Ingiriiska ee Berbera xaaskii suldaan Nuur oo ka soo jeeday beesha Dhulbahnate ( Ingiriisku ula baxeen al-Garaada) ay ka afduubeen doon ayadoo xeebta Karin ku sugan.

Ka dib suldaan Nuur ku qasbaan inu xoolii la dhacay soo celiyo . Wax heshiis ah se ma dhex marin suldaan Nuur iyo maamulka Berbera oo ilaa markii Daraawiishta la sameyay safarada Ingiriiska way ka wareegi jireen dhulka hoos yimaada maamulka saldanada Nuur oo dhanka suldaan Cawd iyo Burco ayay mari ireen sidu sheegay L.F James oo webi shabeele dhankaas u maray 1886kii. Suldaan Nuur 1884kii ilaa 1906kii marku dhintay maamulka xeebta ee Ingiriiska col bay ahaayeen , dhulku ka talinaya safarada Ingiriisku ma mari jirin sida dhowr buug oo Ingiiriisiya ku xusan. 1893kii ayaa waxa dagaal Ogaadeen iyo H.Y dhex maray ku dhintay suldaan Cawd Diiriye , isla sanadkaas Suldaan Cawd Ogaadeenku dilay ayaa col Faarax Nuur watay iyo Ogaadeen geel isku qabteen oo ku dagaalameen geelniina Arab la hadhay , markaas Faarax Nuur oo arintii Suldaanka malaa daba joogaa ku gabayay:

Sergedaa haddii lagala dhaco, sararta guudkeeda,

Suubeey raggii maali jiray, soo sawaxan-yeedhye,

Sibraheeda waa oolli jiray, soobir qaawaniye,

Sinji iyo ab baanu u lahayn, sabada meyd yaalle,

Waa kii waraabihi sorgogay, saabka buuxsadaye,

Sooryaynay haadkii Suddee, soommanaan jiraye,

Annaga soortu nama kaafidiyo, subagga Dhiin-waale,

Wax kaloo sifeeyaa ma jiro, sadarka feedhaha e’,

Bagaa lagu sardamay qaalmahaa, noo sonkor ahaaye,

Sar-hayaaba kugu duudsamiyo, Sayidkii dheeraaye,

Goortaa Suldaankii disheen, Sugulle caynaanshe,

Ayaa sun iyo waabeeyadii, sare u laacdeene,

Saddexleyda nimankii ku baray, sebenka jiilaalka,

Reer Samatar baa Seyla iyo, surinka kuu yaalle,

Saaciisu nimuu buuxsamoo, sahayda loo qaaday,

Inuu socodka hore doonayaa, waa si’ la huaabye.”

(Faarax Nuur 1894)

27th March, Tuesday.— News —  hear that the Habr Unis

strength is about 150; were close to me when

I was at Darur, and that one of their spies found

my camp. (My men saw his tracks, but we

thought it was one of the Ogaden come to see

if there was water at Darur.) These men,

probably joined by the eight who came to me,

went on to Handiget and hung around, waiting

for the Ogaden. Rer Harun Ogaden came up

strong, ten karias and lots of camels. Habr Unis

attacked them before they had made zerebas, and

made a big bag, men, women, and children.

They only lost three men killed in the fight, and

brought back between 450 and 500 camels. All

the men had three camels each for their share,

besides the amount for the bosses. My Habr

Unis men are very cheery over it, for the Rer

Harun are their biggest enemies and killed the

chief of their section (Sultan Nur’s section) of

the Habr Unis last year. They say that nearly

100 (counting cubs) of the Ogaden, were killed,

but this, like all despatches, is probably nearly

true when divided by three. page 89

Three Months Leave  in Somali Land

Sidu xasuustiisa ku qoray CAPTAIN J. C. FRANCIS mar u ka ugaadhsanayay dagaanka Suldaan Nuur ee Daroor in bishii 3xaad 27keedi 1894 dagaal dhex maray beesha dagaanka suldaan Nuur iyo Ogaadeen oo ay sheegteen in ay 100 nin oo Ogaadeen ah dileen geelna 450 tiro ah ka qaadeen Ogaadeen ayagoo dilkii suldaan Cawd ka duulaya, Farncis oo somalida yaqaan wuxu yidhi wax dil kaste wey buubuuniyaan se waxay kuu sheegaan 3 baa loo qaybiyaa.

Dilkii Cawd ka dib Suldaan Nuur wuxu noqday suldaanka guud ee beesha H.Y mudo ilaa 6 sanadood ah kaligii suldaan waa ahaa  1899kii ayaa Suldaan Madar Suldaan Xirsi Amaan isna suldaan isu caleemo saaray isagoo wata ina Cabdulle Xasan oo markaas mudo ku beegan 1896kii ka soo guuray Berbera oo yimi bari, Suldaan Madar sidu sheegay Hays Sadler Wadaadka waa xooleeyay , wadaadkuna ilaa 1899kii wax dhibaato ah ama mucaaridnimo ah oo ku lid Ingiriis ma galin aan ahayn taageerida culus ee u la daba istaagay Suldaanka cusub ee Madar.

In Major Hunter’s personal opinion the attack on the Berbera live stock by Sultan Nur

was instigated by Duali Idris. Duali Idris had relations with Sultan Nur (the

most powerful of all the Gerhajis chiefs) which did not tend to our own advantage.

Moreover, since Duali Idris had failed to induce me to give Sultan Nur certain

exclusive privileges and favourable terms with respect to his own raiding caravans, and

others visiting Berbera under his auspices, Sultan Nur was led to believe that the

British at Berbera were hostile to him and to his rights and interests. Both Major

Hunter and I did all in our power to establish cordial relations with Sultan Nur, but he

never became friendly, and always regarded us with suspicion and distrust.

Under The Flag and Somali Coast stories 1887.

Asaaskii Daraawiishta iyo dagaaladii bilowga ahaa 1899-1905

Sidu maamulka Ingiirisku qoray (J.Hays.Sadler ) 5ta nin ee hogaanka Daraawiishta u sareeyay bilowgii Diiriye Caraale, Diiriye Guure, mooyaane 3dex kale ee Wadaadka , Haaji Sudi iyo Sultaan Nuur ba midba taariikhdu ku biiray Daraawiishta iyo asaaskeediiba way ku sheegeen inay ka mid ahaayeen qoraaladooda, buugaagta Baarlamaanka Ingiriiska iyo Fariimihii maamulka Ingiriiska u diray Baarlamaanka iyo Guriga-Odayaasha (House Of Lords) J.Hays.Sadler oo ahaa masuulkii Somaliland Protectrate u sareeyay waraaqu ka qoray asaasskii Daraawiishta wakhtiyadii isagu goob joog ka ahaa Muxmaiyada 1898-1899 wuxu yidhi isagoo uga waramaya House Of Lords iyo Boqortooyada xaalka reerka H.Yoonis iyo Suldaan Nur iyo dhaqdhaqaaqii markii danbe loo bixin doona daraawiishta:

Haltung des Sultans Nur.

Hargaisa, July 16, 1899. (July 31.)

My Lord, In my dispatch of the 16th ultimo, I informed your Lordship of the state of affairs amongst the Habr Yunis tribe, and noted that I was awaiting an opportunity of ascertaining the attitude that would be assumed by Sultan Nur. This, I regret to say, is one of declared hostility. I waited for some time after he had returned to his country, and then sent him a civil letter, pointing out that be had not as yet come to visit me, as is usual when my camp is in his limits,and desiring him to come in, as there were several matters I wished to discuss with him. This was on the 27tt ultimo, and my camp was then at Bagan, in Habr Yunis territory. || No reply was sent to this letter; but on the instant the camel sowar who had conveyed it to Sultan Nur returned to my camp near Hargaisa without his camel, arms, and uniform, of which he reported he badly stripped by order of Sultan NurI have already informed your Lordship that the Habr Yunis are divided, and that this time last month only the eastern sections of the tribe had so far tribes affected by the Mullah’s movement, the western section awaiting the return of Sultan Nur. Nur had called a large meetings of the tribe for the 22nd instant at Odweina, and I had arranged to have a man present to report what takes place. Yesterday I received letters from Haji Musa, the Head of the Mullah Community of Hahiya, informing me that the westerly sections of the Halgr Yunis, including the principal portion ol Sultan Nur’s own tribe, the Rer Segullah, together with the Ishak sections, bordering on the Golis, amongst whom I passed, and whose elders I interviewed on my way here had bound themselves together to keep clear of all disturbance. They are said to have told Sultan Nur that they are dependent on Berbera for their supplies, and that they do not intend to get into difficulties with us on his account, and to have told him pointedly that if he does not eease from making strife in the country, and oppressing people by his exactions, he had better clear o£F, as they would oppose him. If he remained quiet, and did not oppose the Government, they would accept him as Sultan,otherwise they would have nothing to do either with him or with Madliar Hirsi. As regards the Mullah, they are said to have declared that they belong to the Kadiriyah sect, that of Haji Musa, of Hahiya, and Sheikli Mattar, of Hargaisa, as opposed to the Salihiyay,

Bishii July 22keedii sanadkii 1899 ayaa Sadler waraaq fariin ah askari ilaalo ah ugu dhiibay Suldaan Nuur , Suldaan Nuur waraaqdii kama soo jawaabin ismana soo xaadirin shirkii u la damacsanaa Hayse Sadler, ninkii ilaalada ahaa wuxu sitayba intu ka qaaday ayuu Suldaanku xidhay. Wuxu Suldaan Nuur Habar Yoonis ugu yeedhay shir 22kii bishaas ka dhacay oodweyne isagoo ku gubaabinaya inay dhaqdhaqaaqa lagaga soo hor jeedo Ingiriiska beeshu ku biirto, reerihii shirkaas ka mid ahaa u sheegay Sadler waxa ka mid ahaa Isxaaq iyo reer Sugulle oo labadooduba arintaas ku gacan saydhay, Xaaji Muuse Xaaxi oo u sareeyay dariiqada Oodweyne iyo beeshuba waxay u digeen Suldaan Nuur iyo Madardba  hadaanay joojin arimahay ku dhex jiraan in saldanayday labadudu isku hayaan laga xayuubin doona suldaan cusubna beeshu caleemo saari doonto, waxay beeshu sababt arimahas uga dhigtay xeebta Berbera oo amrna safaradeeda beeshu ka maarmi karin hadii laga xidho oo maamulka Ingiriiska dagaal ku qaadaan. Mida kale oo ay ku dareena waxa weeye in beeshu tahay Qaadiriya oonay shaqo ku lahayn Axmediyadan cudun (Saalxiyada).

Sultan Nur hastily left eastwards, and is supposed to have repaired to Burao, whence he will probably rejoin the Mullah. The eastern sections of the Habr Yunis are still with the Mullah, but the Position has so far improved that the westerly sections, whose attitude had before been doubtful, are now said to have definitely declared against Sultan Nur and the Mullah. At this point there is now every reason to believe this movement will now stop in its movement westwards,leaving the line of division as reported in my previous despatch.

Marku sidaas kala kulmay Suldaan Nuur beesha qeybteedii Oodweyne ayaa markiiba wuxu u wareegay bari iyo dhanka Burco , beeshiina wixii Daraawiish raacay iyo wixii diidayba xad u noqotay dagaanka Oodweyne, waxa layslugu yimi magaalada Burco laba jeer marna 1899kii marna 1900kii oo halkaas lagaga dhawaaqay xarakadan cusub loona bixiya Daraawiish oo magaca Sudan ilaa Maqrib wakhtiyadaa ka hir galay ahaa , waxa kale oo lagu heshiiyay oo Suldaan Nuur iyo Wadaadka iyo Daraawiishtuba ku heshiisay in safarada Berbera wixii sii socoda iyo wixii soo socodaba wadada loo fadhiisto.

Reports from the Dolbahanta are also current in Berbera that the Mullah and Sultan Nur between them are bent on stopping all caravans entering Berbera for the next six months, with a view to starve the trade of the town. This they will not be able to do. II The main caravan route to the Ogaden from the Jerato Pass through Adadleh is in the hands of sections of the Habr Yunis opposed to Sultan Nur, and caravans using this road could, if necessary, take a more westerly one through Habr Awal country, whilst caravans using the road from Bohotele to Sheikh could diverge either to the Jerato route, or eastwards through the country of the Mahmood Girad. We may, however, expect to hear that some caravans have been looted or detained in the direction of the Dolbahanta.

Weerarkii ugu horeeyay shirkii Burco ka dib Wadaadka iyo Suldaan Nuur waxay ku qaadeen xaruntii Sheekh Muuse iyo Habar Yoonistii Oodweyne bishii Spet 14keedii 1899 ayaa colkii suldaan Nuur iyo Ina Cabdulle Xasan halkaas ka qaadeen geelii banka Aroori iyo Tooyo daaqayay ee Habar Yoonis galbeed/Oodweyne, kolay sababta keentay in Oodweyne iyo Xaaji Muuse lagu qaado weerar waa hubaal in Suldan Nuur ka danbeeyay isagoo arintii diidnimada ka dibaaqaya ay H.Y Oodweyne diideen dagaalkiisa iyo Xaaji Muuse xaruntiisa oo la gubay.

Berbera, September 14, 1899. (October 2.)

My Lord, || On the llth instant information was received that the Mullah Muhammad Abdullah, had left Burao and occupied Odweina, in the western Habr Yunis country. He is there coercing the western Habr Yunis tribes who water at Odweina, Adadleh, and Syk, and who had declared themselves against him and Sultan Nur. He has seized some of their principal men and a considerable quantity of their livestock grazing in the Arori and Toyio Plains.

Dagaaladii ugu horeeyay oo bilaabmay 1901kii waxa ka horeeyay oo xusid mudan in Garaad Cali Garaad Maxamuud garaadka guud ee beesha Dhulbahnate diiday inu ku biiro Daraawiishta lagaga dhawaaqay Burco wuxu waraaq u soo diray Hayse Sadler isagoo le hub iyo ciidan ila soo gaadha Durbdiiba waraaq ayuu Ingiriiska u qortay isagoo le  “ Wadaad waalan baa dadkaygii iyo duunyadaydiiba iigu haysta ee hub iyo caawinimo halayla soo gaadho”

Arintaas markay ogaadeen hogaanka Daraawiishta oo markaas shirrarkii Burco 3 nin lagu heshiiyay Wadaadka , Suudi iyo Suldaan Nuur, in amar lagu bixiyo dilka Garaad Cali, sidaasna arintu u dhacday oo Garaadka la dilay ka dib shirkii laabaad ee 1900kii ee Burco.

“The Gerad Ali Farah, the Sultan of the Dolbahanta, made so bold as to send a

message to the Consul-General to the effect that his old friendly relations with us

remained unchanged although, owing to the evil influence of the Mullah, his orders

were no longer obeyed by his tribe. For this act the Sultan was treacherously

murdered by the Mullah’s command ; and the bodies of the twelve principal sheikhs

in the Dolbahanta country were seized.”

Ciidamada Daraawiishta oo ka kaboon qabiilada qaar H.J (Adan Madoobe , reer Yuusuf, Axmed Faarax), Habar Yoonista bari gaar ahaan ( Muuse Ismaaciil iyo Sacad Yoonis) Ogaadeenka qaar sida ( Ba-Geri iyo Makaahiil (Abraahiinka)., ciidamadaas goobtii ugu horaysay ee Ingiriis isku hirdiyaan waxay ahayed aaga Buhoodle meel la yidhaahdo Sacmala, sidu dagaalka u sheegay Captain MCneill buugiisa In the Prusuit Of The Mad Mullah :

Early next morning our patrols began coming

in at intervals with prisoners, and we heard for

the first time of Captain M-Neill’s fight at

Sanala, and the accounts they gave us turned

out subsequently to be very correct.

More patrols were sent out during the

course of the morning, and several small

skirmishes took place with stray parties of

the enemy, and we secured about 20 horses.

At I p.m. numerous horsemen were seen by

our patrols passing along the open plains to

the north, on the far side of the ridge, and

evidently making for the central opening to

our valley, whilst some 4,000 odd spearmen

were heading for the western entrance. As

The Camel Corps and Mounted Infantry

were sent on ahead, whilst we proceeded

with all our transport to cross the afore-

mentioned nullah, which consisted of a pre-

cipitous descent into a river-bed, and an

equally precipitous ascent on the far side.

Barely half the column was across this when

the Mullah, Sultan Nur, and Hadji Sudi, with

some 200 horsemen, appeared through the

northern opening to the valley, and wheel-

ing into two lines came straight for the rear

of our column. We subsequently discovered that they were

unaware of our presence, and were making for

a pass which was a short cut to the Mullah’s

headquarters at Wayla-hed. On their dis-

covering us, they immediately turned about

and rode straight down the valley, upon

which our rearguard fired a volley, but they

were too far off for this to have much effect.

Dagaalka Sacmala sidu sheegay Mcneill waxa sheeda ka daawanayay 3da hogaamiye maalintaasna waxa Daraawiishta laga dilay 200 oo nin ka dibna ayagoo dib u gurtay ayay col kale oo u watay Sawyn Cawr afka uga galeen, oo 3daba lagu qaban gaadhay goobtaas , sidu jaraaidka New York Times soo qoray cadadkiisii June 22 1901.

http://query.nytimes.com/gst/abstract.html?res=FB0910F93A5D1A728DDDAA0A94DE405B818CF1D3

Dagaalkaas dagaalkii ku xigay wuxu ka dhacay xadka Somaliland iyo Somalia goobta Firdhidin , maalintaas ciidanka Ingiriiska waxa watay Beynon , Fredrickson (Af-Carabi) waxana lamaanaynayay ciidank Dhulbahnate ah oo 300 oo nin ahaa sidu Anus Hamilton iyo Mcneill sheegayna ahaa ciidan Maxamud Garaad ah , ayaataasna Daraawiish waa laga gacan sareeyay firxadkiina waxa lagu qabtay xoolo Daraawiisheed ay kala lahaayeen Wadaadka iyo Suldaanka sidu sheegay Mcneill:

On getting this news I moved my force from Bohotele vi& Yaheyl and “Weyla Hedd

to Firdiddin, and attacked the Mullah at … Sultan Nur’s camels and the

Mullah’s cattle were captured. The pursuit was carried on into the bush in the

Haud, …

Suldaan Nur sida qoraalada The Mad Mullah Of Somaliland , In Pursuit of the Mullah iyo Somaliland by Angus Hamilton waxay Ingiriisku qoreen inu dagaaladii badankood ka qeyb qaatay oo hogaanka Daraawiishta isaga Wadaadka iyo Xaaji Sudi u sareeyeen, dagaaladii Sacmala, Firdhidin ilaa Jidbaale  , wuxu sheegay ninka Drake Brockmen buugiisa British Somaliland inu suldan Nur qiyaas ahaan dhintay 1906kii ka dibna xarunta Daraawiishta iska caleemo saaray Doolaal suldan Nuur oo in Nuur ahaa. Dolaal wax qoraal ah oo muujinaya halku ku danbeeyay oo Ingiriisku qoray ma jiro haysayeeshee reer Axmed Amaan intii ugu danbaysay ee u adeerka u ahaa suldaan Nuur waxay Boosaaso yimaadeen dagaalakii Daraawiishtu isku jabtay ee la odhan jiray Canjeel Talo Waa kaas oo qiyaas ahaan ahaa 1909kii odayaasha sheekooyinka laga soo gaadhayna sheegaan inu Suldaan Doolaal ka mid ahaa raggi lagu dilay arintaas.

Gabay/geeraarkaas u tiriyay ninka ina Cabdulle Xasan wakhtig ku dhow sanadihii

Xaarmo-Cuno oo u ugu jawaabay Xaaji Suudi oo yidhi nimanka Garxajiska ah hala gallo

sida ka muuqata Suldaan Nuur wakhtigaas ma noolayn markaas qiyaas ahaan Suldaan

Nuur Ilig Treaty waxba kama danabayn:

Dibindaabyo Habar Yoonis dabicigu ima qabnoo

Dagaal Sugulle Caynaashe durqinkii ka dhaartoo

Danabadu Amaan dhalay daawo naga dhaxaysoo

Dabaq haduu ka baydho duubkaa ii xanuuniye

Danbi igama raacee daacad weeye sidaasiye

Darwiishkii Suldaan nuur duudkiisu ka beermo

(Maxamed Cabdulle Xasan 1912)

1-http://www.archive.org/details/staatsarchiv66inst

2-Kingdom Under Glass:

page sultan Nuir page 95-97

By Jay Kirk

3- three month in Somaliland page 89.

4-In the Prusuit Of The Mad Mullah by Captain Mcneill

5- British Somaliland by Drake Borckmen.

Sawirada maqaalka waa sawiro 1896kii Carl Akeley iyo D.G.Elliot suldaanka kaga qaadeen Banka Toyo isagoo mar dagaal Majeerteen ku dhaawacamay oo u soo daawo doontay.

Jaamac Guuleed

gusuf78@hotmail.com

WACDARAHA ABWAANKA IYO MAHADHOOYINKII ABWAAN QORANE WACAYS (GABAY XOOG) IYO TIXDII “QUMANE” (QAAFIYADII WAA LAGA TAGIYO QURUXDII WEEDHAAYE, QARDAJEEXAN LOO MARINAYAA WUU QARIBAYAAYE)
Holland:(OWN) Barnaamijkeena Wacdaraha Abwaanka oo yaalaaba maalinta sabtida aanu ka baahino degelka Oodweynenews waxaynu maanta ku soo qaadan doonaa Tixda “Qumane” oo ka mid ah suugaanta Abwaan Qorane Wacays “Gabay Xoog”. Abwaanku wuxuu tixdan inagu hoga-tusaalaynaa sida wakhtigan Suugaantii quruxda badnayd loo bahdilayo. Wuxuu intaas ku ladhayaa martabada Hal-abuurnimadu in ay noqotay qalinkaagu yuu ku gabin ee waxaad doonto sheego.

Waxaanu yidhi  Abwaan Qorane Wacays (Gabay Xoog):–

Baryahaa dar qalinuun sitiyo qaaqlihii badaye

Qumane iyo taaj-baa dadkii qoorta loo sudhaye

Qool-baan galiyay taydii hadaan qaybin jirey waa’e

Qadar-oow waxaan ugaba hadhay qiimo weyn malahe

Qalad kaa ka joog baa hadeer laysku qoonsadaye

Quraan kaaba lagu kari layiyo qaalu-llaahida’e

Qalooc iyo waxay dooonaysaa qalad la sheegaaye

Mar hadaan qabiil lagu duriyo qadaf la sheegaynin

Ama aan qaraamigiyo hees laguba qaadaynin

Waa Qaylo-uun Maxamadoow maansadaan qoriye

Qiraal hubanti weeyaan inay tahay qiyaamiiye

Qareen Jinac warkii uu qayaxay hadal quwaynaaya

Qaamuuska maansada hadaan midhadh ka soo qaato

Oo quusi maayee biyahan qar iska soo taago

Qaalin aniga ii raran hadaan Qoran kusoo dhaansho

Iga qabo waxaan soo qadimi xaajo qarro wayne

Haduu gabayba qaanuun lahaa haatan laga qaadye

Waxa qiimihii tiray ma laha qodob la raacaaye

Qaafiyadii waa laga tagiyo quruxdii weedhaaye

Qardajeexan loo marinayaa wuu qaribayaaye

Qulux-daa la tumayiyo kuwaa qalaxle yeelkoode

Mar haday Qamaan iyo Salaan laabta uga qooqday

Uu qaraw habeenkii is yidhi Qaasim-na u eekid

Subaxaba wuxuu qalab u xidhan magac kusoo qaado

Qiso yaable iyo waa aduun qiiqu foox yahaye

Qarnigaa rag muu joogin yay qorin bal taariikhe

Nin kastaa intuu qaylin karo, qarranka gaadhsiiya

Afartaa qalooc igama galin qaabkii maansada’e

Qasdigiyo ujeedada markaan kuu qayaxo Jaamac

Adaa qaari ku ahoon murtida qalad ku dhaafayne

Bal aan qoro iyana  qodob kaloo aanan qarinaynin

Inta madal qurbaha laga dhigee taajka lagu qaato

Ama qaydka loo wada xidhee loo qadimo guusha

TV layska qaadiyo baryahan calankan loo qaatay

Qorshe soo jireen lamaba arag tan iyo Qaabiil’e

Mar hadaan quwaaxiyo likaha aanad qodanaynin

Ama qaadhka naylaha ka gurin xerana soo qaydin

Qashinka iyo digadii adoon saanta kaga qaadin

Qool-kaba adoon naylo galin Oodna qabadsiinin

Qotinkiyo dabxeertiyo adoon culayba soo qiijin

Qamacdiyo kaliishii adoon qaban hogaankiisa

Qadoodiga adoon laba u dhixin qadawna aan seexan

Qaajeer daraadeed adoon qul u madoobaanin

Adigoon hashii kuba qalaxin qaadhka lagu maalo

Qorog uun usoo culaba diid qawsarkii wadaye

Qiyaas,li intaa duubatee magac bilaash qaatay

Qisim laga heshiiyiyo ma aha qaamur taladoode

Qiso yaable iyo waa aduun qiiqu foox yahaye

Qarnigaa rag muu joogin yay qorin bal taariikhe

Nin kastaa intuu qaylin karo qarranka gaadhsiiya

Afartaa qalooc igama galin qaabkii maansada,e

Qasdigiyo ujeedada markaan kuu qayaxo Jaamac

Adaa qaari ku ahoon murtida qalad ku dhaafayne

Qarni Weriye iyo waa Abwaan uunka lagu qaatay

Aniguna qabkaa yurub ka jira bal aan u quus gooyo

Qawdhan ,Guniyobaareeg ilaa Quule iyo Faarax

Qaloonbiyo , Gamuutiyo hadaad Qalinle soo gaadhay

Qabille-iyo, Gahayr-iyo ninyahow Qaadigii Aadam

Qasbaaye,iyo Cali Jaamac-iyo Qoor-yariyo Muuse

Qasaal iyo Jadeer, ina miriyo, boqol qamaamuura

Qaafkiisa nimankii na  baray gabay qorshayntiisa

Qarnigoodi lama sheegin weli, koobay qaateene

Qalin-duure soo faytay-baan qiil u helahayne

Qaxwaa meelahaas lagu cabooy qaybisaa hadale

Qorshe lagu heshiis yahay hadaan maanta kula qaato

Qaxarkiyo abaartii haduu Weyne naga qaaday

Qabanqaabo loo wada ballamay golane loo qaytay

Maantooy qabowdoo dhulkii roobku qubanaayo

Qaalmaha gu,gii dhalayna aan qubayo xoorkooda

Qol-qolada haweenkana dhamaan cirtii qulux-leeday

Sooryadaa rag-baa qaabiloo qalaya xoolaaye

Qurbac iyo waxaa laygu iman qoor madoobaha’e

Qaybaha bulshada waxaan ka xuli inamo qiimo lehe

Qaadina Hadraawiyo, Genaan u qabsan doonaaye

Qaaradaha dhammaantood ka keen kuwii idiin qaada

Oo soo qadima waxaanu dhigi koobab qaaliyahe

Hadii kale is qaad qaadka dhiga maba qasawdaane!!

Tebintii Muraad Mooge Cabdi/Netherlands

Oodweynenews.com

SAWIRKA MAANTA. Hablo Arday Ah Oo Reer Afgaanistaan ah (Tirsiga 421)
Sawirka Maanta ay Mareegta Caalamiga ah ee Oodweynenews idiin soo gudbinayso,waa  sawir ku saabsan hablo arday ah oo reer afgaanistaan ah,iskuulkaa aad uga durugsan,markaa si aan loo dhibin waxay isku raacaan socod dheer oo saf ah , maxay idinla tahay xeRta SAWIR HADHSATO? .

SAWIRKA MAANTA EE SHABAKADA CAALAMIGA AH EE OODWEYNENEWS

Waar horta Buuhoodle iyo London iyamaa Hargeisa u dhow? By: Baxnaan xaaji aden
Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo dhaqankoodu mid maaha  Dhaliil la iskama qaato  DHafoor taabasho weeye  Dhibtana la iskuma eego.daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .Kaalayoo bal dhegayso.

DHaqane:Waar horta kaalay Buuhoodle iyo London iyamaa Hargeisa u dhow?

DHaashane:Ban.Ma suaalbaa waxaasi .Waar wax na waydii.

DHaqane:Oo suaasha maxaad u taqaan?Waar waa suaale noo jawaab .Ama dee ma aqaan dheh.

DHaashane :Waar ma naqaane naga tag.Wax walba hadaad noola timaado sow waali maaha.

DHaqane:Anaa kuu sheegaya hadaanad aqoone Buuhoodlaa u dhow.

DHaashane:Jaw !Waar dee la hadla.Maantana ma taasaad la timi?

DHaqane:Dee sow maad odhan ma aqaan .Waanu ku baraynaa dee.

DHaashane:Waar adeerow danahaaga sheego.Anagu waanu ku naqaan ruwaayadahaagee.Maxaa maantana galay Buuhoodle iyo London?

DHaqane:Dee waxaa galay idinkoo Buuhoodle gaadhi la` baa nagu wareeriseen wax aan waxba nooga dan aheyn iyo shirbaa London ka dhacaya iyo ma tagnaa mise ma tagno.Maa na waydiisaan Buuhoodle ma tagnaa mise ma tagno . Ilaa cagahaanu idiinku footayn laheyn oo taga tagadaa guri laheyn habeen iyo maaline.Maxaa anaga shirka Lodon ee walaweynta loo qabanayo naga galay ee noogu mashquulinaysaan?

DHaashane:Ilaa maalintii Udub aan maqlo iigu horaysay ilaa maanta Udub wax walba maydaa haysa uunbaan arkayey .Waar horta weligiin wax qudha haa ma tidhaahdeen?

DHaqane:Adeer boqol wax baanu haa nidhi laakiin nasiib darro berigaa dhegaa la`aydeen ee aydaan waxba maqlayn bay ahayde,Waxaan ku idhi:Suaasha ha ka warwareegine maa Buuhuudle tagtaan intaa London ku sii ordaysaan?

DHaashane:Waar wax aan siyaasad waxba ka aqoon baa tihiine boqol danood baa inoogu jira shirkan adeer .Waynu is muujinaynaa .Umadahaynu u sheegaynaa inaynaan Somaali weyn ka mid ahayn e Somaliland la ina yidhaa.Danaha mandaqadee ina khuseeya ayeynu qeybteena ka qaadanaynaa.Waa maxay qol madow uun isku xidh oo cidna ha la hadlin .Mida kale aduunyada siyaasad furfuran baa lagula dhaqmaa oo wada shaqayn baa la muujiyaa .

DHaqane : haa .Dee sidaa wax noogu sheeg oo ingiriis baanu ka baqaynaa oo ma diidi karno dheh dee.Waxaa la yidhi: Beri baa nin laba joonyadood oo bariisa dukaan ka iibsaday, Nin xamaaliya ayuu u yeedhay oo uu yidhi kaalay adeer bariiskan ii qaad oo gurigii ii gee aan lacag ku siiyee .Xamaaligii ayaa labadii joonydood u qaaday isna waa hor galay.Siday suuqii u dhex marayeen ayey ku kala lumeen saxmadii suuqa .Way is waayeen .Ninkii odeyga ahaana gurigiisii ayuu iska tegay markuu ka quustay inuu hello xamaaligii bariiska u siday.Maalin danbe ayuu isagoo nin ay saaxiib yihiin la socoda ayaa wuxuu arkay xamaaligii oo meel maraya .Intuu ninkii la socday gacanta qabtay ayuu ku yidhi :Waar xagan inaga soo wareeji mid xun oo aan ka dhuumanayaa soo socdee .Markay xagii kalle ka wareegeen ayuu ninkii la socday waydiiyey :Oo muxuu ahaa ninkan aad ka dhuumanaysay ?wuxuu ugu jawaabay :wuxuu ahaa nin laba joonyadood oo bariisa ii xamaalay oo aanu kala lunay .Waxaan ka baqayaa inuu lacgtii xamaalista I waydiisto.Imika adeer ingiriiskii aa ogaydeen siduu inoo gumaystay ee ay aheyd inuu isagu inaga baqo ayuunbaa leedihiin ingiriisbaa noo yeedhoo ma diidi karno.Haddii la diido ma cirkuu jeex soo ridayaa ?Waar waa la diidi karaa weliba afarta wadanka joogana orod lagaga saari karaa.

DHaashane:Dee horta idinla yaabi maayoo idinka siyaasadiinaaba ah Udub.Siduu udubku dhigta cunaa u hayo iyuunbaa shaqaba ka taqaaniin is keen sii.

DHaqane:Waar inaadeer dadka runta u sheega oo fahansiiya inaan meeshan Soomaliland iyo Siilaanyoland toona lagaga hadlayne qodobo diyaarsan oo gaallo sii diyaarsatay uun laga akhriyayo weliba ku hoos jirto khiyaano iyo gumaysi hor leh.Miyaa dhimanaysaan hadaa dadka runta u sheegtaan?Mise ingiriisbaa ina ganaaxaya oo ka baqaysaan?Waar ilaahay baa laga baqaa.Ama dee saani wax noogu sheegoo waxaa tidhaahdaan waxaas oo dhan kharashka yare ee nala siinayo ayaanu u gelaynaa.

Waa qalinkii:Baxnaan xaaji aden

Sweden

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,

Hadimiyo Hantaaq: (Qaybtii 9aad -12aad) By: Boobe Yuusuf Ducaale
Ma Qoraageennii weynaa ee Siciid Cismaan Keenadiid ayuu sixi kari waayay taariikhda uu xijaabtay? Sannaduhu miyay isugu jiraan nimanka qorayaasha laga yaabay sheeganaya? Lixda magac ee mahad-celintan ku qoran midna tilmaan lagama bixinayo.

Waxa uugu daran ninka shanaad oo ah ama lagu qoray Aadan Buryar oo sax ku ah Bur-yar maa daama uu laba erey oo la isku kabay magacu ka kooban yahay. Miyaanu ninkani ‘Odeygeenna’ Cabdillaahi Yuusuf Axmed xurmo iyo qaddarinba ka mudnayn? Maxaa loo soo hubin waayay magaciisa? Mise run ahaantii waxba lama qaban oo meeshaba ma joogin ee waa la iskaga qoray? Waa sida ay u muuqato, illeyn haddii kale isaga ayaaba magaciisa la taseeyay saxan lahaa e’.

Mahad-celintan tasaysani waxay markhaati cad u tahay, waxan aynu akhriyaynaa in aanu buugba ahayn ee uu ahaa wax madbacad lagula cararayay oo iga gee ahaa.

Malaha haleelkayga ayaad ka yaabteen. Hasaawaha iyo medadaaladu qoraalka waa ka badh, oo dadka waxyaabo khafiif ah oo ay qoraalka iskaga dejiyaanna in aad u raacisaa waa qasab.

Ma hibeyn hadoodilan, hafarka iyo faankaa:

Hibeynta qudheedu ma badna oo waa ay iska kooban tahay. ‘Odeygeennii’, Cabdillaahi Yuusuf Axmed wuxu buuggan u hibeeyay oo uu yidhi: “Waxaan buuggan u hibeeyay dhammaan dadkii ila galay halgankii dheeraa ee aan soo maray rag iyo dumarba, intii dhimatay iyo inta maanta weli noolba.”

Halgankaa dheeraa ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed sheeganayo meelna kuma haynno innagu. Mid waa la hubaa oo ‘Odeygeennan’ Cabdillaahi Yuusuf Axmed jiidaal dheer oo xanaf iyo xanuunba lahayd waa uu u soo maray in uu mar madaxweyne noqdo, in kasta oo ugu danbaystii markii uu noqday aan laga taransan waxaan taws ito tabaale ahayn. Muxuu cid ku tari isagii ayaa maanta dibad ka jooga e’. Kaasina halgan noqon maayo e’, waxaynu u qaadanaynaa in uu u mahad-celinayo intii ku gargaari jirtay shirqolladii dhagareysnaa ee uu maleegi jiray si uu madaxnimadii Soomaaliyeed u maroorsado.

Heestii Hadraawi miyaanay ahayn:

“Halgan iyo waddaninnimo,

In aad hereto mooyee,

Weligaa dab uma hurin,”

Gogoldhigga gaabiska ah:

Bogga 9aad ee buuggan ayaad ugu tegaysaa wax lagu magacaabay Gogoldhig. Waxa halkan kaaga muuqanaysa aqoon-darrida hab-qoraalka ee kooxda sheeganaysa in ay buuggan diyaarisay. Hab-qoraalka gogoldhiggani haba iska liito, bal se waxa ka muuqata in aanu ahayn gogoldhig bal se u dhawaan karo Hordhacii buugga. Maxaa yeelay waa hordhaca kan lagaga hadlaa buugga iyo qaybaha uu ka kooban yahay. Kan aynu ka hadlaynaana maba aha buug qarqooran oo qaybsan oo hordhac loo samayn karayo.

Hordhacu waa kadinka ama albaabka laga galo qoraalka ama buugga aad akhriyayso. Wuxu akhristaha siiyaa sawir kooban oo la soo ururiyay oo ku saabsan buugga iyo qoraalka hadba markaa gacanta lagu hayo. Marka Hordhaca laga hadlayo waxa ku hagaysa Tusmada buugga oo ay ku kala qarqooran yihiin mowduucyada laga hadlayaa. Buuggan Cabdillaahi Yuusuf Axmed waa ay adkaanaysaa sida Hordhac loogu sameeyaa, maa daama aanay mowduucyadu kala qarqoorrayn oo aanay kala qallayn. Bal ku dhaca in aad Hordhac u samaysaan buug ay tusmadiisu ka kooban tahay 96 mowduuc, sida kan Cabdillaahi Yuusuf Axmed ee ina hor yaal ee isku-daadsanta ah

Tusmo aan tayaysnayn, tiro-beelka taxanaha:

Marka hore aan indhihiinna xaal ka siiyo waxan aanay u dul qaadan karin ee aan hor wadhayo. Wixii hore oo dhammi wuxu iska ahaa salleello! Bal ka warrama Tusmadan idin hor taal? Weligiin tan oo kale ma aragteen? Buugga aad doonto soo qaado, afka uu doonana ha ku qornaado, xataa Shiine ama Urduu, bal hadda ag dhiga Tusmadan weydda ah ee buugga Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Waa Tusmo ka kooban 96 mowduuc oo ku qoran 428 bog oo uu buuggani ka kooban yahay. Bismillaahi Raxmaani Raxiim! Iyo inta qof ee meesha ku qoran ee buuggan iskugu tagtay. Bal tabaalahaa daya.

Odhaah Soomaaliyeed ayaa ahayd: “Hilbo iyo kala qalan illeyn hadal.” Bal idinka oo raalli iga ahaan doona, aan idin soo hordhigo Tusmadan tasaysan ee buugga Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Farshaxannimo la’aan, fan la’aan iyo fool-xumo la yaab leh ayaa ka muuqata. Taas ayaa habeen walba niman la soo shir tegayaan oo shaashadaha telefishannada ku wareerinayaan. Bal tusmadan iga guddooma:

Tusmada buugga – Contents

1. Mahadcelin

2. Hibayn

3. Gogoldhig

4. Tuulada Birta Dheer

(La soco…………………………….)

Qormadii: 10aad

5. Nolol Cusub: Ciidammada

6. Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS)

7. Iskudaygii Afgenbigii Woqooyi Galbeed 1961kii

8. Yaa ka dambeeyey af-gembiga?

9. Dib ugu soo noqoshadii Koonfur

10. Dagaalkii Itoobiya-Soomaaliya 1964kii

11. Ururkii Lib-Side

12. Waddada Afgenbiga

13. Magacaabiddii Taliye Cusub ee XDS

14. Siyaasaddii Cigaal ee Caruusha

15. Furitaan Xisbi Xisbi mucaarad ah (Dabka)

16. Iscasilaaddii Taliyaha Booliska Soomaaliyeed

17. Doorashadii 1969kii

18. Welwelka Maxamed Siyaad Barre

19. Aniga iyo Maxamed Siyaad Barre

20. Maxamed Siyaad iyo Saraakiisha Sarsare ee XDS

21. Dilkii Madaxweyne Cabdirashiid 15kii, Oktoobar, 1969

22. Yaa lagu tuhmayaa dilkii Madaxweynaha?

23. Afgenbigii 0ktoobar 1969kii

24. Nolosha Xabbiska (1969-197)

25. Iskudaygii Afgenbigii Cirro

26. Dagaalkii Soomaali Galbeed

27. Xaaskaagii way dhicisay

28. Afgembigii Cirro

29. Aasaaskii Jabhadda Badbaadinta (SSF)

30. Hanaqaadka SSDF

31. Dhibaatooyinkii loo geystay Gobolka Mudug

32. SSF iyo Koofurta Yemen

33. SSF iyo Liibiya

34. SSDF iyo Itoobiya: Bilowgii is-afgaranwaaga

35. SSDF iyo? Dhabarjebinta Itoobiya

36. Ka soobixii xabbiska Itoobiya

37. Maxaa wiiqay guulihii SSDF

38. SSDF: Burburka Soomaaliya dabadiis

39. Qabsashadii Muqdisho iyo dhammaadkii

40. Taliskii Siyaad Barre

41. USC

42. Unisom

43. Walaalaha Jabbuuti ‘KOW’

44. Aniga iyo Al –Itixaad

45. Dhabarjebinta AI-Itixaad

46. Isbahaysiga Caydiid iyo AI-Itixaad

47. Shirkii nabadaynta Gaalkacyo

48. Shirkii Dibu-heshiisiinta ee Addis Ababa

49. Shirkii nabadda ee Gaalkacyo (Muqdisho)

50. Halgan Iyo Hagardaamo – Taariikh Nololeed

51. Shirweynihii SSDF ee Qardho

52. Salballaar

53. Caafimaad xumo ila soo deristey

54. Shirkii SODARE

55. Burburinta Shirkii SODARE

56. Aasaaskii Puntland

57. Dhismaha Dawlad Goboleedka Puntland 1998kii

58. Shirweynaha ergooyinka beelaha shanta gobol

59. Walaalaha Jabbuuti ‘LABO’

60. SRRC

61. Isku daygii majaxaabinta Puntland

62. Afgembigii Islaan Maxamed

63. Shirkii Dibu-heshiisiinta Nayroobi 2002-2004

64. Dhismihii Hay’adaha Qaranka

65. Doorashadii Madaxweynaha

66. Aniga iyo Cabdullaahi Axmed Caddow

67. Dhaartii Madaxweynaha 14kii 0ktoobar 2004

68. Dhismihii TFG

69. Is-hortaaggii hanaqaadka dawladda

70. Ka-qaybqaadashada Shirkii Dooxa ee 77

71. Aniga iyo Shariif Xasan (Yemen)

72. Soo cagadhigashadii Dalka (Jowhar)

73. Ku soo noqoshadii Jowhar

74. Mar labaad Aniga iyo Shariifka (Yemen)

75. Baydhabo

76. Baydhabo: Midayntii TFP

77. Dilkii Mudane Cabdalla Deerow Isaaq

78. Isqarxintii la ila beegsaday

79. Isbahaysigii la dagaallanka Argaggixisada

80. Dagaalkii Saddexaad ee Muqdisho

81. Isballaarintii Midowga Maxkamadaha UMM

82. Heshiiskii Koowaad ee Kharduum

83. Heshiiskii Labaad ee Kharduum

84. TFG (Isbeddel Istiraatiijiyadeed)

85. Dagaalkii Maxkamadaha Dalka looga saaray

86. Odayaasha Beelaha HAWIYE

87. Maamulka Gal-Mudug

88. Shirkii Dibuheshiisiinta ee Muqdisho*

89. Dhammaadka Xukuumaddii Cali Geeddi

90. Ka hor dhismaha xukuumad cusub

(La soco…………………………………)

Qormadii: 11aad

91. Xukuumaddii labaad ee TFG

92. Maxaa ka danbeeyey?

93. Siyaasadda dhabta ab ee dawladda Itoobiya

94. Walaalaha Jabbuuti ‘SADDEX’

95. Gunaanad

96. Dhammaad

Qof aanu aad saaxiibbo u nahay oo qurbaha deggen ayaan qormooyinkan qaar ka mid ah u diray. Show qofkan aan qormooyinka u dirayaa hore ayuu u arkay buuggan Cabdillaahi Yuusuf Axmed, ka dibna wuxu ii soo qoray: “Buugna ma aha ee waa faan, fatoosh iyo faataa-dhug.”

Sawirrada la saanyaday, saldhiggoodu waa maxay?

Sida dhaqanku yahay badiba sawirrada aad qoraalladaada raacinaysaa, waa in ay noqdaan qaar kaabaya oo wax taraya qoraalkaaga. Isla markaa waa in ay sawirradani ka markhaati kacaan waxan aad qorayso. Sawirrada aad qoraal u cuskanayso waxa laga dheehan karaa qofka aad tahay iyo fikirka aad qabtaba. Bal hadda aynu dhex qaadno sawirrada aan sidaa u sii kala fogeyn ee uu xanbaarsan yahay buuggan Cabdillaahi Yuusuf Axmed.

Sawirka ugu horreeyaa wuxu ku yaallaa bogga 20aad ee buugga, waxaanu ku sheegayaa in ay ahaayeen dhowr iyo toban sarkaal oo Soomaaliya laga qaaday oo Talyaaniga lagu soo tabobarayay oo Cabdillaahi Yuusuf Axmed ka mid ahaa. Sida ka muuqata sawirkan oo uu yahay kii koowaad ee buuggani ku furmo, waa sawirka ugu da’da yar sawirrada Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Taa macnaheedu waxa weeye in aanu wax sawirro ka hayn yaraantiisii iyo barbaarrintiisii hore midna. Cabdilaahi Yuusuf Axmed meelna kuma xusayo buuggiisa waxa uu ku soo bartay kulliyadda ciidammada ee uu labada sannadood ku soo jiray.

Sawirka labaadna wuxu ku yaallaa bogga 26aad oo waxa ku sawiran laba qaybood oo ka tirsan ciidankii Xoogga Dalka oo rag iyo dumar u kala qaybsan. Bogga 33aadna waxa ku sawiran Mudane Aadan Cabdille Cismaan oo caddaysimo ah oo aan cidna la joogin in kasta oo uu ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed. Kaaga-daranta waa sawir aan rasmi ahayn oo aanu odeygu xihdnayn ama sidan koofiyaddii caadada u ahayd. Tolow miyaanu Aadan Cabdille Cismaan madaxweyne kale aragba? Miyaanu salaamin mise sawirradaa Cabdillaahi Yuusuf Axmed ma urursan oo ma keydsan! Dan qabiil ayaan kaga xidhnayn. Milgaha iyo maamuuskuba waxay ahaayeen in uu odegyga Aadan Cadde ka soo qaato sawir rasmiya. Madaxweynennimada ka-sokow Cabdillaahi Yuusuf Axmed miyaanu qiimayn soddognimada oo aanu odeyga ka xishoonayn.

Bogagga 38aad, 39aad, 41aad, 42aad iyo 43aad, dhammaantood waa sawirro muujinaya Dr. Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo la taagan madax kala duwan oo adduunka ah oo ay ka mid yihiin: Madaxweynihii Talyaaniga Antonio Segni, Madaxweynihii Mareykanka John F. Kennedy, Jamaal Cabdinaasir Madaxweynihii Masar, Hoggaamiyihii Nayjeeriya ee Tafeewa Belawa, Khurushoofkii Midowga Soofiyeti, Chu En Lai-gii Shiinaha iyo qaar kaleba.

Sawirka xigaa oo ku yaalla bogga 47aad, waa Cabdillaahi Yuusuf oo Dolow jooga xilligii 1964kii ee la soo af-jarayay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya dhex maray, sida qoran. Bogga 48aadna waxa ka muuqda nin dharka ciidanka lebbisan oo sii jeeda oo lagu sheegayo Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo billad iyo dallcaad la siinayo. Billad iyo dallacaadeey idinkana la idin jecel oo dal iyo dadba la idiin rog.

Bogga 52aad waxa ka muuqday sawir lagu sheegayo meydkii Janan Daa’uud oo la keenayo oo markaa isagu ahaan jiray Taliyihii Xoogga Dalka ee Maxamed Siyaad Barre beddelay. Waxa hoosta kaga qoran:”Sawirkan waxa ka muuqda: Siyaad, Caydiid iyo Cabdillaahi Yuusuf.”

Bogga 53aad malahayga sawirka ku yaalla cidiba kama maqna saraakiishii Soomaaliya ee berigaa, waxaana hore u soo yar fadhiya oo aad uga dhex muuqda Maxamed Siyaad Barre.

Bogga 54aad waa mar kale iyo Cabdirashiid oo Madaxweyne ah iyo saraakiishii oo soo dhaweynaysa. Bogga 57aad waxa ku yaalla muuqaal wargeyskii toddobaadlaha ahaa ee afka Ingiriisiga ku soo bixi jiray ee Somali News oo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ku sawiran yahay. Cigaal wuxu u quudhi waayay in uu sawir dhab ah ka qaado iska daa madax uu salaamayo e’. Bogga 69aad waxa ku sawiran Maxamed Abshir Muuse oo lebbisan direyskii Janannimada ee Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Bal is-yeel-yeelkaa ka warrama! Aadan cadde iyo Cigaal iyo waxba uma quudho.

Marka laga tago bogag kooban oo lagu soo qaatay sawirro bogag wargeysyadii xilliyadaas ah, waxay sawirrada kale ka muuqdaan bogagga: 305aad, 306aad, 307aad, 308aad, 309aad, 310aad, 311aad, 312aad, 313aad iyo 314aad. Miyaad garanaysaan bogaggaa sawirrada ku yaalla? Bal amarka Ilaahay waa ‘Odeygeennii’ Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo la taagan madaxdii adduunka qaar ka mid ah. Waa intii uu u noolaa ee uu u soo maray saymo la og yahay oo silic iyo saxariirba lahaa, Soomaali badanna uu ku galaaftay kuna sahayday. Sawirradaasi wax murtiya oo ay xanbaarsan yihiin ma jirto oo aan ahayn in aynu aragno in Cabdillaahi Yuusuf Axmed madaxweynayaal la kulmay. Bal maxaa Soomaali uga shan iyo toban ah. Keliya waa in aynu qirno in uu ahaa madaxweyne la kulmay madaxweynayaal.

(La soco……………………..)

Qormada: 12aad

Waxaan soo xusuustay sheeko ku saabsanayd Madaxweynihii Afrikada Dhexe Jean Bedel Bokaasa oo billadaha aad u jeclaa. Waxa la sheegay in uu booqday dekedda Muqdisho oo uu urursaday furarkii Kookaha isaga oo ku tilmaamay billado dayacan. Ninkaasi wax ka billado jeclaa, sidaa darteed ayaa Maxamed Siyaad Barrena xayn billado ah siiyay. Meel uu ku kala dhejisto markii uu waayay ayaa maro dheer oo la dabo-jiido loogu dhejiyay. Ma is-tidhaahdeen Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa sidaas oo kale ku noqday sawirradii.

Raalli iga ahaada waan idin daaliyayba e’. Kaaga daranta sawirro aanan idiin soo gudbinba ayaan idiin taxay. Maxaad halkaa ka fahamteen oo aad kala baxdeen sawirradan dhinaca ka raran ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed?

Bogga 151aad oo keliya ayaad ku arkaysaa sawir laga qaaday mid ka mid ah Shirweynayaashii SSDF oo ay rag badani ka muuqdaan.

Mar dad gaar ah iyo reero gaar ah ayuu ku buuxaa. Mar kalena waxaad arkaysaa kalgacalka iyo jamashada uu u qabay direyskan lagu gubtay ee aynaan xidhaneen haddii uu amarka Ilaahay dharba ka soo hadho. Inta uu madaxweynaha ahaa wuxu ku lebbisan yahay ‘Suudh’ oo direyskii wuu iska bixiyay, maxaa yeelay isaga direysku sallaan uu xukunka ku qabsado ayuu u ahaa, halka maalmahan dalkeenna ururrada iyo xisbiyadu ka yihiin sallaan madaxtooyada lagu tago, sida ay tiraabeen hoggaamiyayaasha ururradaa qaarkood.

Bal u fiirsada sida aanu muuqaalladaa iyo sawirradaa ugu jirin sawirro SSDF-tii muujinayaa iyo sida Cabdillaahi Yuusuf Axmed buuggiisa mowduucaa ugaga hadlayo. Miyay is-qabanaysaa taasi oo waa aynu ka siisanaynaa? Run ahaantii SSDF ma u jirtay odeyga? Haddii ay jawaabtu haa tahay muxuu u soo sawiri waayay muuqaalladeedii ama dokumentigeedii? Mise xilliyadaa ‘odeygu’ keyn-joog ayuu ahaa oo maba ay soo gaadhin qalabkan wax lagu sawiraa? Mise tolow sawirradaa dhammaantood jeelkii ayaa lagaga furtay.

Kuwaa haddii aynu iskaga hadhnaba, ‘odeygu’ wefdi mooyaan e’ intii uu xilka Madaxweynaha Soomaaliya hayay miyaanay ku habboonaateen in uu inoo soo sawiro dhibaatooyinkii hor taagnaa, guulihii uu xaqiijiyay (haddii ay jireenba), kulammadii iyo shirarkii uu dalka gudihiisa ku galay.

Gunaanadkayga, waxba yaanan mowduucan taban ku xiiqin e’ halkaana waxa inooga muuqanaysa in sawirrada loo adeegsaday si gurracan oo aan waxba u tarayn buuggan lagu soo sawiray, bal se kala dhantaalaysa. Xirfad iyo aqoon-la’aanay ba’! Iyaba waa taa ‘odeygeennii’ halkaa dhigtay ee kuwa uu u mahad-naqayaana jarka uga tallaabsadeen.

‘Hubka Mudug ku talax-tegay’:

Waa bogagga 136aad ilaa 138aad. Waa Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo wixii dhibaato Soomaali loo geystay halkan ku soo qaadanaya oo keliya wixii Mudug ka dhacay. Nin-qarameedkeennii belaayada ahaa, wuxu qoray:

“Gobolka Mudug guud ahaan, gaar ahaan dadka Majeerteenka ee gobolkaas ku dhaqan oo beesha Cumar Maxarnuud ay hormuud u tahay, wuxuu maamulkii Maxamd Siyaad Barre u geystay dhibaatooyin aad u ballaaran oo maanka fayoobi diidayo inay dawladi dadkeeda ku samayso . Dhibaatooyinkii badnaa ee dadkaas ay ku sameeyeen ciidamadii iyo dawladdii xilligaas jirtay waxaa ka mid kuwan hoos ku xusan:”

Haa ‘odeygeennii hoggaanka Soomaaliyeed sheeganayay bal eega waxa uu ka hadlayo. Xataa heer Majeerteen ma taagna. Bal ka werrama! Khasaaraha Soomaali gaadhay sidan ayuu u arkaa, bal ha inoo taxo e’ aan eegno, waxaanu yidhi ama qorayba:

“Waxaa laga burburiyey boqolaal Barkadood oo dadka reer miyiga ah iyo xooluhuba noloshoodu ku tiirsanaayen,

Baraagaha ciidammada buburiyeen waxay ku yaalleen tuulooyinka ku teedsan Togga la yiraahdo Daara-Doonle ee ka bilowda agagaarka Burtinle, waxaana ka mid ahaa tuuoolyinka Malaasle, Qalaanqal, Sallax, Buubi, Sidoo kale ceelashii ku yiillay,

Degaanka Kaalmoone iyo Seemade qaarna ciidanka ayaa sun ku shubay, qaarna waxay u diideen dadkii inay ka cabbaan. Tuula kasta waxay ka reebeen hal barkad oo iyagu ka cabbaan inta hawl galka ciidanku socday,

Waxaa iyana xusid mudan dhacdo kale oo sirgaxan oo tiiranyo leh oo Taliska Siyaad Barre ay ka sameeyeen tuulada Malaasle. Tuulada Malaasle waxay degaan iyo saldhig u ahayd Islaan Cabdulle (Islaanka beesha Cumar Maxamuud) iyo odayaasha guurtidiisa ka mid ahaa ee degaanka. Waxaa ciidankii lagu soo arnray in xoog lagu soo qabto Islaanka iyo raggiisa kaddibna waxa weerar lagu soo qaaday islaankii iyo raggiisii. Nasiib wanaag islaanka waxaa difaacay dhallinyaradii degaanka ee uu caaqilka u ahaa oo jilibka u laabay ciidankii doonayey qafaalka Islaanka. Nasiib darro waxaa halkaas ku dhintay in ka badan toban nin oo dhallinyaradii degaanka ahaa iyo qaar badan oo ku dhaawacmay. Waxaa hoodo, guul iyo ayaan noqotay in dhallinayradii ku guulaysteen difaacii Islaanka kaddibna ula cararaan dhinaca degaanka hawdka,

(La soco………………………..)

Boobe Yuusuf Ducaale

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,

Wanqasha Laanti Urur Siyaasadeedka Wadani Ee Wadanka Sweden oo maanta la daahfurey ama la aasaasay…
Shalay oo taariikhdu tahay 3.2.2012 ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Stockholm ee Wadanka Sweden xaflad si aad ah looso agaasimay, laguna daah furayey laanti urur siyaasadeedka wadani Ee Wadanka Sweden, sidoo kale laguna doortay Gudidi umatali lahayd wadankan Ururka Wadani.

Xafladan oo ay soo agaasimeen xubnaha aasaasayaasha Laantan oo ay ugu horeeyeen, gudoomiyaha loo doortay laantan Mudane Axmed C/laahi Cawaale,  Mudane Maxamed-Khadar Cali Digix ahna Gudoomiyaha xidhiidhka wadamada Scandnavianka, Mudane Maxamuud C/lahi Abuu Koodh Qasnaji.

Xafladan oo ay kasoo qayb galeen dad aad utiro badan oo kakala yimi guud ahaan magaaladan iyo Gobolada dalkaba, ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb galay laba xubnood oo ka kala socday Wadanka U.K, Enginer Cismaan Aw Aadan Jama ahna Gudomiyaha Xidhiidhka laamaha Yurub Iyo Af-hayeenka Laanta Wadanka Finland Ee Ururka Wadani Mudane Mohamed Hassan Matan.

Xafladan ayaa waxaa lagasoo jeediyey khudabado aad uqiimo badan, oo dhamaantood ku aadanaa aasaaska laanta, siyaasadaheeda iyo guud ahaan ururka Wadaniba.

Dadki ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaaa,

Gudoomiyaha laanta Mr Cawaale oo ku dheeraaday aasaaska ama daahfurka laanta iyo sababha ku kalifey, isagoona xusey inuu marki hore ka tirsanaa Xisbigi Ucid, hadana  uu u arkey xal inuu uwareego ama udiga rogto urur Siyaasadeedka Wadani. oo beryahanba uu   kamid ahaa

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Mudane Maxamed –Khadar laftiisuna xusey inuu kamid ahaaa Xisbiga Kulmiye, hadana katirsan Ururka Wadani, tilmaamayna kusoo biiridiisa isaga iyo ragga kale,ba inay tilmaamayso hanaanka wanaagsan ee kasoo ifbaxay ama uu lasoo dhashay ururka Wadani.

Waxaa isaguna meesha aan ka madhnayn Mr Abuu Koodh oo laftiisu ahaa tiirarki ugu waaweynaa Xisbiga Udub ee wadankan Sweden, hadana usoo diga rogtay Wadani, isagoo tilmaamay inay tahay wax aad loola yaabo inay si isku mid ah halmar fikirkoodi siyaasadeed umideyso rag badan oo ay siysasada hore ugusoo kala jeedi jireen, xusayna inay tahay wax lagu farxo inay maanta miis wada fadhiyaan iyagoo kuwada biirey Ururka Wadani

Dhanka Haweenka waxaa ka hadashay Nimca Ducaale, sheegtayna inay ku faraxsanyihiin haween ahaan furitaanka laantan ururka Wadani, ayna la garab taaganyihiin hiil iyo hooba.

Isla markaasna waxaa ka hadlay goobta Enginer Cismaan oo kasocday Wadanka U.K, tilmaamayna inuu ku faraxsanyahay kasoo qayb galka xafladan qiimaha badan, una hanbalyeeyey reer Sweden, sidoo kale,na uga mahadceliyey so dhawaynta qiimaha badan ee ay usameeyen Reer Sweden. salaan uu ka siday Gudidi iyo laanti U.K,,na usoo gudbiyey madashi xaflada.

Dhanka kale waxaa isna goobta ka hadlay Mohamed Hasan Matan oo kasocday Wadanka Finland, tilmaamayna inuu aad ugu faraxsanyahay kasoo qaybgalka iyo imaatinkaba wadanka Sweden, ugana mahadceliyey so dhawaynta qiimaha badan ee loo sameeyey, salaan uu ka siday Gudidi iyo laanti Finland,na usoo gudbiyey madashi xaflada.

Sidoo kale dadki kasoo qayb galay ayaa dhamaantood umahadaceliyey habka wanaagsan ee gudida laantani ay usoo diyaarisey xafladan, hadalana kasoo jeediyey goobta.

gabagabadii ayaa wxaa dadka loo furey inay gudida waydiin karaan dhamaan waxay su,aala hayaan, isla markaasna lagaga jawaabay goobta, iyadoo Gudidu tilmaantay inay kamid tahay tani Dimuqraadiyada Ururka Wadani kusoo kordhiyey saaxada siyaasada Somalailand…

Xafladan ayaa kusoo idlaatay jawi aad uqurux badan, markii gobta lagu kala dareereyna ayaa waxaa Casho sharaf loo aaday mid kamid ah Hodheelada ugu waaweyn Magaalada Stockholm, iyadoo halkas si wanagsan loogusi sheekaystay, halkaas oo mariti sharafyadii ka kala yimi gobolada iyo wadamada iyo Gudidi Laantu ay isku xog waraysteen..

Gudida loo doortey Laanta Wadanka Sweden Iyo xilalkooda

Gudoomiye                                                                         Siyaasi Axmed C/laahi Cawaale

Gudoomiye Kuxigeen.                                                         Mudane Maxamed Cali Dubad

Gudoomiyaha Xidhiidhiyaha Scandnavianka                    Mr Maxamed-khadar Cali Digix

Qasnaji.                                                                                   Mr Maxamud C/lahi Koodh

Xubin                                                                                       Cali Ducaale

Xubin                                                                                         Marwo Saynab Faarax

Gudida Laanta Sweden Ee Ururka Wadani

Gudoomiyaha Gudida

Axmed C/laahi Cawaale

Email: ahmedawaleh@gmail.com