Hargeysa: Ku Soo Dhawaada Barnaamij Qiimo Badan Oo Aanu Ka Diyaarinay Madarasaddii Kaalinta Koobaad Ka Gashay Tartankii Qur’aanka Ee Ramadaanta Oo Ah Markiz Mucalim Shukri + SAWIRO
Hargeysa (Oodweynenews)- Iyada oo ay muhiim tahay in la dhiirigeliyo cid kasta oo ku hawlan kor-u-qaadista, weynaynta iyo barista Qu’aanka ilaahay ee munazalka ah, ayaa barnaamijkan waxa aanu idiinku soo gudbin doonaa barnaamij gaar ah oo aanu ka soo diyaarinayay Madarasaddii kaalinta koobaad ku guulaysaray tartankii qur’aanka Kariimka ee Ramadaan walba loo qabto xufaadda qur’aanka ee madarasadaha qur’aanka ee da’ada yar ee gobolada Somaliland, isla markaana qayb ka ah dadaalada kor loogu qaado muhiimada qur’aanka iyo barashadiisa.
Markiz Macalim Shukri, waa horyaalka madarasadaha qur’aanka ee Somaliland, waa madarasad loogu magac-daray macalim-qur’aankii weynaa Alle ha u naxariistee Macalim Shukri Xaaji Axmed oo ka mid ahaa tiirarkii diinta Islaamka ee Dariiqada Xaaxi oo ka tirsan Gobolka Oodweyne, isla markaana waa madarasaddii ay ka socdeen saddex Arday oo kaalmihii ugu sareeyey ka galay tartankii Qur’aanka Kariimka ee Ramadaantan. Waa kaalinta koobaad 30-ka Jiz oo uu galay wiil yar oo 12 ah laguna magacaabo Cabdirisaaq Kayse Maxamed. Sida oo kale kaalinta koobaad ee tartanka Hablaha oo Hargeysa lagu qabtay waxa ku guulaysatay Maryama Cabdilaahi Ibraahim. Kaalinta labaad-na waxaa ku guulaysatay Hana Asad Daahir.
Sidaa darteed, waxaa maanta noo suurta gashay inaanu booqano xarunta Markizka Macalim Shukri oo ku taala Xaafada new Hargeysa ee magaalada Hargeysa, waxaana aanu halkaa kula maalulaha Markiz Macalim Shukri Cabdifataax Macalim Shurki Xaaji Axmed, qaar ka mid ah macalamiinta, waalidiinta iyo Ardayda kaalamaha sare ka galay tartankii qur’aanka ee Ramadaanta ee ka tirsan Markizka.
Ugu horayn waxa aanu xog-waraysi ku saabsan Markizka la yeelanay maalulaha Markiz Macalim Shukri Cabdifataax Macalim Shurki Xaaji Axmed, waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Marka hore waxa ay mahadi u sugnaatay Ilaahay, marka xigta qolodan Oodweyenew.com ee uu inagala joogo Cabdishakuur [Heersare] iyagana aad iyo aad ayaanu ugu halmabalyaynaynaa khidmaynta ay u khimaynayaan Kitaabta ilaahay iyo sida ay ula socodsiinayaan dadka arrintan qiimaha badan ee ka dhacday caasimada Somaliland ee Hargeysa.”
Waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Intaa ka dib Markizka Macalim Shukri waxaa la asaasay 3-dii bishii sagaalaad ee 2005-tii, imika waxa aynu joognaa 2-da bishada sagaalaad ee 2010, taas macnaheedu waxa weeyaan Markiz-ku waxa uu jiray 5 sano oo hal maalin la’a. Markizku gelin hore iyo mid dambe-ba wuu furan yahay, waxaana lagu bartaa Kitaabka ilaahay iyo tarbiyada caruurta. Waxaana wax ka barta 825 Arday. Waxaana uu ka kooban labada qaybood oo kala ah; qayb xifdiga qur’aanka ah iyo qayb nidaami ah. Waxaana aanu ugu talo-galay in Ardaydu laba sano ay Qur’aanka ku xifdiyaan.”
Cabdifataax Macalim Shurki waxa uu tafaasiil ka bixiyey sidii ay ku soo bilaabantay guulihii ay daraydu ka soo hoynayeen tartannada Qur’aanka, “Bishii todobaad ee Ramadaanta ka horaysay waxaa halkan [Hargeysa] ka qabsoomay tartan Qur’aanka kariim ah oo ay qabatay Raabidatu Caalamu-l Ismaami [Hay’adda samafalka caalamiga ah ee Islaamka], kaas oo sannad kasta Hargeysa laga qabto. Markaa sannadkan tartanku waxa uu u qaybsamayey saddex qaybood; qayb yar-yar, qayb waa-weyn ah iyo qayb 30-ka Jiz ku tartamaysay. Markaas oo laba Arday oo da’adoodu aad u yar-yar tahay toban oo jiro ah ayaa waxa ay kuu laysteen kaalinta 1-aad iyo ta labaad, waa Cabdibaasid Dayib Maxamed iyo Maxamed Axmed Xuseen. Qaybta labaad ee iyaguna ku tartamaysay 30-ka jiz, waxa kaalinta koobaad u galay Saleebaan Daahir Cusmaan, oo dhamaantood Ardayda Markiz-ka ka tirsan.” Ayuu yidhi Cabdifataax Macalim Shurki.
Waxaana uu intaas ku ladhay oo uu yidhi “Markaa tartankaasi waxa uu ahaa tartan caalami ah, oo Raabidatu Caalamu-l Ismaami waxa ay soo dalbatay in Ardayga kaalinta koobaad galay iyo waalibkiisaba ay cimro geeyaan, ilaahay fadligiisa way kaxeeyeen oo way ku guulaysteen. Shan iyo toban cisho ayay ku maqnaayeen beledkaa barakaysan ee Maka, tartan caalami ah oo dhawr iyo soddon dawladood ku tartamayeen ayuu Ardaygu [waa Cabdibaasid Dayib Maxamed] halkaas ka soo galay, kaalinta labaad ayaanu ku soo guulaystay ilaahay caqliga ha u barakeeyee.”
Waxa uu si gaar ah uga hadlay tartankii ugu dambeeyey ee Ramadaantan qabsoomay, waxaana uu yidhi “Waxa isla bishan Ramadaan gudaheeda qabsoomay tartan ay Ardaydu lixda gobol ee Somaliland isaga kala timi. Kaas oo ay maalgelinaysay shirkada dahabshiil, oo aanu aad iyo aad ugu mahad-celinayno oo run ahaan dhawr iyo toban sano la soo kifaaxayay. Waxaa tartankaa kaalinta koobaad ee 30 jiz ee qur’aanka ah ku guulaystay Cabdirasaaq Kayse Maxamed oo da’adii tahay 12 jir, waxa uu ku guulaystay inuu Somaliland oo dhan goboladeeda kaalinta koobaad u galo, taasina waa fadli xagga ilaahay ka ahaaday.”
Waxa uu weliba intaas sii raaciyey oo uu yidhi “Waxa sida oo kale bishan Ramdaan gudaheeda qabsoomay tartan hablo ah oo magaalada Hargeysa lagu qabtay, kaas oo isna uu maalgeliyey Dahabshiil, waxaa kaalinta 1-aad ee 30 jiz ku guulaystay Maryama Cabdilaahi Ibraahim. Kaalita 2-aad-na waxa ku gulaysatay Hana Asad Daahir, iyaga iyo waalibkooba waxa aanu ilaahay uga raynaynaa inuu Jannada ku casuumo. Inanta ag fadhida oo ah Maymuuma Cabdirasaaq Malin Shukrin waxa ay ku guulaysatay kaalinta labaad ee Hablihii ku tartamayay 10 Jiz. Sida oo kale waxa Masjid Cali Mataan oo tartanka qur’aanku ka socday lagu qabtay tartanada 10-ka iyo 5-ta Jiz oo ay maal-gelsay shirkada Nationlink. Waxaana kaalinta 1-aad ku guulaystay Abshir Asad Daahir oo ah Araydaa da’da yar. Dhamaan waxyaabahaas oo dhami waa fadli xagga ilaahay ka ahaaday ee xeelaad, karti iyo aqoon aanu dheernahay ummada maaha kollay dadaal-na way ku timi.”
Dayib Maxamed Daahir oo ah Aabaha dhalay Ardayga yar ee ka qaybta-galay tartanka heerka caamali ah [Cabdibaasid Dayib Maxamed], oo isna aanu dareenkiisa wax ka waydiinay ayaa aad ugu dheeraaday muhiimadii uu tartankaasi lahaa, isaga oo xusay in Ardaygu noqday tartamihii keli ahaa ee Soomaali ah ee ka qayb-gala tartankaas, isla markaana waxa uu sheegay in arrintaasi ahayd fursad wax-u-ool ah oo sharaf u soo hoysay Somaliland.
Waxa kale oo uu sheegay inay dareen ahaan aad u samaynayso heerka uu wiilkiisa yari ka gaadhay darajada tartanka qur’aamka ee heerka Caalami ah oo ah kaalinta labaad, isaga oo tibaaxay inay farxaddaasi aanay isaga uun ku gaar ahayn balse ay tahay mid waddanka oo dhami la wadaago. Isaga oo ammaan iyo mahadnaq u soo jeediyey maamulka iyo macalimiinta Markizka Macalim Shukri.
Sida oo kale waxa isaga aanu dareenkiisa waydiinay Asad Daahir Xirsi oo ah Abaaha dhalay Hana Asad Daahir iyo Abshir Asad Daahir, oo labadooduna kaalmo sare ka galay tartankii Qu’aanka ee Ramadaanta ee Somaliland, ayaa isna tibaaxay inuu aad ugu faraxsan yahay guusha ay gaadheen awlaadiisu, isaga oo tilmaamay inuu ilaahay ugu mahad-naqayo darajada ay awlaadiisu gaadhay.
Waxa uu ku ammaanay maamulka iyo macalimiinta Markizka Macalim Shukri inay muujiyeen dadaal midho-dhal ah oo ku yasho muddan, isla markaana aad iyo aad ayuu uga bogaadiyey qaadka wanaagsan ee midha-dhalka ah ee ay Ardayda wax u barayaan.
Barnaamijkaasi isaga oo dhegaysi ah oo dhamaystiran ayaanu idiin soo gudbinaynaa ee la socda.
Maamule C/fataax Iyo Ardayad uu Walid u yahay. Maymuuna C/risaaq
Maryama C/aalhi Ibraahim Oo Gacanta ku haysa Kitaab iyo Qalib is-akhriyaya oo Jaa’isad loo siyey markii ay 30 Jiz ee Hablaha kaalinta 1-aad ka gashay
Sawiro Muuqaal kala duwan ah
Ciddii jecel inay hesho macluumaad dheeraad ah, waxa ay la xidhiidhi kartaa maamulaha Markiz Mucalim Shukri, Cabdifataax Mucalim Shukri: 00252-2-4411404.
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare
cabdiheersare01@hotmaiil.com
Oodweynenews.com/Hargeysa Office






















































masha alaaaah tabaraklaah jazakum alah khayr
maanshalaah inshalaah waxaa mustaqbalka reersomaliland u kici doona kuwo ilaahay ka baqa oo aan cay iyo qabyaalad faafinayn
ilaahay ha u siiyadiyo
dhamaan waan idinwada salamaaya
Manshallah Ilahay ardayda, waliidkoo, macaliminta iyo umada islamka alle haa uu naxriisto janada alle haa ku casuumo
aad iyo aad ayan ugu mahad naqayaa ardaydaa kaalmaha hore ka gashay tartanka,macalimiintooda iyo markazka macalin shukri,,,waxanan leeyahay halkaa ka wada dadaalka barashada kitaabka alle isaga ayaa ugu mudan wax la barto.
waad mahadsintayhiib arday ku guulastay markizka macelin shukari aad iyo aad u farxasanhay abati
asc wr wb aad ayaan idiin salaamayaa dhamaan akhyaarta gaar ahaan waxaan si khaas ah u salaamayaa abtigay mohamed abdi elmi ana waan kaaa gudoomay salaantaa qaaliga ah ee aad iisoo godbisay waad mahadsan tahay abtiyo wsc wr wb
Aaadbaan u salaamayaa dhamaantiin gaar ahaa maamulaha Sheekh Cabdifataax Mucalim Shukri oo aann u sxbo nahay iyo macalimiinta sida macali Axmed Dhagjar, Cabdiraxmaan.iyo culimada kale sida Asad dhamaatiiinba khyr iyo guuul iyo jaanno ayaan idiin rajaynayaa iyo musllimka dhamaantiissba.
masha allah walahi wa duqsigaygi an dhigan jiraay masha allah
Asc Wr Wb maansha allaah maansha allaah hanbaliyo ayaan idin leeyahay dhaamaan reer markazu shukri waxaanan si xushmadi ku dheehantahay u salaamayaa macalinkayga c.tafaax macalin shukri oo runtii bacda tawfiiqi laah suura galiyay markazkan sidoo kale abu camaar iyo sh.axmed dhegjerna waan salaami waxaanan idin leeyahay ilaahay haydiinka dhigo camalkiina mid ilaahay aad u gaar yeeshaan walaalayaal
Masha Allah… ilaahay janada ha idin geeyo, aamiiiiin
maasha alaah waan slaamayaa dhaam macalimiinta markaska sigaarna waxaan usalaamayaa
macalinkayga qiimaha badan oo aanan ilaaway (axmed dhagjar) oo quraanka igu baray markas
al aqsaa burco
من شاء الله عليكم وهنكم بحفط كتب الله سبحانه وتعال”وجزاءكم الله خير بجهدكم
ورسول الله صلى عليه وسلم يقول خيركم من تعلم القران وعلمه”الله أكبر” وأقول لكم الف مبرك
أختكم في الله عائشه
somaliland vivant in sha allah horu socod khyr iyo bash bash
Maansha Allaah , Allaah ha barakeeyo hana ka dhigo kuwii ku camal fala markay waynaadaan ,kuwa barayna ajar iyo sawaab Allaah ha ka siiyo
maansha alaah aad iyo aad waa wax loogu farxo run ahaantii cidkasta oo ku hadasha afka somaliga ama islamka ahi waa ay ku farxayaan runtii
alaah anagana hanoo fududeeyo
asc
mansha Alaa waa tarbiyada ubdkeenu inoga bahan inan kubarbarina
MAASHA ALH ILAAHAY HA BARAKEEYO ,WAALIDIINTII LA DADAASHAYNA HA KA ABAAL MARIYO OO .HA UGA DHIGO AWLAAD SAALAXA,INTIINA UBADKA HAYSATANA WAXAAN IDINLEEYAHAY HOOS U EEGA CARUURTA ,HADII WAALIDKU U DADAALO KULI WAY WADA FOOSAYAN ,EE SAACAD QUDHA LA EEGA WAXAY BARANAYAN OO MOORAALKA CARUURTA DHISA ,
mansha allah waan garty caruurtayn iyo walidka dhalayba iyo macalimiintaba waxaa ku jira macalin ahmed dhagjar oo aha reer odwayne waxaan xasuusta anigoo tagay magalada odweyne mar in uu halkaas ka dhigi jiray maxadkii cumar bini khadab ee odwayne khayr iyo badhaadhe weyaan
Maashaa Allaahu tacaalaa, Baaraka laahu fiikum, wa Jazaakumu laahu khayran.
waa wax ilaahay loogu mahad celiyo caruurt hala horomatiyo intaya wax ka qashada leeyihiin
maa sha’allaah waa markizka mucallim shukri