|

BARNAA-MIJKII XIKMADA SUUGAANTA( FAARAX-LAAN-JEER)! & Cabdi Shotaly

Waxaan weli ku jirnaa Barnaamijkii xiisaha badan ee Xikmada Suugaanta,  Gabagan waxa tiriyey Faarax Laa-jeer oo ku  caan ah geel-qaadista, markan wuxu ka hadlayaa geelu in aanu xaaraan lahayn , isaga oo u jawaabaaya nin ay ilmaadeer yihiin oo u soo gabyey oo la yidhaahi xiiray, kana mid ahaayeen erayada ku jiraa  ka fadhiiso tuugada,ilaah ferejkii baa dhawe, faarax inta uu la yaabay waxa uu yidhi inaadeer-kii buu tixdan soo socota abuuray waa-na tan ee iga hoo akhris-toow:-
 
Xoolaha xadiidka ah, naf-taa xiira-yoow jecele,
Xayaabada ka soo feena-shada, iyo xuudka-diyo goolka,
Tan iyo xaawa iyo aadan, waa u xumadays-nayne,
Xasan iyo xuseen baa ogaa, xeer u lee-yahaye,
xulafoo-yinkii hore-ba way -kala xabaa-dheene,
Xidh-kii dheeho lagu gawra-caan, baan xiisadii hadhine,
 
Sayidkii xadeed iyo kufriga, xulay daraa-wiishta,
Ee xodayo geen jiray intuu, xamar u heenseeyo,
Xaafidal-quraan buu ahaa, soo xajiyey dhawre,
Isaga-ba xaq iyo baadil, waw kala xariiq-naaye,
Xaaraan haduu yahay sengaha, kuma xaraa-sheene,
Xiitoow ma soo hoysan karo, oday xagays-taaye,
 
Xiji-geedu wuxu saaran ayhaay, xayn walaalo ahe,
Xidhka geeduhuu ugu jiraa, aar xabeeb-sadaye,
xanaf-tiyo warmaa dhiiga leh, bauy xaas ku kori-saaye,
Inu xiinku duulaanka yahay, wa xadii-siya’e,
Xaq ilaahay maantay tahiyo, qalin xisaa-beedka,
Xasanaad in lay-sugu dhigiyo, inay xumaan doonto,
 
Xukunkii ilaahay qoray, xaakin-kaa werine,
Xarbi baarid xayraan col iyo, xeelad iyo tuugo,
Waa ugu xad-dhaafaaninkii, xiis u daga-taaye,
Anna way xalaal xaawis iyo, xagalo awr yaalle,
Bla-se lama xujayn karo ninkii, xiito weerara’e,
Ma xayeesh adhaan dhacay, burcay ka xantamaa-yeene,
 
Intaas waxa ku dhan gabay-gii faarax laan-jeer uu u tiriyey ina-adeerkii Mr xiiray, waxa kale oo aan u sheegayaa akhrista-yaasha, dad baa yidhi waxa ku jiray oo ka maqan ereyo aan saluugay oo aan is idhi malaha waa ku buuxi-nayaa, in kasta oo aan wax badan doonay haddii ay wax ka maqan yihiin, nasiib daro wax ii soo kordhiya intii aan hayey maan helin, sidaas awgeed waxan lee-yahay akhtista-yaasha ramadaan kariim.
 
* N.B Ma hoyggii makaan gubay tuldaan hawd ku weeraraye,
Abdi-shotaly,

9 Responses for “BARNAA-MIJKII XIKMADA SUUGAANTA( FAARAX-LAAN-JEER)! & Cabdi Shotaly”

  1. cabdulqani diiriye cali says:

    asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu

    waxaan aad u salaamayaa geesiga birta ah c/raxman shotali murtidu waxay reebtaa mahadhooyin weyn
    waana iidaanka luqadakasta ama damacada hadalkooda waxay duruustan socotaa dan u tahay jiilalka soo kacaya
    iyo afkeena hooyo qofkii wax uga bilaaban yihiin,dhowr tuduc ayaa aad ii soo jiitey igana qosliyey waxaa ka mida,
    sayidka markuu leeyahay xaafiduş quraan buu ahaa soo xajiyey dhowre isagaba xaq iyo baadil waw kala xariiqnaaye
    xaaran haduu yahay fardaha kuma xaraansheene xiitow ma soo hoysan karo oday xageystaaye,
    iyo gunaanadka gabayga oo igaba ilmeysiin gaadhey tuduca ah( ma xayeesh adhaan dhacay burceey ka xantamaa-yeene) waa murti aad u wanagsan waxaase daliil kuugu ah dadkan macduurka ah inuu ina cabdile xasan dhaca u baneeyey aakhiro ninka sidaa ku dhaca geela wakhtigiisii iyo ninkii ku dayda gabaygan aan hadheeyn teer iyo aduunka la rogo qeyb inuu dhacaa xaaraanta ah ku yeeshaa dhici karta.
    asalaamu calaykum waraxmatuşaahi wabarakaatuhu

  2. lalaaye says:

    Afkaaga ayaa caalo lagu qabay C\shotaly aad iyo aad ayaad umahad santahay.
    ninka ay isu gabyayeen waxaala odhan jiray DUBAD XIIRAY gabayguna wuxuukabilaabmay burco, faarax ayaa laxidhay iyada oo loohaysto geel markaasuu maqlay DUBAD xiiray ayaakuu gabyay markaasuuka hordegay ilayn nin meelkadoonayamaahee DUBADNA umagabyin kadib

  3. faisal geeljire says:

    GUULEYSO CABDI SHOOTALI INA AWR FUUL….ramadaan kariim

  4. meygaag jiifa says:

    sxb shootali codsigaygii gabaygii cabdillahi muuse ee ahaa togdheer cami waayaye hadaad heyso iyo weliba qisadiisii oo dhan fadlan soo daa xigmad weyn baa ku jirtee

  5. BAXNAAN says:

    maygaag jiifa, gabaygaa inaga daa xiligiisi ma joognee,,

  6. abdi ismail says:

    aad iyo aad ayuu u mahadsanyahay inaka so diyaariyay murtidii abwaankii waynaa ee farax laanjeer waxaanan ka codsanayaa inuu soo badiyo gabayada abwaanka oo aad loogu ooman yahay

  7. abdi ismail says:

    adeer waaaxan la hadlayaa yaryarka leh gabayga waqtigisii lama joogo xishooda oo daaya dadka dhaqankooda iyo suugaantooda jecel ee u heeelan ha niyad jabininee hadii aydaan waxba la qabanayn hadii kale ha noqonina ku wii la yidhi (AFKA DHEERBAY BIYAHA KU CABTAA)

  8. MURTI DHIIBSHE dhalin toosiye says:

    Abdi Ismail

    Sxb waxad u jawaabaysaa dadk 4 bilood ka hor meesha ku sheekaystaye bal taariikhda eeg ay hadalka isweydarsadeen kkkkkkkkkkkk.

  9. murti toosiye says:

    waxaan leeyahay yaryarka kuleh gabayga wakhtigiisii waalla dhaafay gabaygu waa sawaariikh aad laysula dhici jiray murti fara badanna lahaa sidaa daraadeed adeer waa aalad qaali ah ee ogaada haddii kale iska dhegeysta aahiya iyo telka qabtaay waakaa is xidhay jidh jidh iyo waxaan dhaamin kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Leave a Reply