|

Wefti Ballaadhan Oo Uu Hogaaminayo Cali Warancade Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Gabiley

Gabiley(OWN)- Wefti culus oo uu hogaaminayo musharaxa Jagada Madaxwaynenimo ee xisbiga UDUB Cali Maxamed Warancade,  ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley.

Waftigan oo markii ay gaadheen magaalada ku wareegay Suuqyada iyo Waddooyinka dhex mara gudaha Magaalada, ayaa waxay dadweyne badan kala hadleen xafiiska xisbiga UDUB Gabiley.

Musharaxan oo halkaa dadka kala  hadlay ayaa ugu horreyn si wayn ugu Mahad-celiyey Dadwaynihii soo dhaweeyey, Isaga oo sheegay in ay Shakhsi ahaantii ay tani u tahay Fursad, Sababtana uu ku sheegay: “Aad iyo aad ayaan idiinku mahad celinayaa Dadwaynahan iyada oo Milicda Cadceedu kulushahay noo taagan, ee sida wayn noo soo dhaweeyey, Maalintii iigu danbaysay ee aan ka Khudbadeeyo Gabiley, waxaan Ilaahay waydiistay in aanan Mar labaad imanin Gabiley ee Wali Degmo ah, Ilaahay wuu iga aqbalay Ducadii maalintaa aan ku ducaystay, oo waxaan maanta idinla hadlayaa idinka oo Gobolkii helay, iyo Aniga oo u socda musharax Madaxwayne. Gobolkani waa Gobolkaygii waa Gobolkii aan ku soo barbaaray Caruurnimadaydii oo waxaan deganaa Degmada Allaybaday, waa halkii aan Maalintii iigu horreysay aan Malcaamad Quraan ka bilaabay, qiimayn gaar ah ayuu igu leeyahay Gobolkani”. Ayuu yidhi Cali Maxamed Waran-Cade.

Waxa kale oo Cali Maxamed Waran-cade hoosta ka xarriiqay in hadii Xisbigoodan Udub Mar labaad la doorto ay Horumarka Somaliland ka bilaabi doonaan Gobolkan, Isaga oo sidoo kale qiray in Muddadii hore ee ay Talada Dalka Gacanta ku hayeen ay ku hawlanaayeen Adkaynta Nabad-Galyada Dalka, isaga oo Arrimaaha ka hadlaya waxa uu yidhi Cali Waran-Cade: “Markii hore ee aanu Tallada Dalka gacanta ku haynay waxaanu Awooda saari jirnay Adkaynta Nabad-galyada, hadii aad Reer Gabileyow kalsoonidiina na siisaan waxaan Ballan ku qaadaynaa in aanu horu-marinta Dalka ka bilaabi doono Gobolkan Gabiley, Maadaama, oo ay tahay Laf-dhabarta Somaliland, hoosna ha inoo ahaato’eh illayn Goboladii kale inama maqlayaane”. Ayuu yidhi Musharaxa jagada Madaxwaynenimo ee Garab ka mid ah Labada Garab ee Xisbiga Udub u qaybsamay Cali Maxamed Waran-Cade.

Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo ah Musharaxa Jagada Madaxwayne-Ku-Xigeenka garabka Waran-Cade oo Isaguna halkaa ka hadlay ayaa Farta ku fiiqay Muhiimada ay leedahay Arlada Alle ku uumay Dadwaynaha Reer Gabiley, Waxaanu xusay in Mustaqbalka dhaw Hargaysa iyo Gabiley is gaadhi doonaan, oo Isku Magaalo noqonayaan, “Waxaa xisbigayaga ka go’an in aanu muhiimada saarno oo aanu ku garab galno Dadwaynaha Reer Gabiley sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarkooda, Illaahaybaana Mahad leh ee Dadwaynaha Reer Gabiley dajiyey Buqcadani u wanaagsan Wax soo saarka Beeraha, iyo Carrada san, waxaan hubaa in dhawaan insha Allah ay is gaadhi doonaan Caasimada Somaliland iyo Magaaladani Gabiley”.Ayuu yidhi Musharaxa Jagada Madaxwayne-ku-xigeenka ee Garabka Cali Waran-Cade ee Xisbiga Udub Axmed Xaaji Daahir Cilmi.

Xubno ka tirsanaa Golihii Wasiirada ee Xukuumadii Daahir Rayaale oo kala ahaa Wasiirkii hore ee Wasaarada Hawlaha guud iyo Guriyeynta Siciid Sulub Maxamed, Wasiirkii hore ee Wasaarada Qoyska iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Baar Siciid oo Iyaguna halkaa ka hadlay ayaa si wayn ugu mahad celiyey Taageerayaashoodii Sida wayn ugu soo dhaweeyey Magaalada Gabiley, Iyaga oo dhamaantood tilmaamay dhaliilo ay leeyihiin Xukuumadani, iyo Waxqabadyo ay hore wax uga qabteen Gobolkan.

Waxa kale oo ay u Hambalyeeyeen Maayarka Magaalada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh. Siciid Sulub oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi: “Xukuumadayadii hore wax badan ayaanu ka qabanay Gobolkan Gabiley,  waxaad ogaydeen in Xukuumadayadii aanu heshiis la galnay Dawladda Itoobiya, waxaanay inoo sameeyeen Waddada Laamida ah ee u dhaxaysa Wajaale iyo Kalabaydh oo ay Jay inooga dhigeen, mana garanayo sababta Xukuumadani ay u dhamaystiri wayday…”. “Waxaan jecelahay in aan Fursadan uga faa’iidaysto in aan si wayn ugu Mahad-Celiyo Aniga oo ka tirsanaa Xukuumadii hore ee Daahir Rayaale, ahna Mas’uuliyiinta Xisbiga Udub Marwo Khadra Xaaji Gaydh Maayarka Magaaladan Gabiley oo ka tirsan Xukuumadan Kulmiye oo Iyadu Muddadan ay joogtay wax wayn ka qabatay Magaaladan waxaana wacan in qofkii wax qabta lagu hambalyeeyo”. Sidaana waxa yidhi Wasiirkii hore ee Wasaarada Hawlaha guud iyo Guriyeynta, Siciid Sulub Maxamed.

“Aniga oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada waxaan ballan qaadayaa in Ajande kasta oo khuseeya Gobolkan Gabiley aan noqdo Qofka ugu horreeya ee ansixinaya, Ollolena u galaya sidii loogu wada ansixin lahaa”. Sidaana waxa tidhi Xildhibaan Baar Siciid oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland ee ka soo baxay Xisbiga Udub.

Oodweynenews.com, Hargeysa Office  

10 Responses for “Wefti Ballaadhan Oo Uu Hogaaminayo Cali Warancade Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Gabiley”

  1. Mr. Jamaal says:

    Udubtii burburtey

  2. AWDAL-SOO DHACY1 says:

    Huuno udub may bur burin adeerkay riyaale wuu soo laaban maahin, dee kan yar ee jamaal dhago ha yeesho oo ha dhegeysto madaxwaynihii dimquraadiyada somaliland wuu soo laaban e maahin ila, way huuunoooooy dawladii somalilayn dagaal baa huuno meel kasto kaga socda eebow hareeraha ka mari, boorame magaaladaydii somaliland horteed yaa yaqaanay!! way huunooy somaliland alow dhowr.

  3. Abdiazeez says:

    Halasoo celiyo UDUB ayaan u arkaa. Xisbigii UDUB yaanu waxbadan qaban lkn wadanku wuu xasiloonaa oo nabadbaa jirtay maantana cadowbaa heeray.

  4. huda says:

    waarnadhaafa dhe labadan isdab meeraysanya ayaan nacay . reer gabiley waxay soodhawaynayaan, gaboose iyo ciro waayo labadaa waxdhaama kuma arag reerkan aykasoo jeedaan

  5. bir finiin ka hadhay says:

    awdal-soo dhacyi

    huuno huuno maahin maahin kkkkkkkkkkkkkkkkk walaahay waad iga qoslisay laakiin waa lagaa dareemayaa inaad reer bari tahay matalaya qolodan reer galbeed…..

    baribaa gaadhi qaadle ah oo reer bariya niman reer galbeedi u dhuljiifeeyeen saa markuu gaadhigii istaagay ayuu midka mida dhuljiifkii ku yiri inankii xaga sare saaraa …… waar huuno kaa maad keeni maaha ,,,,,, markaasuu inankii yaabay oo yidhi ….. kee keedee ,,,, markaasuu ku ceshay waar huuno sangeerkaa qaadka ah keen hadii kale…….,
    markaasuu dareewalkii gaadhigu inankii xaga sare saaraa waydiiyay waxay doonayaan……. markaasuu inankii ugu jawaabay waar malaa inay ina dhacaan ayay doonayaan,,,,,, markaasuu dareewalkii ku yidhi inankii waar bal sangeerkaa qaadka utuuroo laakiin hadalka adkeeya dheh kkkkkkkkkk.
    wuxuu sugayay dee inay hingaadiyaan oo cay rasaas isugu daraan laakiin waxaa bilaabantay aa huuno.

    markaan kalmadaa maqlaba in la dawarsanayaan moodaa.

  6. shabaash says:

    guul iyo gobonimo udub viva udub maalin dhow soo noqo inshaa’allaaah

  7. Bilaal39 says:

    Udub wadanka gacan bir ah ayey ku naysay walee

  8. Abdiazeez says:

    Bir finiid

    Horta sidaad u ogtahayba mooyaane raga reer galbeedka ahi mabayidhaahdaan huuno, waal kelmad dumar iyo caruureed. Markaa reer kii darood ee shanta boqol ee kalar lahaa ayaa dabinadii ku daatay kkkkkkkkkkk been sheeg laakiin mid run u eeg sheeg baa layidhi, reerkan indho adayg ayaa dilay ninka ragga ahina waa ka gartiisa qaata.

  9. WAA SIDAA says:

    WAAAAAAAW GUUUUULAYSO UDUBEEY VIVA UDUB VIVA WARAN CADE IYO GEESIYAD LASOCDA UDUB IDHINKAA LEEE GUULAYSTA.

  10. Xarbaagalay says:

    waxaan la yaabay siciid sulub badownimadiisa walaalayaal reer gablaiyoow rag nasiiya beeraha na bara ma ragbaa laysa siiyaa mise dumar kkkkkkkkk jibriil abokor ma caadhgoo ayuu noqday la kaxaysto oo beeraha lagu fasho bala fxumadaas eega ina waran cadde calaacalkiisa walaalayaal cirada waxaa iga soo saarayw adan jacayl kkkkkkkkkkkkkkkkk beeshan dhan ee u baryo tagtay gabilay bala aynu eegno waxay ka faaidaan kkkkkkkkkkkkkkkk

Leave a Reply