|

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Kulan Dhex Maray Madaxweynaha Iyo Sadexda Xisbi Qaran

Hargeysa (OWN)- Guddoomiyaha Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday in  Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo sadexda xisbi qaran ay isku afgarteen in laga wada qeyb galo shirka London.

 

Guddoomiyuhu waxa uu sidan ku sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray Guddoomiyaha KULMIYE waxaanu u dhignaa sidan:-

“Shir ay Madaxweynaha iyo Sadexda Xisbi Qaran isugu yimaadeen guriga Madaxtooyada JSL xalay oo taariikhdu ahayd 3.02.2012,Madaxweynuhu waxa uu uga waramay isbedel lagu sameeyay qaabkii shirka London ka qabsoomi doona 23.02.2012 waxaanu sheegay

 

• In dawlada ingiriisku ogolaatay in dawlada Somaliland ku timaado shirkaas iyada oo ka gooni ah Somalia

 

• Dawlada Ingiriisku waxay xaqiijisay in qodobka ku jira geedi socodka siyaasada (Road Map) uu gaar u yahay TFG-da iyo Gobolada hoos yimaada ,iyadoo dawlada Ingiriisku cadaysay inaanu qodobkaasi khusaynin Somaliland oo aanu shaqo ku lahayn

 

• Qodobada kale ee Ajandaha ku jira sida Amaanka Gobolka, Budhcad badeeda,Horumarinta I.W.M ,Somaliland waxay kala mid tahay dawladaha gobolka.

 

• Shirkaasi maaha mid lagu wada hadashiinayo Somaliland iyo Koonfurta Soomaliya.

 

• Somaliland waxay fadhiisanaysaa meel ka duwan kana durugsan Xubnaha TFG-da iyo Gobolada hoos yimaada.

 

Sadexda Xisbi Qaran way soo dhaweeyeen isbedelka dawlada ingiriisku ku samaysay qaabkii shirkaas loo tagayay isla markaana waxay sadexda xisbi qaran soo dhaweeyeen hab maamuuska dawlada Ingiriisku siisay Somaliland inay shirkaas kaga qayb gasho.

 

Waxa la isla qaatay in si wada jir ah Mucaarid iyo Muxaafidba loogu midoobo taabo gelinta Qaranka iyo Aqoonsi raadinta ,waxaa kale oo la isla qaatay in ergo ka kooban (Muxaafid iyo Mucaarid) lagu tago Shirkaas.

 

Kulmiye waxa uu ugu baaqayaa Ummada Somaliland inay u midowdo nabadda,Horumarinta,Aqoonsi raadinta iyo Dhismaha dalkeena.”

 

 

Oodweynenews.com, Hargeysa OFfice

28 Responses for “Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Kulan Dhex Maray Madaxweynaha Iyo Sadexda Xisbi Qaran”

  1. Ma huraan says:

    waxaan leenahay xukuumadda maanta jirta ma aha mid lagu aamini karo talada iyo mustaqbalka ummadan. aaway dalkii la odhan jiray Jamahuuriyadda ssoomaapiland ee loo dhiibay snadka hor. waxay dadka ugu bood boodayaan kursiga wax ay hayaan iyo waxay ogyihiin toona ma jirto.ahmed guddina waxaa uu ku talo galay inuu wadanka baabi’iyo sabatoo ah waan niin ruug cadaayee ma garan waayin talaabooyin siyaasadeed iyo dareen meel fog waxka arka ku ilaali dalka. wax uu ilaaliyo iska daaye isagii baa laga ilaalinayaa hadalka, markaas waxaan leeyahay qoladan ilam is garab yaac hanoqdo moogaha arimaha dibada iyo xantii moogaha madaxtooyada fadhiya dalkii dumisee halkii aad ku wadeena gaadhye inta aan sidii nicolay jajesko madaxtooyada la idiin ku soo daadan baxsada.
    qabiilooyinkii daafaha Somaliland deganaa waxay samaysteen dowlad gobaleedo Sida Samaroon iyo dhulbahante, Warsengelina waxaa uu soo wadaa maaul goboleed la yiraahdo Maakir state. markaas ma Isaaq ayey qoladan qamar ma og dowlad u noqonayaan.
    waxaan leenahay inta goori goor tahay orda oo aragiina naga qariya aragiina lawaaye.

  2. Abdiazeez says:

    Haye madaxweyne siilaanyo muxuu ku yidhi Faisal Cali waraabe iyo Aw badhi, sadexkiish oo lacaga ayaan inoo soo qaadayaa haa uun dhaha. Faisal xisbigiidii wuu kala yaacay Sababtuna waa kelugii taliye aan cid latashan, sidoo kale Axmed Yasin oo UDUB burburiyey tasoo iyana ah inuu burburiyey oo leadership xumo ku haya UDUB. Siilaanyo cidluu kahelay wadankii walee.

  3. ma naxe says:

    waan ka xumahay shirkaa laga qayb galaayo,waxaanay ila tahay in maanta somaliland u dhamaatay,bal dadkiina xukuumada qabyaalada ku taageerayaa halka ay ku dambayso aan eegno
    waxaa qudha ee hadhay waa awal state,garxajis state iyo ilka yar state
    YAA RABBI ASTUR

  4. ODAY SIRQAY AH says:

    Muuse gacan ku dhiigle ayaad caaqiibo ka sugaysaan, waxuu si bareer ah u laayey oo uu qirsan yahay intaa muslim walaallihiis ah oo uu yiri waan ku jahaaday, cirka labdii roor oo aakhiro cadaabkii ku dheerow, wallee inaan lagaa cafinayn dhiiga muslimiita ee mujaahidnimada aad beenta ka sheegaysid iska daa!!!

  5. Abdiazeez says:

    Ma naxe

    Walee wasidaad sheegtaye waa in tuulo tuulo kala xidhaa. Horta dagaal baa dhacaya waad arki meel uu kabilowdaba, dadka shicibka ahi arinkan wuu kasoo horjeeda balse ma waxbaa la weydiiyey.

  6. Abdiazeez says:

    Shirka wuxuu ku salaysan yahay sidii ciidanka somaliya loo tababari lahaa iyo weliba hub iyadoo reer galbeedku leeyahay Alshabab iyo budhcad badeed ayeey lahalgamayaan. Ka akhrista Telegraph ta maanta. Marka somaliya laxoojiyo aad u qososho una saxeexdo beri miyey ku deynayaan?

  7. DHEXDHEXAAD says:

    ALA MAXAA DADKA ASQO LOO QAYBINAYAA,INTUU SIILAANYO DALKA QABSADAY XAMAR BAA LAYNOOGA TALINAYAY.
    WAAD ARKAYSEEN MARKUU HADRAAWI XAMAR KA DEGAY HADALADUU KU HADLAAYAY EE UU LAHAA WAANU IDIIN BOHOLYOWNAY
    MAANTA NACASBAA XAMAR LOOGA DHEEREEYAA,SOMALILANDNA BURBURKEEDU WAA SHIRKAA CAAWA LAGU DHAWAAQAY HADUU RUMOOBO

  8. Kamal says:

    Shiirkan in laga qayb galo aad iyo aad ayey u khaldantahay. Silanyo walee wadanka qas wyen ayu galiyey intu qabtay. 1.Dagaal sookoye 2. Somaliland oo samacadeedii hose u dhacday. walee Ina Riyaale waa la tabay.

  9. faaliye says:

    waxaan filayaa in habar habar loo kala yaaci doono no more maryo alool,ninba taagtii ha talaabsado waayo caawa ayaa dalkii god madow lagu riday

  10. hani khalid says:

    manexe
    adigu sowdiga khatumo seeg u olaleeya war haysku kaya qaldina anaga
    reer somaliland oow walal cadowga iska eega walahi waa inooguul shirkaas hadynu qadiyadeena ka dhex sheegno marlabad baynu indhaha calamka tusi doona waxaynu nahay hadaba walalayal hadad britain joogto udiyar garoow bananbaxa wayn ee la qabanayo ee qaranimada madaxweynaheen khudbad tariikhiya ayuu ka jeedin doona halkaas tasoo ah waxaynu rabno oo ah inaynu noqono qaran madax banan walal maha markaynu dhexdeena is eegi jirnay waa wakhtigaynu midoobilahay cadowgana iska jira iska yeelyelaya somalilander guul ayan ilahay inoga rajaynaya
    somaliland cisi iyo shar alow nogu dhowr
    shahid bad ahay allahayow wixii dhacay
    tawxiid banu ka dhiganay astantayadee
    raboow calankaa casankaa cadankaa cirka u ee
    giriinka tawxiidkaleh alayow inad dalacdo mooyee
    alahayow hanaga ridin magan banu kuunahay
    garb alhayoownasii guul iyo badhaadhiyo
    kuwad ugu nimcaysee sharka iyo hantaqada insi iyo shaydan
    midkii noo malegaba alahayow kuwad ka dhowrtee garbkood ahatee
    guulaysta abidkood alahayo ba nagayeel
    rabiyo na citiraaf bini adamkan alahayow
    sakhirad ba noosar muslimka iyo galkaba
    alahayo nagasii rabow dacadbanunahay
    diinta iyo dalkayagaba ebow kuwan hungoobin
    alahaow kuwii damanshad ku caweeyee calnkooda adunyada
    dhaman dacaladeeda meelkasta kababadee somaliland abid
    alahayow koryeel shacabkeeda dhowr taranteeda barakee
    risqidee badi cadawgeeda jabi gaclkeeda dhowr
    amiin amiin

  11. raygal says:

    way burburaysaa uunbaa la idnka yeedhsiiyay

    anigaa giaanka qaadanay maaha in madax iyo mijo toona ina

    bedeli karaan

    takale hadiiba aduunyada u tashatay wixii somaliya la odhan jiray

    oo la doonayo in xoog lagu qabsado cidi kaaga joogimayso

    shirkaan diiday hadaad diido iyo hadii kale waa isku mid

    kolay intii tamartaa ah waad dagaalami lahyd

    kolhadaan laguu ogolaym xuquuqdaada yaan ninkale

    ka jawaabin adoo nool ereygaagaa ama diid ama yeeloo

    dad ku soo dhex dhuumanaya oo meeshan ku ciil baxayana waa buuxaan

    oo inay dunto mooyee inay dhisnaataaba dhibayso

    kuwa wadaniga ahaw kolay cidi libin kuuma ogola

    20 sanaa madaxa laagaga joogay oo libintaada la

    qarinayay kolkaa in ILAAHAY xaqa oofaha ka dilaaciyona

    waa wax ILAAHAY u sahlan

    waxanse aad u dhibsada kuwaa nacaybku ka buuxo

    ee kolba u soo hantaatac doonanaya halkan

    qololoda iyo tuulo qaybsiga haday noqoto dee nin walawba

    xaafadaada ku biir

  12. GAAROODI says:

    HANOO KALE HADAAYA LAMA WARAYSTO OO MA FAALAYNKARO SIYAASADA CAALAMKA KA SOCOTA, MARKAA MUUSE BIIXOW ADIGU KA FAALOOD ARRINTII SEEMAL.

    IYO SIDII LOO KASBAN LAHAA REER AWDAL, REER SOOL ISKA TAGEE, BAL YAANAY INA GA TAGIN REER AWDAL

    ODAYGII WUXUU YIDHI NUUR IYO NAALEEYABA WAA LOO JOOGAAYE YAANAY NAFTU IGA BIXIN

  13. oogle says:

    waa aqli xumo yaan aduunka lala hadlin wadanka ma waxaad la rabtaan jahbad danbe somalind maadaba aduunku aqoosaneyey oo shirk ceynkaasi ah lagu marti qaadaa waa horumar siyaasadeed hal tago, mida kale qolyahan iska dhigaaya , somalianderks ee leh shirka yaan la tagin waa reer puntland iyo tfgda, waayo ma rabaan in caalamku barto somalind ee la socda waxey rabaan in iyaga kaliya wax la weydiiyo ee la socda, hadii cidba wax ku weydiin wedyo macnahu waa ma jirtid ee maanta waa ilaahey mahdii hadii somalind la aqoosanyey ooyna jahbada aheyn sdia ssc iyo waxsi ee , ogaada shirkana maahan mida sidii kuwii hore raga tagaa wasiiro noqonyaan ee waa mid iygoo madx dal matla tagayaan kana soo laabanyaan, anigu snm ayaan ahaa waanan taageersaney in shirka la tago umma baahin ninaan hadey dhibaato dhacdo dalka wax u tareynin meelahsi ka qeyliyo ee dowlada hala eego waxey jirka kala timaado ka dib ayaa laga faaloon karaa, mise wax jirta qolo moodeysa in wasiiro la noqonaayo.

  14. Yusuf says:

    Walaalayaal,hadal badan haamo lagama buuxsho ayaa horay loo yidhi,nin midnimo iyo Somalinimo ka cararay walee inuusan somaliland ku nagaanayne waxba caadifad iyo qabyaaladi yaanay xaqiiqada inaga indha saabin.Somaliland way mahadsantahay nabad ayay haysataa balsee waxay lamid tahay meelaha kale ee somaliyeed ee nabada haysta sida Puntland,Galmudug iwm.Maxay idiin taraysaa Somaliland oo goday oo waan noqotay oo tabar daran miyaanay ka fiicnayn Somalia oo dawladnimadeedii iyo midnimadeedii soo noqoto halkaasna sidii waayo waayo Libaaxii africa ay noqoto,Shirka London Somali ayaa loo qabanayaa waxba hakala qaadqaadina.

  15. xaaji says:

    Haddii shirka ingirisku Shar yahay, waxay u daran tahay Xaaraan ku naaxyada bed iyo berriba boobay. Haddii khayr ku jirana waa nasrigii iyo gugii Masaakiinta.

  16. huda says:

    abdiazeez
    Gaboosena wuu soo dhaweeyay arintan wuxu yidhi halatago shirka. wuxuyidhi makatiinadbaa la’inagu xiryaa kawaran arintaa. gaboosana maad kalanoqon tageeradaadii, waan ku arkay inaad aad utaageerto, aniguba sidoo kale waan taageeraa gaboose, ilayn wadigan qofwalba kadhigay inuu khaldanyahay ee.

  17. DALJIRE says:

    Adeerayaal goormaad beenta horta ka dhergaysaaan!!!!! Anigu yaabe dhakadiinu mid beenta ka daasha maba aha miyaaa??? Meeshatan Amar baa lagu siiyey Somaliland in ay ka soo qayb gasho iyada oo ah Gobol iyo maamul la mid ah maamulada Soomaaliya waxa lagaga hadlayaana waa arrimaha Soomaliya oo maamulkaas yare Somaliland ka mid yahay, Go’aanada lagu gaadhona waay ku qasban tahay in ay fuliso Somaliland oo ay ka mid tahay in maamulkaasi iyo reerka Isaaq u metela la yimaado soona xusho cida u metelaysa baarlamaanka SOOMAALIYEED ee la dhisayo marka kuwa hadda jira la kala diro. Ama kaca ama kadalooba meeshan Dawlada keliya ee Soomaliya ka jirtaa waa Tan madxweyne Shariif, ragga kale sida FAROOLE,CAALIN,KARAASH,Garyaqaan Rashid AwNuur iyo SIIL-AANYO waa madaxda maamul goboleedada Soomaliya. Marka dee warku waa cad yahye ma been baynu wadi tan iyo qiyaamaha…Dawlada dhismi doontana caasimadu waa muqdisho wax hargeysa la yiraahdo oo Soomaliya u noqonaysaana ma jirto , marka xaalku waa jug jug meeshaadi joog , ma kasteen ??

  18. SHAANDHEEYE says:

    Reer Oodweynenewsooooow, Ina biixi ma sawirkaas fooryaya ayaad ka haysaan. Miaanaydaan sawiro kale ka hayn. Ujeedada aad ka leedihiiin waa maxay ee idinku kallikfay inaydin mar walba sawirkan fooryaya ku so dhejisaan????

  19. General Faysal yare says:

    Mar hadii Talo Qaran oo Loo dhanyaha lagu go’aamiyey oo lays ku raacay in Shirkaa latago ..Ma jiraan wax kale oo laga hadlaa ee joojiya dhaliisha ma dhalayska ah…
    Xukuumada iyo Xisbigeeda Kulmiyeba aad bay ugu mahadsan yihiin inay Talo geliyaan Xisbiyada qaranka oo dareeman in talada dalka la wada leeyahay…

  20. waxsan sheeg says:

    Madaxbanaanida Somaliland shacabkaa gacanta ku haya oo ilaahay siiyey shacabkiina Somaliland buu joogaa ee

    shirka London ma joogo madaxda iyo xisbitga wadanka u taliya shacabkaa doortay oo shacabkay u shaqeeyaan,
    madaxbanaanida Somaliland maaha mid Oodwayne news iyo inta ku faygartaa ilaaliyaan ee shacabkiyo ciidanka
    qarankaa ilaaliya!!!!!!!!!!!!!!!! Hasha Geela cunta ee Hadana Cabaada waa dadka iska qaylinaya ee iska dhigaya inay
    wadanka u naxayaan hadana cadowga Somaliland afka ugu tufa dacaayadaha wadanka loo adeegsando!!!!!!!!!!!!!!
    halkanay xaadir ku yihiin way iska cadahay, ragii cadowga Somaliland 1988 iyagoo dayaarado lagula dagaalamayo oo Xamar hilaacayso cadawga geed ku xidhay baad maanta leedihiin Xamar oo shacabkeedii waxna xeryahay Kenya ku xaraysan yihiin gudaheedana ciidamada Uganda, Burundi, Ruwanda, Ethopia iyo Kenya ku goolibaadhaan baad tidhaahdeen way ku socdaan iyo oo Somaliland oo caano iyo nabadi taalo ku nool!!!!!!!!!!!! taasi waa habaar yaan shacabka Somaliland ee naf iyo maalba u huray madaxbanaanida Somaliland lagu gefin!!!!!!!!!!!!!

  21. caanodhame says:

    dawlada somalilabnd beed maaha oo markiiba ma burburayso markaa waxaa loo baahan yahay in shirkasta laga qayb galo madaama ay qoladan haysaa tahay dadkii ugu aaminka badnaa waayo waaragii xornimadan lahaa markaa ha wewerina waxba idibka xumayn maayo odaygaasi waa ruug cadaa siyaasadeed isaga ayaa ka sii nool dadkii inuun lagu tuhumaayey siyaasadawaxaan dadka halkan ku sheekaysta u sheegayaa in aan somaliland sahan dheer loo gelin wakhtigii ay go’aysay isla markaana aanay qorshaha ugu jirin qoladii snm ee qabsatay wadanka in somaliya la kala jaro balse ay ka dhalatay cadhadii maanafeestadii somaliya kaga dhawaaqday dawladii cali mahadi iyo xanuunkii reer somaliland gaadhsiisay dawladii faqashta ahayd markaa waxaan idiin sheegayaa haddii waxba socon waayaan waa in dhinaca kale looga wareegaa horta ha lagu dayo in somaliland ka qayb gasho fagaarayaasha lagu kulmayo markaasi ayaa la ogaan karaa bal wax caalamku qabo taasina waxaa bilaabay madaxweyne axmed siiraanyo oo markanka kaga qayb galay shir ay diideen dawladii daahir riyoole ilaa maantana waa ka qayb gelayuyaan shirarka sidaasi kuwada ayaan odhan lahaa wuun baa ka soo bixi doona haddii ay waxba sidaasi kaga soo bixi waayaan dhinaca kale ayaan uga wareegaynaa oo ah in dib loo qiimeeyo somaliland kadibna halkii loo bato lagu dhaqaaqo.

  22. BUUHOODLE ROGMAY BAL MAXAA CALI KEENAY! says:

    Shaadheey maxaa kaa galy muuso biixi saa adigu ina kaahin iy silaanyaad u doodaay

  23. Ma Naxe says:

    Xamar Hj way gaynkartaa meesha iyadaa ka talisa,Laakiin Hy ma gaynkarto.Arinku waa sidaa .Hy ayaa loo laayay Xamarbay u socdaan.Maanta Hj ayaa Horjogsankara.Waar Idoor runta isku sheega..

  24. faaliye 12 says:

    waxaan somalidu ku maahmaahdaa AF NOOLINA WAA HADLAA EYNA WUU CIYAA,
    ma naxe hj awooda sld xamar ku geenayso,maxay burco ugu difaaci wayday sowdinkii YAROOWE qaxootiga ku ahaa
    iyadood weliba maryalool kula socdo
    waar ma naxow yarawe waahalkii

  25. siyaasi danayste says:

    madaxwayne silaanyao waxaa hor taala warqadii 1992 uu qoray qaramada midoobay taasoo nuxurkeeda lagu sheegay iyaga iyo aallahood e, midnimo somaaliweyn,isagoo la shaqaynaaya saaxiibkii tuur kkkkkkkk,
    maacaleesh lkn wakhtigeeda ayaylheed

  26. maxamed kaga sanqadhiye markuu xanaaqana waabad yaabi says:

    abdiaziiz

    waxaaaad tahay nin aad u fikir gaaban dadka meesha aan ku arkayay waxaad tahay ninka ugu liita waxaaan qabaa in aanad lahayn aqoon kugu filan oo aad xumaanta iyo wanaaga ku kala saarto ama markaaga hore ayaad meel xun kusoo barbaartay markaa adiga waxba lagaa waydiinmaayo talada soomaaliland iyo arinkeeda hadaad dagaal iyo colaad rabtana waxaad tagtaa xamar ta kale ee aad faysal cali waraabe iska maagaysano waanu garan karnaa ujeedada horaa loo yidhi hadaad aragto nin ciidagale kadaba yuusa waa nin qalooc raadinaaya
    qaloocu waa ciidagalaha oo guskoodu qalooco meeshay galiyaana ilaa waligeed wayka daba yuustaa markaa adigu waxaad raadinaysaa waa qaloooc dee mid kalee oo ciidagala ah iska maslaxo hadii kii hore ku nacay

  27. coof4 says:

    dhaman shaacab iyoxisibiga talaad haya iyo ka mucaariidka ee xisiga ahaawo goodki 1.7.1960 iska ilaaliya ha ku dhiicinee oo waxa aad la taaga meeasha waa iga taalo

  28. galbeed says:

    maandeeq hadday innagga innoo dalxiis tagto faaiidaaba innoogu jirtee innoo daaya illayn raggii(somalilanders) maali jirayuunbaa gaawaha u sida,e walaw hadday xataa wixii kastee la dhinac tumo ay dacalka dacalka ugu qabato maandeeq waa maandeequun.

Leave a Reply