|

Waftigii ugu Cuslaa ee Jamhuuriyada Jabuuti u soo Dirtay Xil Wareejinta Xukuumadaha Somaliland oo Galabta soo gaadhay Hargeisa.

Hargeisa (Oodweynenews)- Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyada jabuuti Cali Cabdi Faarax ayaa galabta ka soo Degay Madaarka Caasimada hargeisa ee Cigaal International Airport,Waftigaasi oo ka koobnaa 16 xubnood oo isugu jiray laba Wasiir oo ka tirsan Xukuumada Jabuuti, Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka jabuuti iyo Xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka iyo Xukuumada jabuuti.

Waftigaasi oo si Diiran loogu Soo dhaweeyay Madaarka hargeisa ayaa Waxaa soo Dhawayntooda ka Qayb Galay Masuuliyiinta Xukuumada Cusub oo uu hogaaminayo Dr.Maxamed C/laahi Cumar, Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Talada ka sii Degaysa, Gudoomiye ku Xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland,Salaadiinta iyo Cuqaal tiro badan oo reer somaliland ah, iyo Marti Sharaf kale oo Tiro badan.

Wasiirka Warfaafinta Jabuuti ahna Afayeenka Dawlada Jabuuti oo Warbaahinta ugu Waramayay Qolka nasashada ee Madaarka hargeisa ayaa sheegay inuu Hambalyo ka sido Madaxwayne Ismaaciil Cumar geele iyo Shacabka Reer Jabuuti, Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Somaliland u yimaadeen inay ka Qayb galaan Xafladda Xilwareejinta Xukuumadii hore iyo Ta Cusub ee Dadka reer somaliland soo doorteen.

Mudane Cali Cabdi Faarax Waxa uu Somaliland ku hambalyeeyay Qaabkii wanaagsanayd ee Doorashada Somaliland u dhacday iyo sidii wanaagsanayd ee Masuuliyiinta Axsaabtu isugu hambalyeeyeen Guushii Doorashada madaxtinimada Somaliland.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay la soo jeedeen Shicibka reer somaliland wakhtigii doorashadu socotay, kana war hayeen ilaa intii lagu dhawaaqayay, waxaanu intaasi raaciyay in la farxeen kuna Faraxsanyihiin sida Walaaltinimada leh ee loogu soo dhaweeyay Caasimada somaliland ee Hargeisa.

Wasiirka Arimaha Dibada somaliland C/laahi Maxamed Ducaale iyo Xoghayaha Arimaha Dibada Xisbiga Kulmiye Dr.Maxamed C/laahi oo ku kala hadlayay Afka Xukuumada Madaxwayne Rayale iyo Xukuumada Cusub ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa halkaasi ka jeediyay kalmado soo dhawayn ah, Waxaanay ka warameen Xidhiidhka labada Dawladood ee walaaltinimada ah.

Waftigan oo Casuumad Rasmi ah ka helay Madaxwaynaha la Doortay ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sida uu Gabiley News u Xaqiijiyay Xoghayaha Arimaha Dibada Xisbiga KulmiyeDr.Maxamed C/laahi Cumar ayaa Noqonaya Waftigii ugu Cuslaa ee Dawlada jabuuti usoo dirto somaliland, isla markaana waftigii ugu horeeyay ee ka yimaada wadamada jaarka ee ka qayb gal Xilwareejinta Xukuumadaha Somaliland.

 

C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/Heersare]

Cabdiheersare01@hotmail.com

Oodweynenews.com/Hargeysa Office

13 Responses for “Waftigii ugu Cuslaa ee Jamhuuriyada Jabuuti u soo Dirtay Xil Wareejinta Xukuumadaha Somaliland oo Galabta soo gaadhay Hargeisa.”

  1. Muj Dhabarlow says:

    Xeebtaa Jabbuuti Ee Soomaali Laga Xaday inay inna soo booqato waa xaq, gaar ahaan, haddii aynnu nahay umaddii xoreysey! Hase yeeshee, waxba yaan sidaas loogu sii hanqal taagin!
    Waayo?
    Jabbuuti (Xeebtaa Somaliland Laga Xaday) ‘xornimadeenna’ ma rabto – arrimo badan awgood. (Nin Rag Ahi Wuu Og Yahay, Doqonna ‘imminka’ Loo Sheegi Maayo).
    Arrinkddou waa Crocodile Teeth iyo If You can Beat ‘em, Join em!

    Haddii aynnu waxqabsanno, sidaas ayaa habar waliba, xitaa kuwii cadowgeenna iyo colkeenna ahaa, ay cagaheenna u imanayaan… taas oo caddeyneysa fikraddeydii aan ku doodi jirey ee aheyd in aynaan u baahneyn inaynnu adduunka ama cid kale tuugto ama daba fadhiisanno, innagoo ku baryootameynna “Na aqoonsada, Na ictiraafa… recognise us… Africa/Ethiopia/Kenya/Jipouti… Britain, Americas, Europe… the world, everyone.. ANYBODY… please, Please, PLEASE….”. What a shame! That must’ve been our lowest point… ever. If not, I don’t know what else is!!!

  2. my name is muj raamaale says:

    aduunka hadaad ka sii jeedsato adaiguu aduun ku ku daba ordi hadaad daba orodose waligaa gaadhimaysid ninkii illaahay aaminaa amaanan ninkii biliaadan aaminaana ambay

  3. my name is muj raamaale says:

    aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa

  4. ahmed nazir says:

    walee ninkii nool maxaa arakti u laaban
    shalay nin xabaashaada qodayey oo haddana khiyaamo darteed is leh laguma arko
    kaa waxaa ka dhigan ina cumar geele,waxba boodhka ha is mar marin dheh
    abaal badh ah ama abaal bur iyo dheeraada ninba kiisa kaan ugu bedli beeraka ka ogsooni

  5. DAWLAD says:

    Waxba yaanu xeerkay imarin xoolana isiine xaashee nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaab.
    Ina cumar geele weligiin ha aaminina hana ka dhegaysanina 100 haduu soo diro.
    waa in sidii ay ahayd wax laga bedelaa oo aan loo jixin jixin xukun kana laga tuuraa oo mucaaradka la taageeraa

  6. saeed says:

    waxa aan ilaahay ugu mahadinayaa in maanta uu nolol igu simey iyadoo mas’uul reer Jabuuti ahi ka leeyahay madaar hargeisa (waxa aanu u nimi (somaliland) in aanu u hambalyeyno doorashadii heerka sare ahayd ee ka qabsoomtey iyo maamul kala wareejinta… subaxaana laah … waanu idin soo dhaweyneynaa reer jabuutow hadaad dib isugu noqoteen ood garwaaqsateen xidhiidhka dhexdeena … reer somaliland waxa aan leeyahay ilaahay u mahad naqa si nimcada iyo sharafta uu idin siiyey idiinku kordhiyo cid aan isaga ahayna tuugsi gacanta hoos dhiganina , waxaana la yidhi biyo gacantaadaa ayaad kaga dheregtaa ee weligiin cid ha isu daba taagina fulinta dantiina idinka oo marwalba feejignaan ka muujinaya sida ugu fiican ee waqti siyaasadeedka looga faaiideysto adiga oon cidna xajiimeyneyn cidna isu bahdileyn.. wa bilaahi tawfiiq

  7. cabdi qani indhabuur says:

    jabuuti waa dad wanaagsan ee ismail omar geelaa xoola ah

  8. meeldheerarag says:

    DOQONI HADDII LOO QOSLO IN LALA HESHIIYEY BAY MOODAA

    AMA RUMAYSO AMA HA RUMAYSAN CILAAQAAD TIJAARI AH OO KA DHEXEEYEY RAYAALE IYO ARAB AND AMERICAN COMPANIES AYAA JIRAY OO AH MINAERALS LASOO SAARI DOONO IYO XOOLAHEENA KA DHOOFA JIBOUTI, ARRINKAY U SOCDAANNA WAA KAASUUN.
    HADDII FICIL QABIIL KU HAYO WAA YEELKADAA LAAKIIN HADDAAD WADDANI TAHAY LABA KUN OO SANADOOD HADDII SIILAANYO LOO QORO MUSHAHAR MASOO BEDEYSAA MAALKII KAGA BAXAY
    DOORASHADA. DOQON UU GARANAYAA DOOFAARNA LOO SHEEGI MAAYO

  9. QARAN says:

    horta marka hore waxaan salamaya shacbiweynaha reersomalilad… meel kasta oo ay joogaan marka labaad waa in ay siyaasiyiinta reersoomaliland ay ogaadaan xirfadna u lahahaadan soo dhawayntu qiima ay leedahay iyada oo aan la is dhex boodayn ,,, waxaa ka muuqatay maanta madaasha lagu soo dhaweynaayey siyaasiyiin badan oo kamid ah dowlada hada xukunka ka dagaysa iyo ka imika qabsanaysa oo aad u hor bodaayey…. waxaa kale oo aad ogaataan in ay jabuuti tahay cadowga somaliland inana waxaa aynu ka dhiganaa sxb ,,,

  10. Wiil Ciise says:

    heeeeeeeeeeeey waar waa sidee isaaqaw, waar dee markii hore nin gadabuursiya ayaa haystay ma ha, hadeer nin reer Sheikh isaxaaq ah baa yimiday, oo walaalkayo ah, Sheikh isaxaaq iyo sheikh ciise walaalo may ahayn ???, waxaan nidhi kan walaalkayo ah ee aan u gurmano, waa taas dee aan idiin soo dirnay wafti balaadhan , odayga ismaiciil dhawaan buu idiin imani, oo idin aqoonsani, nagadaaya dee qaylada,

  11. Boorame old man says:

    reer Djabouti loo ma yeedhine iyakaa yimday, hayska joogeen, loomana baahnayn imaatinkooda, waxaan leeyahay waa in aan la aaminin ina cumar geelle, aan ku dalaalnaa sidii aan uga tuuri lahyn meesha, oo aan u soo galin lahayn Cabdiraxmaan Buure, oo xoolihiisii iyo xoogiisiiba ina cumar barakan yahay, waxaa la yidhi NIN WALAALKII KHAAYIMAY , ILAAH DARAJADAYN WAAYE, walaalkii Cabdiraxmaan Buure ayuu khaayimay ina cumar geelle, markaa sidaan u aaminaa hadaan nahay reer Somaliland, inagu waan is aaminay, oo khiyaamo ma jirto xageena, yaan la soo dhawyasan ina cumar waa khaayin,

  12. M.a. says:

    Aad ayaan u salaamaya bahda wwbsiteka.iyo sacabka somaliland gudo iyo debedba.waa ilaahay mahadii haddii maanta somaliland wufuudaha caalamku ku soo beratamayaan.haddii maanta jabuuti garawsatay khaladkeeda.guul,cidna loo sugi maayo horomarka soomaliland,dadkeena dawlad ah

  13. Rashiid says:

    Salaan ka dib, ina cumar geele waxani u wadaa wax ka badane waftiga intan leeg Waa ciidan ujeeda u ka leeyahay. Wali fartaa cusub ee qorayo ma fahmin.

Leave a Reply