Gudigii Qabanqaabada Jaaliyada Birmingham ee Banaanbaxa London oo Hawshoodii soo gabagabeeyey ogeysiisna u diray Jaaliyad
Waxaa maanta Shir isugu yimi Gudiga Qabanqaabada jaaliyad Birmingham ee loogu diyaar garoobayo Banaan baxa London ka dhici doona maalinta Arbacad 22/02/2012, banaan baxaas oo lagu taageerayo qadiyada Somaliland ayaa waxaa beryahanba loogu jiray Diyaargarow aad u weyn oo lagu muujinayo sida ay reer Somaliland uga go,antahay ka noqoshada midowgii Somaliweyn.
Hadaba Gudigan oo ka tirsan Ururka Aqoonyahanka Somaliland ee west midland ( West midland Somali land intellectuals ) ayaa maanta soo afjaray hawshoodii diyaarinta waxayna sheegeen inay diyaariyeen 4 Bas oo waaweyn iyo 2 yaryar, waxay kaloo gudigu soo bandhigen qalab aad u muhiima oo ay u diyaariyeen banaan baxa kana kooban Calamo iyo Boodhadh ay ku xardhan yihiin ereyo wax weyn u tari doona qadiyada Somaliland, waxay gudigu shegeen inay diyaariyeen Saxaafada Caalamiga ah kuwii ugu miisaanka cuslaa oo ay goobta imanayaan.
Ugu danbayn waxay gudiga oo maanta hawshooda soo afjaray ay sheegeen in haba yaraatee aanay jirin wax maanta ka qabyo ahi wax walibana ay u diyaar yihiin waxay gudigani aad ugu mahad celiyeen dhamaan jaaliyada reer Somaliland oo si niyad sami ah noola shaqeeyey muujiyeyna sida ay ugu diyaar yihiin inay waqtigooda iyo lacagtoodaba u hurayaan dalkooda hooyo.
Gudigan oo ka kooban xubnaha hos ku qoran
1- Abdirahman Ali Ubahle
2- Maxamud Cali Axmed ( Jaadhi)
3- Suldaan C/raxman Axmed Ismacil ( Xirsi Qani )
4- Maxamed Xusen Geele
5- Sultaan siciid Kabadhe
6- Maxamud Cabdi Kijaandhe
7- Farduus Maxamed Bootaan
8- Maxamuud Ismacil Bare
Gudigu waxay jaaliyada ku wargelinayaan in laga bixi doono halkan sidaa iyo guul iyo wada shaqayn wanaagsan.
Waxaa laga baxayaa
Morison Car Park small heat
Time: 8:00 Am
Wednesday 22/02/2012
Wixii faahfahin ah kala xidhiidh lambaradan hoos ku qoran
07588357656
07535924603
Dumarku waxay la xidhiidhi karaan
Farduus: 07950272357






























qayr kiin ka hadha waanu naqaan dad dabada meermeeriya markay runtu timaado (ina ubaxle waa halgame kii banaanbaxa ka hadhow bar madow baa ku fuuli sidii berigii halganka.
Reer somaliland ilaahow dhowr …Ilaahow cadowga ishiisa ka dhowr Amiin …dadka xaasidiinta ah ilaahow ishooda naga dhowr…XAASID MA AFLAXO ..FUCK SOMALILAND HATERS
SOMALILAND ILAAHOW DHOWR ..I LOVE SOMALILAND ILAHAY HA DHOWRO >>MUWADINIINTA RER SOMALILAND ILAHY HA IDIN DHOOWRO >>NO MORE XAASID WAANALA AQOONSANAHAY
SCW. Ilaahoow tolkay caqliga u siyaadi. Somaalilandta aad u ducaynayso ogow Dhulbantena waa ku jiraaye. Ilaahy waxaad u waydiisay inuu dhawro adna ku dhawro markaa waa yaan lakala bixin saw maaha. Oo qolaba ilaahay hub iyo saanad gooni hoe siiyo hana dhowro ayay u egtahay ducadaadu. Si kale u dhig ayaan ku talin lahaa.
illahay umada rer s/land ee uhelan mujinta codka & loso noqoshada qadoyadoda rabow kajedi isha wadata egmada cadawadaysan rabow koruqad codkoda oo gadhsi meqansare insha allahu waxkhar & farxad hakalakulman.
illahay umada reer somaliland dhowr xaasidiintana oo ga hiili aaaaaaammmmiiiiiiiiiiiin ilove my country as ilove my life………..