|

Labadii Weriye Xasan Cumar Iyo Maxamed Boosh Oo Maxkamada Gobolka Hargeysa U Jartay Rumaan 7 Maalmood Ah Loona Wareejiyey Jeelka Dhexe Ee Hargeysa

Hargeysa (OWN)- Wariye Maxamed Cabdi Xasan (Boosh) oo ka tirsan shabakada wararka ee Ramaas iyo Xasan Cumar Xasan oo ka tirsan hawl-wadeenada wargeyska madaxa-banaan ee Ogaal oo labadii maalmood ee u dambeeyay ku xidhnaa xarunta CID-da Hargeysa ayaa loo wareejiyey xabsiga dhexe ee Hargeysa.

Labadan Wariye oo doraad loo xidhay baahinta warar aan xaqiiq ahayn oo laga helay ilo-wareedyo khalad ahaa isla-markaana isla shalay loo soo jaray rumaan todobaad maalmood ah ayaa saaka laga soo bedalay xaruntii CID-da ee ay hore ugu xidhnaayeen, loona badelay dhanka jeelka dhexe ee Hargeysa.

Labadan wariye oo lagu xidhay amar ka soo baxay wasiirka arimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa maalintii saddexaad ku jira gacanta ciidamada amaanka, iyadda oo wasiirka arimaha guduhu ka war-wareegayo xalkii laga gaadhi lahaa xadhiga labadan wariye.

Sidoo kale, Wariye Maxamed Cabdi Xasan (Boosh) oo ka tirsan shabakada wararka ee Ramaasnews.com ayaa ay jidh-dil u geysteen ciidamada damb-baadhista qaarkood, kaasoo hadda dhaawac ka qabba wajiga. Dhanka kale, waxa socda dhaqdhaqaaqyo lagu doonayo in lagu soo furdaaminayo xadhiga Wariyayaashan.

Oodweynenws.com, Hargeysa Office

11 Responses for “Labadii Weriye Xasan Cumar Iyo Maxamed Boosh Oo Maxkamada Gobolka Hargeysa U Jartay Rumaan 7 Maalmood Ah Loona Wareejiyey Jeelka Dhexe Ee Hargeysa”

  1. kkkkkkkkkkk says:

    asc dhamaan shacbiga iyo dawaladba waa in meel looga soo wadajeestaa ciyaal ka yaryar ee maqlay saxafad madax baanaa ee cayda iyo qaraan dumisnimad qoraya sida ku waan hadeer xidhan ee is ka qororay waxaan jirin mida labaad suxufiyiinta somalind waxaan usheegayaan kadaya dageerida aad tageeraysaa qof qoray waxaan jirin oo been ah qaraan kana ku ah waax goayan

  2. Indhergarad says:

    saxafadan yar yaryari waa inay ka fegignadan inay qof qaldan la saftaan oo kala saraan gurubasiga saxiibnimada iyo wadaninimada waa inay tabar badan qataan waa inay mar walba la socdaan maraaxilka la marayo suxufiinta waxa loo bahahanyahay in marka la haayirgaranayo loo eego siyaba badan xirfadiisa caqligiisa cimrigiisa deganaanta wadaninimada iyo wixii la xidhiidha marwalba waxaynu aragna iyadoo laga cabanayo saxafada qaarkood waana arin in badan soo noqnoqotay waxa wanagsan in laga feyjignado arimaha saxada.

  3. Rujiye says:

    Xadhigu waa baadil iyo rubish, ilaa uu qofku denbi galo oo maxkamadi xukunto ama Policeku denbi ku soo oogaan. Weli Duuroow siddi Third worldka ayaad u dhaqmaysaa. Sxb adiga kaamaan filayn inad taas falaysid. Wasiir African oo power is biday ayuun baad malaa u dhuratay inaadeer.

  4. bushra says:

    dawladii siilaanyo waxaykaga dhegtey weriyayaashii shalay iyo maanta markeebay waalanyihiin sowtuu lahaa suxufigu xorweeyaan waykag dhegtey waa halkii dacare dhawuuu dhawuuuuuuuuuuuuu

  5. abdiazeez says:

    Wasiiraddu waa= WARAABO YAAL
    Saxaafadu waa= YEEY

    Labaduba waa labada ugu anshaxa xun xayawaanka, markay isku xanaaqaan is jiid jiita.

  6. waayeel darbane says:

    Waa in ciddii xuduudka dhaafta sharciga la mariyaa, weriye waa muwaaddin waajibbaa saaran, anna waajib baa i saaran haddii aan gefo iyo haddii uu gefo labadayadaba waa in si siman naloo mariyaa sharciga. Law is for all, these guys should not be treated differently, they are claiming to be educated and elite and should be treated a little bit harsher than the normal population. This is time for unity not for tashwiish iyo been abuur.

    Somaliland ALLOW dhawr

  7. ku tiiriye says:

    saxaafadu waa muraayadda iyo damiirka bulshada,iyaga ayaa shicibkooda u gudbiya habka ay xukuumadda talada haysaa u fulinayso xilka loo doortay.waa sharci darro iyo diktaatooriyad in jeel la dhigo.siilaanyo iyo xukuumadiisu waxay ku tumanayaan sharcigii iyo cadaaladii.runta lama qarin karo lamana dabooli karo.shicibka reer somaaliland waa inay taageero buuxda siiyaan labada weriye ee xaq darada loogu taxaabay jeelka

  8. wiilbari2 says:

    Walee waa yaabka yaabkii waxa aan la yaabanahay dadka u hiilinayaha labadan wariya ee beenta iyo subcad xumada ku kacay ee yiri Saylic ayaa ka soo dageen ciidamo OLF ah wakhti aanu ku jirno xaalad xun waar dalka ma xirsi toorile ayaa leh misa waanu wada leenahay inamadan yaryar waxaay doonayaa in aay magac ku sameestaan been aan jirin dalkana wax u dhibaysa, waxaan dadkan daafacaayaha labada jaahil u sheegayaa in xukuumadani bari iska tageeso sidee tii horeba uga huleeshay ee dalka sumcada yaan laga dilin oo la oran wax la aamino malaha reer somaliland.

  9. wiilbari2 says:

    Duuroow adeer ilaahbaan kugu dhaarshee labadaa jaahil ha u soo leecen waliba ka tuur jahanab si kuwa kale ee la midka ahna ugu quus qaataan. well done duur nooloow

  10. Ismahan says:

    Inamadani markay qoreen ONLF ayaa ka soo degtey Saylac, sow ma rabaan in Ithiopia weerar soo qaado? Maxay filayaan markay qoraalkaas soo saareen? Anigu weliba waan kabaashi lahaa oo dhengad xanuun kulul baan 10 ka jari lahaa- waxba garanmaayaan, weriyeyaasha wax garadka ahna sharaftey ka dilayaan. Waa in si fiican loo abaal mariyo!!

Leave a Reply