|

Ciidamada Ethoipia & Kuwa Dowlada KMG Ah oo Maanta Ururka Al-Shabaab Ka Qabsaday Magaalada Baydhabo

BAYDHABO(OWN)- Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa waddanka Itoobiya ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Ciidamada waxay saldhig ka sameysteen kontoroolka Cali Axmaar oo ku yaalla agagaarka xaruntii baarlamaanka ee ADC.

Ciidamada ayaa qabsaday magaalada iyaga oo aan wax iska caabbin ah la kulmin, maadama maleeshiyada al-Shabaab ay ka baxeen magaalada.

Xalay ayay sidoo kale maleeshiyada al-Shabaab isaga baxeen degmada Bardaale, kaddib markii ciidanka dowaldda oo kaashanaya kuwa Itoobiya ay la wareegeen gacan ku haynta deegaannada Yurkud iyo Bohol-bashiir.

Cabdi Xasan Cilmi

Oodweynenews.com / Muqdisho

26 Responses for “Ciidamada Ethoipia & Kuwa Dowlada KMG Ah oo Maanta Ururka Al-Shabaab Ka Qabsaday Magaalada Baydhabo”

  1. mohamoud says:

    Waa ilaahay mahadii hadii ay bilaabmatay jabkii iyo halaagii shayaadiinta shabaab ee dhiiga ummada islaamka banaystay, ifkana cuqubaa ku heli aakhirana cadaabkii ilaahay u yaboohay kuwa dhiiga islaamka daadiya, ilaahay jahanama ka ku fogeeyo, amiin

  2. kalshale says:

    waan ka xumahay itoobiya oo baydhaba qabsatay in lagu qurxiyo magaca ciidamada soomaaliyeed iyada laga war wareegayo in la yidhaahdo intoobiya ayaa baydhaba qabsatay markii ay is wada dooxday ayaa daad u soo galay

  3. Indhergarad says:

    kalshale su,asha mesha ku jitaa waxay tahay cidamada itoobya mala sii joogi doonaan qoladadn ay iminka ka dareeriyen solooma bahna cidii hadhaw caabiyi lahayd?

  4. halyey qaran says:

    asc sxb anagu somaliland ahaan waanu ta
    ageersanahay haddii dhulkii aa hore alqaacida uga iibiseen laydiin soo dhiciyo laakiin anana waxa wanaagsan inaa sidaa oo kale wanaagayaga nagu taageertaan

  5. kalshale says:

    indhergarad

    nimanka afka duuban ee meesha laga dareeriyey.awood danbe kuma hadhin oo aan ka ahayn in ay mudo umada soomaaliyeed qarax iyo lugooyo ku sii wadaan hase ahaate. itoobiya cid awood u haysa oo meesha ay maanta qabsato ka kicinaysaa ma jirto.in soomaaliyi wax noqotana itoobiyaan ma rabaan ee waxay rabaan weligood in ay qaskaa ku wadaan. oo soomaaliya ay ka dhigaan gobolo yar yar oo qabaaiil ah oo markay rabtana isku diraan, marka haddii aanay siyaasiyiinta soomaalida iyo shacabku xal deg deg ah la iman. soomaalidu waxay weligeed ahaanaysaa digsi karaya oo waxa ku jiraa aanay bislaalayn oo la walaaqayo

  6. kuluc says:

    war fiican alqacida waa cadawga umada oo dhan waana guul in laga kiciyey baydhaba, waxase laga rabaa dadka koonfurtu inay hubka qaataan oo iska saaraan alshabaab taageeraana ciidamada somalida, waa in aany dhicin in marka alqacida laydinka dulkicyo aad hadana idinka dhexdiinu dib isugu laysaan maamulka magaalada, magaalo kasta waxa leh cida u dhalatay mana haboona in la isku qabsado maamulkeeda dadka koonfurtu ha iska ilaaliyaan kuwo sheegta maamul goboleedyo dadka kala qaybinaya oo ay horkacayaan niman mashaqaystaaal ah oo qabyaalada ku qudhaabta,

    waa in magaala kasta oo alshabaab laka kiciyaa ay si toosa u hoos tagto dawlada ku meelgeedhka isla markaana dawladu magacawdaa cidi maamulaysa magaalada, ha la iska jiro maamul goboleedyada magaca bugta ah wata ee doonaya inay dalka iyo dadkaba dagaal sokeeye oo aan hore loo arag geliyaan, dawlada ku meelgaadhka ah waa in aany dhiiri gelin maamul goboleedyada waayo maamul goboleedyadu waxay abuurayaan xuduud qabiil oo hadhaw muran ka imanyo, dabcan maamul goboleedku ha ahaao mid sal balaadhan oo ugu yaraan xukuma 3 million people ama dhowr gobol isla markaasna heshiis lagu yahay.

  7. jaahlibaax says:

    kalshale
    aadbaan kuugu raacsanahay sida wacan ee aad u dhigtay, itoobiya waa cadow guuna haddii ay ina qabsadaana way adagtahay sidaynu isaga kicinaa, xalkuna waa in ummada somaliyed joojiso khilaafka dhexdooda ah ee aan ku dhisnayn wax macno samaynaya cadowgoodana gartaan.

  8. Mohamed says:

    Shaydaana ha noqdee wixii mujrimiintaa SHABAAB-ALSHAYAADIIN jabinaya burburinaya gawracaya gubaya waa sax umadii ay fadhiga u diideen iminka ayey iska degi ooy ka raysan Carabtan naagaha ah ee wadamadoodii ka soo baxsaday ee wada wanted ka ah meel ay galaan hawaayaan ta kale waxay shacabku ka raysanayaa madhabtan sunta ah ee la yidhaa ALWAHAABIYA ee isqarxis iyo burburka ka shaqaysa taas oo dhalinyaro badan halaag ku riday diintoodii fiicnaydna khalkhal ka gelisay.

  9. XKeyse says:

    waaar tii hadhwanaagnews ma waxay isu badashay Xamarweyn?? wararkeeda oo dhan maanta waa wada arimahaas Xamar, xataa siday u dhigayaan ma odhanayaan “dawladii shariif iyo tfg” waxay u dhigeen “dawladii baa qabsatay XUDUN” markaas baan mooday dawlada teeni , Xudun na teenii.

    hadhwanaag waa meel yaab badan, waana Pro-TFG oo walaweyn jacayl ma dayso hadana waa shabakad Arab oo ina Godane jacayl ma dayso, siday Faruuro Case u amaanayaan ayuun baa waxa hadlaya Ina Godane markaasay soo qoraan “sheekh hebel hebel Godane oo maanta salaadii jimacaa talooyin u soo jeediyay umada somaliyeed iyo shicibka somaliland” lool

  10. sharaf says:

    xkeyse
    han yar ee hawdhanag qoraa waa mid yar oo reer xamar ah waliba qucdadaysan lama gelaba meeshiisa wax ay kordhinayaa ayaaba iska yar oo aan ahayn xin iyo xaasid waan ka yaabayba

  11. XKeyse says:

    waxan ka yaabay arimahay is dhex wadaan, Xamar jacayl , Hargaysa jacayl, Al-shabaab jacayl mise Faruuro Case jacayl, waaba waali waxoodu.

  12. alfadeexa says:

    cajiib ma shariifkii shalayto lahaa ethopia waa gaalo haka baxaan dhulka naga gus dheer ayay na gelsjheene oo gabdhahaygii ey wada uureeyeen ayaa maantana soo horkacay o o ka rali noqday siyaasadii cabdi laahi yuusuf uu u soo dhiibtay wiilka yar ee majeedheen cabdi wali waa iska aduun abgaal caqli kuma hayso meeshatan kkkkkkkkkkkkkkk

  13. lIIBAN says:

    KALSHALE

    WAA MAANGAAB QOFKA SOMALIGA AH EE MAANGA KU FARXA INAY BAYDHABA CADOWGA KOODAAD EE DADKA DALKA SOMALIYED LEEYAHAY QABSADO!! OGOOW NINKU DILEY HADHKUUMAA JIIDEE.

    ARINTAN OO KALE WAXAY DHACDAY 1917 KII WAA MARKII DALGAALKII JIDBAALE DARAAWIISHII SOMALIYED LAGU JIBIYEY. WAXAA KA GABYEY LABA NINOO ISAAQ AH OO KA SOO BEESHA HABAR YOONIS. WAXAANA XUSID MUDAN BEESHAASI DARAAWIISHTA AY SI BA ‘AN UGA SOO HOR JEEDEEN. WAANA KUWAN LABADII NIN EE HABAR YOONIS OO ISU JAWAABAAYAA.

    1 DAAROOD ISMAACIIL NINKII DOONAYOOW DHIMAYE!!
    DIDIBTII JIDBAALAA LAFUHU DEBEDA YAALIINE!!
    WADAAD DAALINOO SOO BAXAA LOOGU DOWGALAYE!!

    2 DAAROODKA JABAY WAA ISAAQ DADAB KU XEERAYDE!!
    HADII AQALKA DAAHIISU GO,O DAAKHILKAA XIGIYE!!
    NIN LADILEY MAXAAN KAGA DIGTAA SOOW MADABA JOOGO!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

    NINKA DAMBE WAXA GABAYGIISU MUUQINAYAA DAREENKA DHABTA AH SOMALINIMADIISA, DADKNIMADIISA, IYO SIDUU UFAHANSANAA 1917 WAX MAANTA DADKA SOMALIYED EE JOOGAA AANAY FAHMI KARIN!! TAASOO AH QOFKA SOMALIGA AHI WAA QOFKA ADUUNKA KUUGU DHOW. MARKA LADILONA YOU WILL BE NEXT. MARKAAS INKASOO AANAN NINKAAS AFKA DUUBAN RAACSANAYN HADANA IYAGAA IIGA SO KEEYA CADOWGA KOOWAAD XABASHIDA WELIGAYNA NIN SOMALIYIHI IILA SINAAMAYO QOF SOMALI AHAYN.

  14. cali says:

    marka islaamka laleynayo waa mujaahidiin marka amxaaar la arko waa layaaci cajiib

  15. alfadeexa says:

    walee in aan aduunka lagu arkayn qomiyada abgaal cid ka caqli xun oo ka dulisan oo ka diciifsan oo ka jaahilsan oo ka nacasnimo badan oo ka daabaalsan oo ka dulaysan oo ka aragti xun oo ka madow

  16. Golis-Cowboy says:

    waxaan aqaan oday yar oo majeerteena waxuu aad u taageeri jirey Alshabaab oo markaas Godane waxuu layn jirey hawiye oo kaliya laakiin imika ayuu daaroodka gaagaabiyaa—odaygan yari hada wuu ka xanaaqa Alshabaab-berriigii horena waxuu igu wareerin jirey maxay isaaqu u taageeri waayeen godane waa halyey’goode…Waar alshabaab nafmalaha wejiga ayay duubtaan oo cid ma taqaan wejiyadooda mana rabaan inay dhintaan-jihaad waxuu ka mid yahay tawxiidka haddaad carartona adiga ayaa gelayo cadaabta—intay mask’tada iska furaaan ayay sacabka u tumaan ciidamad ajahanebiga

  17. zaylac-king says:

    The end of the first episode,whats next?
    Kismayo,pirates and somaliland loool

  18. Rujiye says:

    Ethiopia iyo Somaliland waa allies ama xulafo ee Somali yaryartaas docadocaynaysa marka budhka la isula soo degana siigadeeda ka dheeraynaysaa hayska celiyeen, hadii kale deris xumada jaarka ha ka joojiyeen

  19. Rujiye says:

    Golis cow-boy

    Aniga mid aanu isku xaafad deganahay oo Majeerteen ahi Cabdillaahi Yusuf ayuu ku saliyi jiray haduu doonana ku tasbiixsan jiray, maxaakiimtuna Yuhuuda uugamay sokeyn. Maalintii Cabdillaahi ka shubay ee Shariif yimi ayuu yidhi haduu jihaad yahay!!! ILaa imikana waa taageeraha Alshabaab ee koowaad!!! Aniguse waxaan ku sigtay inaanan salaada ku xidhan.

  20. Golis-Cowboy says:

    Rujiye

    kkkkkkkkkkkkkkkk
    walaahi waad iga qoslisay waar niyaw nimanku caadi maaha-hoosta ayay kaa habaarayaan haku xidhan salaada kolay kuuma niyad sama-waar imika buug ayaabay ka sameeyeen beerdoofaar waa kii ugu liitay. kooda waxba yahayda ah ayay kaaga dhigayaan balaayo cirka laga soo hindhisay

  21. nuuraani says:

    Liibaan,

    Gabaygaa ninka dambe run badan ayaa ku duugan. Ma haysaa ciddii tirisay?

  22. xasan says:

    baydhabo iyo hargaisa yaa khatar ku ah amaanka itoobiya ,jawaabtu waa hargeisa waayo maamulka hargaisa waxay maalinwalba soogeliyaan wadanka ubo nabad diid ah ,itoobiya waa iney gashaa berbera burco hargisa iyo dhamaan goobaha alshabaab

  23. kalshale says:

    liibaan

    waan kugu raacsanahay marka meelaha qaar laga eego maslaxadeena in qolada afka duubatay ina xigaan inkasta oo ay dhib badan inagu hayaan intaas hadaan ka gudbo
    labada gabay ee aad soo qortay mid waxaan u maqlay inuu salaan carabay tiriyey sida aan u maqlayna waxay ahayd
    Salaan Carrabey ayay qolooyin u yimaaddeen sannadkii la jebiyey ciidamadii Daraawiishta ee Seyid Maxamed Cabdulle Xasan. hogaaminayey Iyaga oo jabkaas u riyaaqsan ayay Salaan ku yidhaahdeen “gabay digasho ah ka tiri jabkaas”! Way ogaayeen Salaan iyo Ina cabdulle Xasan in ay ahaayeen laba nin oo aan isku wanaagsanayn Gumaysigii Ingiriiska oo Seyidka jebiyeyna Salaan Carrabay jacayl gaar ah umuu hayn , waxaanu ogaa marka ay Soomaali dilaan in aanay hadhowto teello u dhigan doonin Soomaalida kale ee Ingiriiska u rixinaysa waa kuwa jabka daraawiish ku faraxsanaa markaas ayuu gabayga tiriyey hadaba salaan waxaan u aqanay nin habar hj ah halka aad hy ku sheegtay gabayga kale ma garanayo inkasta oo aadan sheegin ninka tiriyey ee habar y

  24. abdiazeez says:

    Reer koonfureed waakuwaas ilaahay sidaas u gartay markay xumaanta joojin waayeen ay aduunka ku hayaa.

    Sanadkii hore ayaan tegey dubai anigoo kusii socda dalkii hooyo, ayaan tegey dubai gold market area, waxaan lakulmay laba naagood oo reer xamara, dabeedna way i waraysteen cabaar baan sheekaysanay dariiqa agtiisa meesha “car park weyn ” agtiisa. Waxay i waydiisey meeshaan ka imid iyo halkaan ku socdo labadiiba waan u sheegay, tiikale ayaa i waydiisey meeshaan kusoo degey markaas baan u sheegay. Waxay igu tidhi anaga waxaan leenahay guri aanu kireyno oo waxkasta laga laga baahi tiraayo hadaad nin tahay, markaas maan fahmin u jeedada. Waxaan weydiiyey ma guri kiro ah baad degan tiin, maya ayey iigu jawaabtay ee anagaa guriga iska leh, balse raga kasoo dega xagaas iyo europe ayaanu soo dhoweynaa oo qolal ka kireynaa anagoo siinayna cuntadii iyo wixii aay u baahan yiin ba, markaas baan naxay oo idhi maxay kalee u baahan yiin anigoo yaaban, kkkkkk mid baa iigu jawaabtay”ABOO ADIGA WAXBA MAFAHANTID NOO” Markaas baan ku idhi dee horta beri baad duulayaa oo alaabtiiba hudhel bay iga taal lkn markaan soo noqdo ayaan idinku soo degi, hadana waan degdegsanahay ee waa nabadeey. Markaa waxan u arkay iney yihiin naago xun xun oo guri kireysta. Ilaahaybaan ka magan galnay waxaas weligayna uma tegi lahayn walee. Imika waxaan ka wadaa reer xamar iimaan ay isku qabtaan malaha hadii itoobiya joogta beryo wadanka dhami wuxuu noqonayaa naago jidhkooda iibiya ayaa sida addis ababa ku badan doona mida kale meesha shaqo mataal naag waliba reer kooday ka biilin doontaa, reer xamarna way ka suurtowdaa markaa waxan filayaa bilee alshabaab u dhaantaa itoobiyaan, anigu sidaas baan qabaa walee.

  25. Schwarz man says:

    Shabab oo ka baxda siyadad somalia waxaa xiigi oo soo noland qabyakdi oo ka sii dartey 21 sano ee la soo dhafey. hawiye 70% wax ay rebeen in laga saro khadka ama siyadad somaliya wadad oo ah somali oo dhan. Somaliland nimanka ka dagalma south somalia waxaa ay uu aheyed Ruwayda aay kaga mar marsodan Ruunta oo meyshegi jirin ruunta ee markasa oo somaliland la soo gudboonata siyaadad xuumo ama laga badiyo siyadad ku dheehan Munafaqada ileen siyadadu waa munafaada cad oo Hore ay quranka inloogu sheegey wax aan aheyen diinten wanagsan waa bidco. Ball aan egno Gobolkan yar ee bari ku yaala ee ku naxey Budhacad badeednimada oo aad modo in ay manta oo xiidhmeyso oo Londono lagu soo gababeynayo qorshaheeda maxaa ugu jirar Alshabab oo ka baxda khadka dabcan waxaa ku xiiga oo ay ku andooceyan waa markeyagi oo waa in aanu ka talina SOMALIWEYEN camal in aanu madaxweyne noqna madama sheikh sheidan uu dhamatey xiligisi. Dowlada kumel gadhka maxaa ugu jira in ay ka baxda wadada . waxaa ugu jira waa waxba oo wayi qoladani mesha wahy baneyenyan marka la gadho bisha 8 aad ee 2012. Hadaba maxaa ku xiigi. Way cadahay wax ku xiigi waa Qabyaaldi oo soo Noqota oo weliba xawli ku socota iyada oo loo bixiyey Dowlad goboled. Somali wax ay ku midoobi oo ay xeelad siyaasaded la dhiigan taa somaliland wayo mesha waxaa ka baxadey wadadi oo la caydhasadey. somaliland wax ku soo socoda waa mid ay biilow u tahey qoladan ssc ama khatumo seeg iyada oo ay dabad ka rixeyanaa qolyahan majeerten iyo dowlada ku meel gadhka ah. Somaliland wax ay aheyed in ay waa hore mesha qasto intaan iyada la qasin oo aan loo imina wayo mesha south waxaa jooga 17.000 kun oo Doofarka madow ee aan aminsaneyen diinten barakeysan oo weli ugadhsaneya walahena Islamka ah ee degan konfuurta somalia. Marka ay dhamato ta kelya ee ku xigtaa waa SOMALILAND wayo waxaa la raba dowlad somalia ka dhalata cidii diidana bada ayaa lagu darey. Somaliland janiskedi wuu dhamadey. 20 sano ka hor bey aheeyed in ay siyaad cad uu degan dadkan cadowg ah ee hore wadanken uu xaqeey imnka taa kelya ee somaliland uu banan waa in ay hesha ciidan dhan 1.000.000.000 oo ay uu dhan yihiin qalabkodi oo dhan incase the war is comming. Somaliland guul faqshana geeri Siilanayi mothe fck waa ka qaybinaya wadanka ee la diiilo calancast Diin ma lah ee waa munafaq.

  26. Indah says:

    - Amanda I LOVE your photos! You are inbredicly talented, and I had so much fun getting to know you last weekend! I wish I had remembered to record a bit of your voice to take home with me even thinking about the way you talk makes me smile

Leave a Reply