Xisbiga Muxaafidka Ah Ee KULMIYE Oo Maalintii 2aad Shir Ay Albaabadu U Xidhanyiin Oo Saxaafadda Dibadda Ka Jooto Qabsaday
Hargeysa (OWN)- Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa maanta yeeshay kulankoodii labaad, kaas oo ka dhacay xarunta dhexe ee xixbigu ku leeyey magaalada Hargeysa, isla markaana saxaafadda ayaa laga hor istaagey in ay ka qayb gasho oo ay tebiso.
Masuuliyiinta xisbiga kadib markii shirkaasi dhammaaday saxaafaddu waxa ka weydiisay arrinta ay kawada hadleen ayaan wax faah-faahin ah kasiinin iyaga oo ku sababeeyey in maallinta barri shir ballaadhan ay qaban doonaan inta shirkaas ka horeysa waxba aanay kasii sheegayn .
Xisbiga Kulmiye ayaa beryahan waxaa ka dhex muuqday khilaaf xooggan kadib markii uu guddoomiye ku-xegeenak xisbigu Mudane C/raxmaan C/qaadir ku eedeyey xukuumadda inay samaysay musuq-maasaq iyo inaanay waxii laga filaayey bulshada u qabanin .
Shirarkan is bada socaday ayaa inta la ogayahay laga wada Hadley waan-waan xisbiga dhexdiisa ah
Kadib markii dhawaan ay hadalo ku-kulul is weydaarsadeen guddoomiye ku-xegeenka xibiga C/raxmaan C/qaadir iyo guddoomiyaha Golaha dhexe ee xibga Jaamac Shabeel .
C/raxmaan C/qaadir oo ahaa dadka sida adag u difaaci jirey xisbiga Kulmiye waqtigii uu mucaardka ahaa, ayey dad badani is weydiinyaan maxaa bedelay taageeradii iyo dadaalkii badnaa ee uu u hurijirey xibiga kadib markii uu Kulmiye ku Guuleysatay talada dalka .
Waxaana si adag uga jawaabay hadlkaa C/raxmaan C/diqaadir Jaamac Shabeel oo ah guddoomiyaha Golaha dhexe isaga oo ugu hanjabay guddoomiye ku-xegeena in xibiga laga caydhin doono una sheegay in uu siihayn doono jagada guddoomiye ku-xegeenimada inta ka hadhay shirweynaha xisbiga oo keliya.
Khilaafkan kas oo dhexbaxay xibga Kulmiye yaa ah mid hore u soo maray labada xisbi qarn ee Ucid iyo Udub kaas oo mid walba ka dhigay laba dhinac awoodi xisbigan hoos u riday.
Cumar Cali Xasab [Cumar Serbiya]
Oodweynenews.com, Hargeysa Office
ciidaa ka dherga maxaa u maxaysaan aragtidayda
Kulmiye dariiqadii uu haytey ayuu kaleexday. Anigu markii hore kulmiyaan ahaa ee ololaha qofka kasoo horjeedana waxaan u aqaaney damiir laawe. Intii aan ku jeclaaday ee isoo jiidatay waxay ahayd markii uu kulmiye ku balan qaaday in cadaaladda loo wada sinaanayo, wadanka biyo loo samaynayo, saxaafadda cabudhiska laga qaadayo, wadanka nabadiisa lasugayo iyadoo gobolada bari gacanta lagu dhigayo iyo qodobo kaloo badan, intii midna kama suurtoobin. Markaa waxa fiican in ninkii xisbiga kamid ahaa ee beentaa madaxdiisa ku raacay inuu kasoo noqdo hadii lafulin waayey.
KU SOCOTA JAMAAL SHABEEL, ANIGU WAXA AAN KU LEE YAHAY, ABDIRAHMAN ABDI QAADIR INTA NAF IYO MAALBA KA GABAXDAY KULMIYE CID AY KAGA BAXDAY MAJIRTO, SIILAANYANA KU DHEHOO, WAA NINKA JEEB KIISA KA BIXIN JIRAY LACAG GAADHAYSA 150000 POUND BOQOL IYO KONTON KUN OO POUND.
ADIGANA KAAGA MAY BIXIN SHILLIN, MAANTA IN LOO GU HAJABO WAA LAGAA ERYAYAA OO CAR JUUQDHEH, XUUSUGAYAY MAAHA. MALAA ADIGA BARYAHAN AYUUNBAA LAGUU YEEDHEE, SILAANYO IYO REER ABDIQAADIR WAXAY AHAAYEE FAMILY FRIENDS.
ABDIRAHMAN ABDIQAADIR MAAHA NIN LA GARAYDH AH ADIGOO KALE, WAA NIN AQOON TIISU DHISAN TAHAY MARKAA WAX WAX AAN LA CUNIN AYAA JIRTEE ISKA HUBSO MAGA ABDIRAHMAAN.
150000 ee uu bixiyay sadaqana maaha abaalna looma hayo isaguun baa is duqeeyay
Xusbikasta waxaa u leeyahey ulajeedoon , in uu khibrad ku yeesho Kulmiye waa jirey, mana aha in cid iskasta oo iska dhex arkii weyda
wasiirada iyo ku xeegaanada , ay isku dayaan in ay burburiso uljeedoonkii. Waxaa ay nu argenaa xusbiyo jirey boqol sano jira , ku dhisan siyaasad , laakin aan ku dhisney qof. Ninka isu arka haddii hogaaminta galo xusbi in aan ciddii la xeesaabtami karin..
Waa in uu is weydiiya waxaa uu dhisanyahey xusbigu? Ma Isga mise Dadka? Waxaa uu ka dhigan yahey Engineerka daar dhisey
marka ay dhamaatey yidhi aniga ayaa naqshada laha oo waan dumineya>
Waxaase waxaa keenaaya oo ka mid tahey qabyaalad , iyo nin jecleysi waa in laga fugeeya Qaranka Somaliland. ay un bislaana siyaasada iyo sharci ku dhaqanka
Ninkan Ina cabdiqadir waa in si dhakhso ah loo eryaa maadaamo uu aflagadeeyey xisbigii uu ku jirey waana ku nacasnimo, waxad kaloo ogataa ninka ragga ah abaal kiisa waa loo qiraa isagoo kulmiye ku isticmaalay lacag aad u badan hadii uu nin yahay meel ayuu ku gaadhi lahaa. Somalidu waxay tidhaa ushaada nin aad ka qaadan karto ayaa loo dhiibtaa waxaan la yaabanaa nacasnimadii Ina biixii ee meesha madhan loo dhiibey ee ileen kanbaaba ka darnaa…..
XISBIGA KULMIYE WUXUU QAADAYAA WADADII LABADII XISBI EE KA HOREEYEY EE UCID IYO UDUB, KHILAAF BA’AN OO KA DARAN KII LABADAAS AYAA DHEX MARI KARA WAAYO WAA MUXAAFID OO ROLE BADAN DAWLADU KU YEELAN MAYSO.
Kulmiye waa xisbi xaaraan ku dhisan
bal u fiirsadda waa boorso ay qol madow isku waydaarsadeen
siilaanyo iyo biixi