Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda Oo Sheegay Inay Bilaabayaan Kala Reebista Ururrada Siyaasadda Ee Is-diiwaangeliyey
Laas-caanood (OWN)- Afhayeenka Guddiga diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka Somaliland Xasan Axmed Ducaale (Macallin), ayaa daboolka ka qaaday inay dhawaan bilaabayaan kala haadinta 15 Urur-siyaasadeed oo ka soo gubay wejigii koowaad ee shuruudaha looga baahnaa.
Xasan Macallin oo hoggaaminaya afar xubnood oo ka tirsan Guddiga diiwaangelinta, isla makraana shalay kormeer qiimayn ah ku maray Xafiisyo ay siddeed urur-siyaasadeed kafurteen magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobolka Sool. waxay soo kormeereen xafiisyada ururada siyaasada ee sida rasmiga ah hawlahooda shaqo u socdeen kuwaas oo kala ah Xafiiska Urur Siyaasadeedka Wadani, Nasiye, Jamhuuriga,Xaqsoor,Udhis, Rays, iyo Damal.
Afhayeenka Guddida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Xisbiyada oo hadal kooban warbaahinta u jeediyay ayaa u mahad celiyay siddeedda Urur-Siyaasadeed ee xafiisyada ka furtay gobolka Sool. Xasan Macalin waxa uu sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan inay kala hufaan ururradda siyaasadda ee cusub si loogu diyaar-garoobo doorashada Goleyaasha deegaanka.
Guddiga ayaa toddobaadkan soo gebo-gabaynaya kormeer qiimayn ah oo ay 12-kii bishan ka bilaabeen gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland, kaasoo ay ugu kuur-galayaan, isla markaana ku qiimaynayaan sida ay Ururradu isugu diyaariyeen inay u gudbaan marxaladda labaad, iyaga oo gobollada kale oo dhan maray, Sool-na shalay ka bilaabay kormeerkooda.
Cumar Cali Xasab [Cumar Serbiya]
Oodweynenews.com, Hargeysa Office
allaylehe raga iyo dumarkaba kala saara intaanay lacag badani ka bixin oo aanay hadhow qaylo badan inagu wareerin. imikay dhawdhawyihiine, hadhawbay nagu dawakhin xaq maaha iyo hebel baa ka dambeeyee.
Waa Sideedii soo bixikarayay . kuwa kale waa kuwo Xaasid loo furtay. Allaylehe kala reeba
kala hufa oo 5ta kulmiye udan ah uun ka soo reeba.
ummada,sscd,iyo kii naagtu kamay furin xafiisyo waayo?
waa in lakale shaandheeyaa markaa waxaanoo dhan inay masuurta galayso ee yaan la isku dawikhin ee inta caadiga ah ayaa laga soo baxayaa ee udana kulmiye iyo qaran ayay ila tahay
wadani number 1 all the way
waxa hubaal ah
in umadda oo ah urur loo furay xaasdinimo ay la tagayso seetu
waayo xataa muugaadhin sool
Hey! It is like you read my mind! You seem to know so much about this, like you wrote the book in it or something. I think that you can do with some pics to drive the otecnnt home a bit, besides that, this is informative blog. A outstanding read. I will definitely return again.