FALANQAYNTA WEBKA: Dharaarihii UFFO Iyo Dr. Aadan Yuusuf Abokor (Qaybtii 2aad)
Hargeysa (OWN)- Hawshii halkaa kumay joogsan ee kooxo kale oo dhalinyaro ah, ayaa iyaguna si tabaruc ah dugsiyada wax dhigis uga bilaabay. Kooxihii NSS-ta iyo nabad-sugidda ee ku sugnaa Hargeysa ayaa illaa af-weyne gaadhsiiyey hawlaha ka socda waqooyiga iyo abaabulka wax-qabasho ee lagu hawlan yahay, taasoo ka hor imanaysay qaabkii loogu talo-galay in dadka reer Somaliland ee xiligaa joogay inay nolol xun ku noolaadaan.
Haddii aynu intaa ka soo gudubno, waxaynu hadda si toos ah u dhex muquuranaynaa qaybtii ugu muhiimsanayd ee nuxurka qoraalkeenna. Waxuu Dr. Aadan oo si faahfaasan uga xog-warramayaa su’aal la xidhiidhay qaabkii loo xidh-xidhay kooxdii UFFO iyo sidii loo asaasay-ba, waxuuna ku jawaabay oo uu yidhi; “Waxa dhacday markii aanu halkaa wax marinaynay in aanaan joojin ee aanu halkaa shirarkayaga ka sii wadannay. Shirarkaasna kolkii danbe waxa aanu kaga hadli jirnay waxyaabaha cadaadiska ah ee lagu hayo waqooyiga haddii ay tahay xagga siyaasadda iyo dhaqaalahaba. Illayn berigaa Rajiimka dad badan ayaa u shaqayn jiray oo isugu jiray nabad-sugidda amma kooxii loo yaqaannay dhabar-jebinta iyo hay’ado badan oo sir-doon ah, wararkii illaa Xamar iyo taliskii Af-weyne ayay gaadheen.
Niman Wufuud ah oo Af-weyne uu Xamar ka soo diri-jiray kuna soo odhan jiray ‘soo dejiya reer waqooyigii wuu kacsan yahaye.’ Nimankaasi way yimaadaan oo way nala hadlaan, annaguna wixii waddanka ka jira ee dadku ka cabanayeen ayaanu ku dhiirannaa oo aanu u sheegnaa. arrimuhu waxa ay berigaa ku wanaagsanaayeen marka ay weftigu yimaadaan waxa ay odayaashu ku odhan jireen ‘Annaga dhalinyarada-yada ayaa noo hadlaysa oo sheegaysa wixii dhibaatooyin ah ee jira.’ Iyaguna may hadli jirin, annaguna waanu ku dhiiran jirnay oo qolaadaa ka socota Rajiinka Xamar wax walba waanu u sheegi jirnay.
Xilligaa oo ahayd 1981-kii waxa jirtay waraaq yar oo Joornaal ah oo magaceeda UFFO la odhan jiray, taas oo qarsoodi ahayd laguna qori jiray wixii duruufo ah ee dadka haysta, wacyiga dadkana kor loogu qaadi jiray, ayaa u gacan-galay qoladii sir-doonka. Manuu ahayn joornaal caadi ah ee waxa lagu daabici jiray Teeb, waxaana ku qornaan jiray ‘Ninkii helawba joornaalkaas sii badi oo dad kale gaadhsii.’ Sidaas ayuu dadku isku gaadhsiin jiray.
Warqadii markii la helay waxay gaadhay dowladdii Af-weyne, waxaana dawladdii bilawday in dhalinyaradii la xidhxidho. Markii ugu horreysayna waxa la xidhay laba nin oo naga mid ahaa– waa Maxamed Baaruud iyo Axmed Jabane oo imika Canada jooga, waxaana lagu xidhay nabad-sugidda oo ahayd meeshan ay imika yihiin wadaaradda arrimaha dibadda iyo Laanta socdaalku. Markaa annagana waa na loo sheegay in nala xidhayo oo qolada NSS-ta waxa ku jiray niman reer waqooyi ah, kuwaas oo noo warrami jiray naguna odhan jiray ‘idinkana waa la idiin soo socdaa oo waa la idin xidhayaa.’
Anigu waan ogaa in la xidhayo oo xafiiska [xarunta cusbitaalka Hargeysa] ayaa la igu yimi oo la igu yidhi ‘Adiga caawa ayaa laguu imayaa oo lagu xidhayaa.’ Haddana annaga oo og in nala xidhi doono ayaan midkaayana waddanka ka baxsan oo aanu joognay, oo aanu nidhi ha la ina xidho oo bal aynu eegno waxay sameeyaan. Is-la habeenkii aniga oo guriga jooga ayaa duub-castii amma millaterigii oo gurigaysa ku wareegsan la iga toosiyey, waxaana ay i toosiyeen kowdii habeennimo. Waxaana la socday koox NSS ah laga soo diray Xamar, oo kuwii Hargeysa way aamini waayeen. Markaa xaas maan la hayn ee solone [keli] ayaan ahaa. ‘Soo bax’ ayay igu yidhaahdeen waad soo noqon doontaaye, markaa wax dhar ah maan qaadan. Kolkii aan debedda u soo baxay ayaan arkay gurigii oo ay ku wareegsan yihiin qoladii duub-casta ahayd. Waan soo raacay oo meesha Laanta socdaalka oo berigaa cusbaa oo aanu weli la wareejin Laanta socdaalku, ayaa la igeeyey oo ay xarun ka dhigteen todoba NSS-ta ah oo laga soo diray Xamar madax-na uu u ahaa nin la odhan jiray Cali Xuseen, oo ahaa ninkii qolada jabhadda SSDF-ta ee Majeerteen ku takhasusay ee gamta [laayey] u joogsaday. Waxaana uu ahaa nin aan naxariisba lahayn oo dhiigyo-cab ah, qolada uu watayna waxay isugu jireen Daarood, Hawiye iyo qolyooyin kale laakiin Isaaq kumuu jirin. Nin sheekhaal ah oo u garaaci-jiray Teebka ayaa ku jiray oo isagan ay CID-da ka soo kaxaysteen.
Sidii habeen kasta dhawr qof loo soo qabanayay ayay tiradayadii gaadhay dhawr iyo labaan qof, oo gurigaa iyo mid kale ayaanu ku jirnay oo qof walba qol goonni ah ayay ku xidheen, iyagoo katiinad nagu xidhi jiray habeenka ay na waraysanayaan. Waxaana waraysigii socday afar bilood, dhammaan shirarkii samafalka ahaa ee aanu isugu iman jirnay waxa ay ka dhigeen shirar siyaasi ah oo lagu inqilaabayo dowladda Soomaaliya. Maalintii afartii bilood dhammaatay ee ay kiiskoodii diyaarsadeen, ayaanu ogaannay qodobada ay doonayaan in na lagu qaado, kuwaas oo wada ahaa qodobo dil ah. Markiiba waraaqo ayaanu qornay oo inta aanu dad u dhiibnay ayaa suuqa la geliyey, annaga oo ku qornay in maxkamadda nala gaynayo oo qodobo dil ah na lagu qaadayo.
La soco qaybta danbe



Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/Heersare].
Oodweyennews.com/Hargeysa Office.
Horta waxaa la dhahaa Faysal Cali ayaa ka danbeeyay xasuuqii dhalinyaradii maalintaa mudaaharadaysay maxaa kajira??…
Inkastoo faysal mujaahid aan ku taageero uu cadowga si kulul ugu jawaabo…
Waa runtii maalinti yidhi wiilka muqdisho kudhashay waxaa nooga dhow kan adisababa waayo somali maanta waa cadowgeena kobaad!!!
waana faysal yalaxowgna intaasina kaftan lolz
siduu uga danbeeyay xasuuq?? faysal ma dawlad ayuu xukumiyay mise ciidan qaran loool cajiib
Ka warama haddii dadkii noocaas ahaa ee weliba la saamaxay weli ina daba socdaan. Waa arin la yaab leh!
Ismahan ma waxaad tahay tii uu ashotaly u hanjabayay WARNING: lol ee magaca inanta ismahan copt garaysan–iska jir uu ku arkaa ashotaly—
shalay waxaan ku qoslay maqaal uu soo dhigay oodweyne–Car Juuq Dheh, hadduu tago wadankii waxa xidhaya Duur
xkeyse saaxiib faysal cali ,buuga uu qoray,inaabtigay maxamed baaruud waa {geedka weerane}ma aragtay?
dee wuu soo basaasay iyo wuu soo sheegay dhaha, laakiin xasuuq buu sameeyy caqli gal maaha, waa bux kuwaasi Sicidi Suluba saw ma ahayn kuwii soo jaajuusay dilkii Suldan Bulbul, waar kuwaas hada waaba madaxada Garxajis, all jaajuus waxa loo caleemo saaray siyaasiyiinta garxajis ilaa Cawl, sulub, faysal iyo warancade oo nss ahaa.
@Golis iyo Gol dhaxameed : dee nin yahow muraayad baad u baahan tahay. Ismahantii i koopi garaysey nin buu ahaa baan u malaynayaa kkkkk Sideese isugu kaaya qaladaa? Miyaanad fahmin commentkayga.Waxaan u jeedaa weli faqash baa ina daba socota inagoo saamaxney.
Duur ma xidhi karo Cabdishotaly. Runtaa loo sheegayaa Siilaanyo iyo Duurba oo weliba dhegahaa looga afuufayaa iyaga iyo inta kaleba.
Golis,
waar horta kii suudhka cad xidhan jiray ee yara uuska kuusnaa hebel Sanaweyne ma Warancade baa lacagtii iyo internetkii ka jaray, mee dib looma arag maqaaladii xinka ahaa ee udube?
Ismahan
hadaan ku gartay waxaad tahay original ismahan oo aan is bedelin indhahaaga ayaan u fiirsaday iyo wejiga afar geesta ah-sawirkaas baa lagu gartaa qofka-gol dhaxameedkaasna waanu ka xanaaqnaa ee Istaaqfurulaah dheh
Xkeyse
Sanwaa Cumar Yare wuu ka axay UDUB ee adigu ninkii Cirro ka waran oo Wadani xubin buuxda soow kama tihid? Hadmaad xafiiskii North America furaysaa?
Rujiye,
anigu ma sidaada iyo sida san-waa baan bukaa oon uurka malax ku leeyay, maxaa iga galay ciro 10 sanadood ba waxan ahaa nin Kulmiye ah kulmiyana waan la dhamaysanayaa, sida kuwi qaadku ilkaa ka riday ee qabiilka ku xafashay anigu adeer..adeer ma aqaan waxan aqaan somaliland.
XKeyse
Sanweyne waxuu hayn jirey shaqo culus waxuu ahaa gudoomiya udub u fadhiya jaaliyada Qatar lool- Xoogaa yar oo bilaa niyada ayuu soo qori jirey maalin kast 4 layn intiina wuu la samray oo waxuu is leeyahay udub danbe ma soo noolaynayse ma Gaboose ayaad jafjafataa–qolyaha Cuqdada qaba oo dhami odaygaa Gaboose ayay isku shubeen waa wada under cover waxau is leeyihiin markuu soo baxo cadaysta inaad la jirtaan–bal imika eeg ashotaly oo udubtii waa weynayd ahaa waxuu hadana duuliyaa umadda faqashta
Sanwaa iyo dadkan waxay ku xafasheen qabiil, waar qabiil iyo siyaasad isma qaado hala kala daayo, siyaasadi waa Fikrad/aragti ninkaad isku aragtida noqotaan baa la raacaa, hadii qabiil iyo qudhun xisbi laga raaco udub baa ku aflixi lahaa, bal Gedabursi eega maalintu Riyaale cararay ayay ka baxeenba udub iyo somaliland, bal kooxdii H.Y Burco eega Riyaale kamay danabyn , bal ciise muuse eega oo udub qabiil ugu jiray waakuwaas sidii abgaal ku waashay “miniimku miniinkay waaye”,
waxaas oo dhan waxa ugu qosol badan kooxda Sanwaa iyo H.Y Burco looooool ayagu Riyaale na ma ahyn Badhi-badhi na ma ahayn , waxay ahaayeen xidinxiito cush shinbir kale ku dhashay ama geed/geed kala ka dul baxay sida dhilowyahanka, hada se la goo oo la jar, san-waa xinkiisiina laga raysay
Xkeyse
Waar Muuse Cabdalle kala hadha lama aragee, ma habkii hore ayaad isleedahay wax ka bedel?
Xkeyse
Ugaadh Cumarkaas Saalixiyada qaatay ayaa laga yaabanaayee, aniga Muuse Cabdallahan suuq bari ii waydaartay xaguu iga maray?
Siilaanyoba dilkii aadan shiine, iyo koosaar buu ka dan beeyey !!
Maantana waa mujaahid,
Muuse biixi, shacab dhan buu hargeisa ku xasuuqay maanta waa mujaahid
Saleebaan asad burco maalin cad buu dagaal ku dilay dad ilaahay og yahay maantana waa mujaahid
Adeer runta aynu isku sheegno, waxani mahan mujaahidii
Mujaahid !!!
Lixle
Ahmed dhegax
Dhaga weyne
Ina mire !! iyo qaar kaloo badan
inta danbe waa kuwa xaqa ah !!!!
Xkeyse
waa runtaa waxaan ujeeday baasisnimo thanks for correction…
Maxaa hada talo ah markaa?
waxaa xal ah in la iskadaayo ina hebel baa wax dilay iyo ina hebel baa wax qabanwaayey
congratulations!!! I would check out amazon.com for books naletirg to this trip .and again, it’s soo good to see the Lord working in the lives of others as they reach out to help others .peace CuervoReferences :