Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Loo Doortay Oo Maanta Si Rasmi Ah Loogu Dhaariyey Madaxweynenimada JSL
Hargeysa (Oodweynenews)- Madaxweynaha cusub ee Somaliland loo soo doortay iyo ku xigeenkiisa Md Axmed Maxamed Silaanyo iyo Cabdiraxmaan Ismaciil [Saylici] ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyey xilalka madaxweynaha iyo ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland.
Xafladda dhaarinta oo lagu qabtay Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa ka soo qayb-galay Shirgudoonka Golahaaysah Baarlamanka Somaliland, Wufuud kala duwan oo kala socotay waddamada Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, Xildhibaano, Salaadiin, Komishanka doorashoyinka, Awbaano, Culimo aw diin, Aqoonyahano, siyaasiyiin iyo martisharaf kale oo aad u tiro badnaa.
Markii ay xafladu bilaabantay, ayaa hagihii xafladu waxa ay ku dhawaaqay in Gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Maxamed Xirsi Oomane uu dhaarinayo Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa, halkaas oo uu ku dhaariyey dhaarta dastuuriga ah ee distoorku dhigayo in lagu dhaariyo Madaxda waddanka.
Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo, oo dhaarta ka dib halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadceliyey dhamaan ka soo qayb-galaasha xaflada dhaarinta, isaga oo si gaar ah ugu mahad-celiyey Wufuud kala duwan ee kala socotay waddamada Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.
Waxa kale oo uu mahad ballaadhan u jeediyey Madaxweynaha xilka wareejiyey ee Somaliland Md. Daahir Raayale iy o ku xigeenkiisa, Golayaasha qaranka, madax-dhaqameedka, Komishanka iyo saxaafada.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Walaaloyaal xilka maanta Ummadu ii igmatay waa xil weyn, Ilaahay-na waxaan ka baryaa inuu ii fududeeyo. Waxa aan idinka ballanqaadayaa in Ummada sidii ay igu doorteen ee aan hore-ba barnaamijkayaga ugu caddeeyey inaan u noqdo mid si man u maamula Ummada Somaliland oo caddaalad ku maamulo horumarkeeda.”
Waxa uu ballan qaaday inuu fulinayo dhamaan ballamihii uu qaaday intii ay doorashada ku guda-jireen, isla markaana waxa uu ka dalbaday guud ahaan Ummada reer Somaliland in lala shaqeeyo.
Madaxweynaha xilka wareejiyey ee Md. Daahir Rayaale Kaahin oo isna halkaas ka hadlay, ayaa si weyn uga hadlay waayihii maamulkiisa intii uu Madaxweynaha ahaa, isaga oo carrabaabay inuu ku faraxsan yahay inuu xilka ku wareejoyo madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo.
Waxaana uu tilmaamay inuu la shaqayn doono Madaxweynaha cusub ee Somaliland, isla markaana uu diyaar u yahay inuu waayo-aragnimadiisa uga faa’idanayo Ummada reer Somaliland.
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/Heersare]
Oodweynenews.com/Hargeysa Office




























dhaarteedaay
Haloo duceeyo Madaxweynaha cusub in uu ilaahay u fududeeyo xilka loo dhiibay kana dhigo mid fuliya waxa uu ku dhaartay oo ah in uu dadka dadalka iyo danta umada somaalilandb si daacad ah u gu shaqaynayo dadkana gaadhsiinayo cadaalada takaliya ee aynu horumar ku gaadhikarnaana waa cadaalada ibna aadamkana waxaa deeqa oo kaliya waa cadaalada
Somalidu waxay tidhaahdaa gabadh ayaa layidhi waa maxay raga gogoshiisu waxaanay ku jawaabtay waa nabad markaa maanta nabadii waynu haynaa ee insha alaah isagana waxaa looga fadhiyaa gogoshaa fiican ee lagu wada fadhiyo inuu cadaalad dadka wax ugu qaybiyo aynu eegno bari iyo wasiirada uu soo saari doono madaxwaynaha cusubi kolay anigu waxaan qiyaasayaa oo kaliya oo igu filana in ay daacad yihiin ,cadaaladarana ka madhanyihiin, xilkasnimona leeyihiin , aqoona u leeyihiin wasaaradaha loo magacaabayo hadii intaas uu kaga dhabeeyo waynu gaadhaynaa himiladeena hadii kalana dhabarjab ayaa imanaya oo ay noqdaan ku wii hore oo kale
waa in la arkaa subaxa bari ah hadii uu ilaahay yidhaahdo isbadalkii lagu balanqaaday bilawgiisii oo ah tayada wasiirada iman doona
guul , somaliland guul
ilaahayow dadkayga isfahmsii garansiina in ay danta guud ka wada shqeeyaan hadii taguud hagaagi waydo ta gaarka ahina ma hagaagto
waad mahadsantihiin oodweyne news
Nabadgalyo
waan u ducayanaynaa in ilahay ufufiyeeyo isna waa inuu si dacad ah umada u mamulo nin xil gaday eedqdye hoyaa.
waxan rajaynaya in ilahay ka dhigo madaxweyne khayr gaba oo ay dadku isugu mid noqdan diinta uu ku maamulo amin amn
aad ban u slamaya oodweyenenews.com meelkasata ay jooganaba waxaan leyahay waxa tihin madalayasha
manshaaaaaaaaa alaaah ilahay ha u fududeeyo somalilaand ha noolaato
marka hore ilaaha weyn ee caadilka ah ayaa mahadleh markalabaadna waxaan leeyahay ilaahay haynoosiyaadiyo nimcada uu inasiiyay madaxdan maanta lawareegtay xilkana ilaahay hagaransiiyo xaqa iyo cadaalada ay garanwaayeen gaar ahaan madaxweynaha xilgii uu hayay gudoomiyenimadii ururkii SNM
asc wr allah wb ilahay baa mahadle mansha allaah somaliland manta waa guuul wana waxa lagu warxo qofkasta waa muwadin reer somaliland ah oo waliba damirkidu nool yaha waa ku farxaya walan ilahay uga baryaya madaxweenaha cusub in ilahay la garab galo hasha u qaday ilahana ku guuleeyo kana dhigo kiii dadkiisa iyo dalkiisaba anfaca amiin amiiin amiin yaaa rabi
asc wr allah wb ilahay baa mahadle mansha allaah somaliland manta waa guuul wana waxa lagu farxo qofkasta oo muwadin reer somaliland ah oo waliba damirkisu nool yaha waa ku farxaya waxanan ilahay uga baryaya madaxweenaha cusub in ilahay la garab galo hawsha u qaday ilahana ku guuleeyo kana dhigo kiii dadkiisa iyo dalkiisaba anfaca amiin amiiin amiin yaaa rabi