Barcelona oo Heshiis kala Gaadhay kooxda Atletico Madrid inay dib u ceshato Antoine Griezmann

Suxufiga dhanka Suuqa kala iibsiga lagu qaddariyo ee Fabrizio Romano ayaa shaaca ka qaaday faahfaahinta heshiiska uu dib ugu laabanayo Antoine Griezmann kooxdiisii hore ee Atletico Madrid, kahor dhammaadkii suuqa kala iibsiga ee xagaaga.

 

 

Fabrizio Romano ayaa wuxuu soo dhigay boggiisa Twitter –ka:

“Antoine Griezmann wuxuu ku laabanayaa Atletico Madrid, waxaana heshiis lala gaadhay Barcelona.”

 

“Ku biiritaanka Griezmann waxay noqon doontaa qaab amaah ah ilaa iyo June 2022, iyada oo ay jirto dookh uu si toos ah ugu wareegi karo, kaasoo ku kacaya adduun dhan 40 million euro.”

 

“Griezmann wuxuu la gaadhayy Atletico Madrid heshiis laba sano ah, iyada oo uu dooq u heysto inuu ku darro sanad kale oo saddexaad.”

Gool FM.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker