|

Falanqaynta Qalinka: Midh Aan Ka Idhaahdo Maalmihii Macaanaa!

Hargeysa (Oodweynenews)- Qoomamada iyo ciilku waxa ay dhibayaan quluubta in badan oo lumisay fursad qaaliya oo la gudboonayd inay ka faa’idaystaan, “Ahay ah …… ahay ah ma fursaddaas ayaa i dhaaftay aniga waddanka jooga oo tegi karayay.” Waa kelmedo ka ka turjumaya is-ciilkaambinta ay ku sugan yihiin dad badani, “Allaa ciil iyo dho waynaa ma fursaddaas dahabiga ah ayaan dayacay oo aan ka qayb-geli waayay.”

Waxa ay ahayd 23-kii Julay 2010 markii albaaba loo furay Carwada caalamiga ah ee Bugaagta Hargeysa iyo Bandhig-dhaqameedka Mooge Festival, oo sannad kasta xilligaas oo kale laga qabto caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxa ay soconayeen ilaa 27-kii Bisha. Waxa ay ahaayeen maalmo ku suntan quluubta in badan oo ka mid ah bulsho-weynta u heelan macaanka sugaanta, macnaha qoraalka iyo muhiimada dhaqanka.

Haddii aad in badan arki jirtay carwo lagu soo bandhigo badeecadaha laga ganacsado, tani way ka duwanayd oo waxa meesha lagu soo bandhigay wax ka soo baxay maskaxda beni’aadamka oo isugu jiray Sugaan iyo qoraalo [Bugaag]. Waa wax ku sucub geyiga Somaliland in carwo lagu soo bandhigo Sugaanta, dhaqanka iyo buugaagta ay qoreen dadka ee Somaliland iyo kuwa afka Soomaaliga ku hadla-ba.

Waxaana Carwada caalamiga ah ee Bugaagta Hargeysa iyo Bandhig-dhaqameedka Mooge iska kaashaday soo qabanqaabintooda REDSEA-ONLINE.COM CULTURAL FOUNDATION, KAYD SOMALI ARTS AND CULTURE iyo ILAYS, iyada oo ay hormuud u ahaayeen Jaamac Muuse Jaamac iyo Ayaan Maxamuud Cashuur, oo runtii muujiyey dadaal ka mid ah dadaallada wax-tarka leh ee qaybta ka qaata kob-cinta garaadka iyo aqoonta dadka beni’aadamka.

Nasiib iyo gallad ayay u ahayd mujtamaca reer Somaliland ee ku nool caasimada Hargeysa iyo dadkii kale ee ka soo qayb-galay ee isaga kala yimi Gobolada Somaliland iyo weliba dalka dibadiisa, inay la kulmaan fursad noocaan oo kale ah.

Waxaa Carwada iyo bandhiga ka soo qayb-galay oo xuddun u ahaa geedi-socodkeeda Qaar ka mid ah Abwaanada waa weyn ee reer Somaliland, qoraayaal, aqoonyano iyo marti-sharaf aad u tiro badan oo isaga kala yimi lixda Gobolka ee Somaliland, iyada oo dalka Jabuuti uu ahaa waddanka sannadkan loo aqoonsaday martida Carwada iyo bandhiga, isla mar ahaantaana waxa joogay dad ka yimi waaddamada dibada.

Intii uu socday, waxa si weyn lagu soo bandhigay buugaag kala duwan oo ay qoreen aqoonyahano iyo qoraayaal reer Somaliland, isla markaana waxa bar-bar socday soo bandhigista qaybaha kala duwan ee Sugaanta iyo arrimaha la xidhiidha dhaqanka Soomaalida.

Sida oo kale Carwada buugaagta iyo Bandhig-dhaqameedka Mooge waxa si qoto-dheer loogu qaadaa-dhigay wax-tarka iyo taabo-gelinta waddaniyadda, iyada oo lagu dheeraaday muhiimada wax-ku-ool-ka ah ee ay waddaniyadu u leedahay dalka iyo dadkaba. Waxa kale oo halkaas lagu soo bandhigay riwaayado iyo Suugaan si mug leh uga hadlayay hab-dhaqanka iyo hirgelinta waddaniyada.

“Sannadkan Carwada iyo bandhigu waxa ay kaga duwan yihiin kuwii hore, waxa weeyaan sannadkii hore waxa hal-ku-dhignaa saaf-reebka oo wax weyn ayaa ka soo baxay. Sannadkan-na waxa aynu kaga hadli doonaa waxa loo yaqaano waddaninimada [Citizenship] oo si weyn looga hadli doono inta ay Carwada iyo bandhiga socdaan.” Sidaa waxa yidhi Prof. Jaamac Muuse Jaamac oo hadalkaa jeediyey maalin ka hor intii aanay bilaabmin Carwada iyo bandhigu.

Inagga oo tix-raacayna sida uu ka dhaajiyey Jaamac Muuse, bar-tilmaameedka koobaad ee Carwada iyo Bandhiga loo qabtay waxa ay ahayd in bulshada lagu dareensiiyo wax-tarka iyo muhiimada qiimaha leh ay leedahay waddaniyadu iyo sidii loo soo bandhigi lahaa Sugaan, qoraalo iyo doodo furan oo ka hadlaya waddaniyadu waxa ay tahy, sida loo taabo-gelin karo, isla markaana dadweynaha looga dhaadhicin lahaa inay dareen gaar ah u yeeshaan hab-dhaqanka waddaniyada.

Waxa kale oo Carwada iyo bandhiga loo qabtay in da’yarta reer Somaliland lagu baraarujiyo sidii ay u soo bandhigi lahaayeen awooddooda hal-abuurnimo, haddii ay tahay Sugaan iyo haddii ay tahay-ba qoraal-ba. Taas oo intii ay Carwada iyo bandhigu socdeen lagu arkayay goobta uu ka socday dhalinyaro aad u tiro badan, oo si weyn danaynaysay inay ka bogtaan nuxurka barnaamijyadii isugu jiray Sugaanta, qoraalada iyo dhaqanka ee aadka u qiimaha badnaa ee la soo bandhigayay.

Marka aynu soo uruurino, hubaal waxa ah inaan qoraal iyo laba toona lagu soo koobi karin muhiimadii ay xambaarsanaayeen Carwada caalamiga ah ee Bugaagta Hargeysa iyo Bandhig-dhaqameedka Mooge, oo runtii bog cusub u furay da’yarta reer Somaliland ee u jeellanayd inay helaan dad furfura, tijaabiya, bisleeya isla markaana dhiirigeliya awoodooda hal-buurnimo ee dhalinyarta reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan.

Wax-ba yaanu qalinku ila sii durkine waxaan ku soo af-meeray, Mahad waxa iska leh ilaaha suura-geliyey in Carwadaas iyo bandhigaasi qabsoomaan, ta labaadina waxa ay u sugnaatay dadkii soo qabanqaabiyey ee ay ugu horeeyaan Jaamac Muuse Jaac Iyo Ayaan Maxamuud Cashuur, oo runtii ah laba qof oo ku suntan halkanka wax-qorista, wax-akhrista, uruurinta Fanka, isku-xidha Hal-abuurada iyo soo noolaynta dhaqanka.

Anna waxa aan kaga baxay, “Yaan la masuugin oo la iska ilaabin muhiimadahaas iyo faa’idooyinkaas ay xambarsanaayeen Carwada caalamiga ah ee Bugaagta Hargeysa iyo Bandhig-dhaqameedka Mooge.”     

C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/Heersare]

Cabdiheersare01@hotmail.com

Oodweynenews.com/Hargeysa Office

1 Response for “Falanqaynta Qalinka: Midh Aan Ka Idhaahdo Maalmihii Macaanaa!”

  1. [...] Ka akhri qoraalka oo dhammaystiran halkan oodweynenews.com [...]

Leave a Reply