Dalka Koonfurta Suudaan oo laga Rajo qabo in Xal waara laga gaadho Qalalaasihii Siyaasadeed ee Ragaadiyay

Madaxweynaha South Sudan ayaa Waafaqay inuu yareeyo Tirada dowlad Goboleedyada dalkiisa, taasi oo ahayd codsiga ugu weyn ee ay  Mucaaradka dalbanayey si loo soo Afjaro Dagaalladii sokeeye oo Loo dhiso dowlad Loo dhan yahay.

 

Madaxweyne Salva-kiir iyo Madaxii hore fallaagada Riek Machar ayaa cadaadis Caalami ah la kulmaya si ay u soo Afjaraan meel marinta Heshiiska Nabadeed oo ay horay u wada gaareen.

 

Waxaana labada dhinac loogu baaqay kulankooda Toddobaadka soo socda ay yeelanayaan inta aan la gaarin wixi ay isku fahmi la’yihiin iney xalliyaan.

Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir ayaa tallaabadan ku qeexay mid xanuun badan balse ay tahay lagama maarmaan haddii ay nabad keeneyso.

 

Hataan waxaa la sugayaa jawaabta Riek Machar balse Hogaamiyehii hore ee mucaaradka ayaa ku adakeystay dhimista tirada gobollada sababtoo ah waxa uu ka shakiyay in madaxaweynaha u doonayo inuu sare u qaadayo awoodihiisii oo uu jagooyin u magacaabo dadka isaga daacad u ah.

 

 

Haatan muddo toddobaad ah ayaa ka dhiman xilligii loo Asteeyay in la sameeyo Dowlad wadaag ah inkastoo ay weli jiraan caqabado kale oo hortaagan, hase yeeshee dadka Suudanta koonfureed ayaa ku han weyn in mar un uu soo afjarmo khilaafka iyo kala shakiga u dhaxeeya madaxweyne Kiir iyo Mr Machar si nabad waarta dalkaasi ay colaaddu daashatay looga helo.

Tobanaan kun oo qof ayaa la dilay, in ka badan 2 malyan oo qofna waxay ka bara kaceen colaadda dalkaas ee ka dhalatay farqiga siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Kiir iyo Machar.

 

Labada Hogaamiye ayaa horay u Saxiixay dhawr heshiis balse ma aysan noqon kuwa midha dhala.

Salva Kiir ayaa wadanka madaxweyne ka ahaa tan iyo markii dalkaasi koonfurta sudan ay sanadii 2011-kii ka xuroobeen Sudan. Waxaana la hakiyay doorashooyin lagu waday in ay dalkaasi ka dhacaan sanadkii 2015-kii.

Dagaalkan sokooye ayaa waxa uu dalkaasi ka bilowday sanadkii 2013-kii, kadib markii uu khilaaf dhaxmaray Mr Kiir iyo Machar oo xiligaasi ahaa ku xigeenkiisa.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker