|

Frank Lampard oo uga mahad celiyey xidiga Ramsey goalkii uu ka dhaliyey kooxda Manchester United+ Francesco Totti oo kamid noqdey shanta ciyar yahan ee ugu goal dhalinta badan Horyalka Talyaniga

Burco-(OWN)-Xidiga khadka dhex ee kooxda Chelsea iyo xulka England Frank Lampard ayaa umahadceliyay  xidiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal iyo xulka Weles Aron Ramsey kaas oo guul daro xun dhadhan siiyay  kooxda Manchester United  Lampard ayaa wareysi uu siiyay Website-ka kooxda Chelsea kadib markii uu daawaday ciyaartii Manchester United iyo Arsenal waxa uu kubilaabay mahadnaqiisa Lampard “Ramsey waxad qabatay howl loobaahnaa  “Runtii waxa uu sameeyay wax wanaagsan waan daawanayay ciyaarta bilaw ilaa dhamaad waalaga fiicnaa Manchester United hadii ay Manchester United badin laheyd waxa ay noqon lahaayeen ciyaaraha dhiman ee horyaalka  kuwa aan xiiso laheyn” sidaa waxa yidhi khabiirka khadka dhexe ee kooxda Chelsea Frank Lamprd

Kabtan kuxigeenka kooxda Blues Frank Lamprd waxa uu sheegay in talo markan ay utaalo kooxda Chelsea isaga oo sheegay in xidigaha Chelsea laga sugayo in kulanka todobaadka  soo socda ay laciyaarayaan Manchester United ay uciyaaraan si ayna wligood uciyaarin. Ciyaartaa dhex marid doonta labadan kooxood ayaa ah ciyaarta lagu kala ogaan doono cidii ku guulaysan lahayd koobka horyaalka Ingiriiska ee sanadkan.

 

Francesco Totti oo  kamid noqdey shanta ciyar yahan ee ugu goal dhalinta badan Horyalka Talyaniga

 

Totti oo lagu naaneyso wiilka Roma ahna kabtanka kooxda Roma ayaa  kamid noqdey shanta xidig ee ugu goalal dhalinta badan Horyalka Dalka Talyaniga

 

Boskan cusub ee uu Totti galey ee uu hore ugu  jiri jirey  xidigii hore ee xulka italey  Roberto Baggio ,Totti ayaa  tariikhdan cusub galey kadib markii  uu malintii Axadii dhaliyey laba goal,  labadas goal ayaa ka dhigaysa  isu gayn goalasha u dhaliyey 206 goal.

 

Totti oo 34 jir ah ayaa inta goal ee kooxdiisa Roma u dhaliyey tahay 206 goal, isaga oo kooxda Roma u ciyarayey  ilaa  18 jir markuu ahaa,balse Totti lamuuqaadin kooxdiisa Roma wax koobab ah marka laga reebo hal koob oo ahaa Horyalka Dalka Talyaniga  sanadkii 2001,xiligas oo tobabare u ahaa Roma tobara xulka Englan ee Fabio Capello.

 

 

Totti ayaa dhaliyey 14 goal xili ciyareedkan,.ayaa ah ka ga mid noqdey shanta ciyartoo ee ugu goalal dhalinta badan  tariikhda Horyalka Talyaniga.

waxaney kala ahayeen Silvio Piola dhaliyey 274 goal,537 ciyarood oo uu ciyarey intii u dhaxaysey 1929/1954.

kalinta labadna waxa ku jira xidiga reer Sweden ee Gunnar Nordahl isaga oo daliyey 225 goal 291 ciyarood oo uu ciyarey sanadadii 1948/ 1958.

kalinta sadexaadna waxa galey xidiga Giuseppe Meazza  dhaliyeyna 216 goal 367 ciyarood oo uu ciyarey 1929/1947.

 kalinta afradna waxa galey  xidiga Talyaniga ee asal ahaan ka soo jeda Brazil ee Jose Altafini   isagoo   dhaliyeyna 215 goal 459 ciyarood oo uu ciyarey 1958/1976.Halka xidiga Reer Roma ee Totti uu sogalay kalinta shanad dhaliyeyna 206 goal ,471 ciyarood oo uu ciyarey   lagasoo bilabo 1991 ilaa xiliciyeedkan .

 

Axmedwali   Xiis   cabdi (Ducaysane)

Burco/Somaliland

Nasiib_12@hotmail.com

 

Leave a Reply