|

Koox maafiyo Ah oo Daroogada Ka Ganacsata Ayaa Galay hotelka Intercontinental Hotel Ee Caasimada Brazil Ee Rio De Janeiro Iyagoo Halkaa Dad Ku Qafaashay Kadib Markay Booliska Ka Baxsadeen

BRAZIL(OODWEYNENEWS)- Koox maafiyo ah oo Boolisku ku daba jiro ayaa gashay Hotelka Intercontinental Hotel ee  ku yaala caasimada dalka Brazil ee Rio De Janeiro. Kooxdaa ayaa ku qabsatay 30 qof oo kamid ahaa dadkii hoteelkaa ku jiray oo tiradoodu ahayd ilaa 400 oo qof,
 
 
Kooxdan oo ah koox maafiyo ah isla markaana Boolisku Eryanayey ayaa dagaal dhex maray iyaga iyo booliska kaas oo soconayey mudo saacad ku dhow iyadoo xabado la isku weydaarsanayey Magaalada dhexdeeda, kooxdaa ayaa waxaa u suuro gashay inay galaan Hotelka Intercontinental Hotel, iyagoo Hotelkaa xoog ku qabsaday isla markaana ku afduubay dad 30 qof ka badan oo kamid ahaa dadkii Hotelkaa Degenaa,
 
 
Booliska ayaa dagaalkaa ay la galeen kooxdaa maafiyada ah waxay ku dileen qof dumara oo boolisku raadinayey oo ka mid ahayd kooxdaa. iyadoo booliskana ay qaar badan ka dhaawaxmeen,
 
Booliska ayaa sheegay in nimankaasi markii danbe ay sii daayeen dadkii ay qafaalashada u haysteen, Dhinaca kale masuul u hadlay Hotelka la afduubay ee Intercontinental Hotel ayaa sheegay in xiligaa weerarku dhacayay ay joogeen gudaha Hotelkaa 400. oo qof oo isugu jiray dad hotelkaa degenaa iyo shaqaalaha Hotelka,,,,
 
 
 
Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad Cabdilaahai

Leave a Reply