|

RAAD-REEBKA TAARIIKHDA: Geedi-socodkii Qoritaanka Farta Soomaaliga Qaybta 1-aad

Hargeysa (OWN)- Waxa aanu jecelnahay inaanu halkan idiinku soo gudbino qaybtii 1-aad ee Barnaamij-taariikhdka cusub ee aanu ugu magac-darnay ‘RAAD-REEBKA TAARIIKHDA’ Kaas oo uu idiin soo jeedin doono C/shakuur Heersare, waxaana aanu ku bilaabaynaa Geedi-socodkii Qoritaanka Farta Soomaaliga. Ka bogosho wanaagsan: –   

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

 

Cabdishakur X.muxumed [C/Shakuur Heersare]

Oodweynenews.com/Hargeysa

4 Responses for “RAAD-REEBKA TAARIIKHDA: Geedi-socodkii Qoritaanka Farta Soomaaliga Qaybta 1-aad”

  1. Hindhise says:

    c/shakur aad baad ugu mahadsantahay barnaamijkan aqoonta badan ee aad nooga faaiideysey, waxaanu rajeyneyneynaa inaanu la soco barnaamijyadaa aqooneed ee taariikhiga ah dhamaantayo bahda akhristayaasha shabakan, ilaaheyna hakaa jisaa’i siiyo

  2. Aare guul-hele says:

    Carabtu waxa ay ku-tashatay inay Af-soomaaliga issir-ka ahee soocan ku-dooriso oo ku-badhxddo Afkooda Carbeed. carabtu waxa ay ku-hawllan-tahay dabar-gooynta iyo cidhib-tirka afka Soomaaliga ah iyo dhaqnkeenna iyo hiddeheenna gaarka ah ee Soomaaliga ah ee aynu sida gaarka ah uleenahay oo awoowa-yaa-sheen uga-soo-dhaxalnay kumannaanka sano ee is-daba-joogey. Carabtu waxa ay ku-hawllan-yihiin inay Soomaali-nimads aasaan oo ay dadnimadeenna ina illawsiiyaan oo ay innaga dhintaan dad aan hayb gaar ah lahayn oo aan qaran gaar ah lahayn oo aan af iyo dhaqan gaar ah lahayn. Carabtu waaxa waaye dad weligood soo addoonsan-jirey oo midiidin kadhigan-jirey qofkasta oo madow oo Afrikaan ah. Carabtu weli waxa ay addoonsadaan kumannaan kun oo ah dad muslim ahoo Afrikaan ahoo dalalkooda ay Carabtaasi sida xoolaha ugu-kala’iibsadaan.

    Carabtu waxa ay adeegsadaan lacagtooda iyo xoolahooda si dugsiyada kajira Soomaaliland iyo Soomaaliya iyo jabuuti aan loogu dhigin afka Soomaaliga ah, ee lagu-dhigo Afka carabiga ahee ardayda iyo carruurta Soomaaliyeed looga-soo-bilaabo malcaamadaha iyo dugsiyada hoose.

    Wiilasha Soomaaliyeed ee ugu aqoonta-badan ee kasoo-baxa dugsiyadaas, waxa ay Carabtaasi udhfsadaan oo geyaan Masar iyo Suudaan. Haseyeeshee Carabtaasi uma oggolaadaan in ardaydaas Soomaaliyeed jaamicadahooda ka-bartaan aqoon ay adduunkan si dhab ah uga-xoogsan-karaan oo ay kaga-bixi-karaan saboolnimada. Carabtaasi uma ay oggolaadaan wiilashaas Soomaaliyeed inay bartaan, tusaale’ahaan, aqoonta injeernimada ama dhakhtarnimada jayoolaji-nimada ama aqoonta beeraha ama dhakhtarnimada xoolaha ama aqoonaha kale ee faraha-badan ee tayada leh ee ay ardaydaas Soomaaliyeed iyo dadkoodu kaga-bixi-lahaayeen baahida iyo sabool-nimada.

    Carabtaas xumi waxa ay ardaydaas Soomaaliyeed ee aqoonta badan ee ay Masar iyo Sudaan gaysteen ku0muquuniyaan oo kudirqiyaan ookeliya inay bartaan ookeliya suugaanta carabeed iyo gabayga carbeed iyo shareecada carbeed. Kuwaas oo ardaydaasi kolka ay dhammystaan aanay meelna kaga-xoogsan-karin oo aanay kaga-bixi-karin saboolnimada iyo baahida. Sidaasna waxa kadhasha in ardaydaasi noqdaan kuwa hawl-gaba oo aan dadkooda iyo dalkooda Soomaaliland iyo Soomaaliyaa iyo jabuuti wax dhaqaale ah aan kusoo-kordhin-karin wax hore’umar ahna aan uhorseedi-karin.

    Waxa loobaahan yahay in Reer-soomaaliland kafeejigaadaan hodimooyinkaas iyo tabahaas qarsoon ee xilka leh ee ay Masaaridu iyo Carabta kale kuwadaan dadka iyo dalka Soomaaliyaa, oo ay doonayaan inay Soomaalidu noqoto dad xag-walba seega oo afkooda seega oo dadnimadooda seega oo saboolnimo iyo caydh-nimo aan weligood kabixin.
    Carabtu iyo gaar’ahaa masaaridu waxa ay sidaas uyeelayaan si beriga dambe uqabsadaan dhulkan geeska afrika ahoo ay dabadeedna ugumaystaan dadkeenna iyo dalkeenna. Hodimooyinkaas iyo dibindaabyooyinka ay Carabtu haddan kulasoo-maqan-yihiin oo ay kufulinayaan Soomaalida aan waxba siak ogeyn waa kuwa ay Carabtaasi ugu-gogol-xaadhayaan gumaysi ay dadkeenna iyo gayi-geenna gumaystaan, ee waxa habboon in laxoojiyo afsoomaaliga toosan ee aan qalqalloocin ee aanay kujirn eray-yo Afcarbeedka ahee badhxaya ee dabar-gooynaya Afsoomaaligeenna hodonka ah ee isku-filan. Waa in Soomaalidu meel-kasta hajoogto’e fiira gaar ah uyeeshaan oo siwalba uga-hortgaan oo ula-tacaalaan ulana dagaallamaan hodimooyinka iyo dibindaabyooyinka ay Carabtu kuwaddo afkeenna iyo haybteenna iyo dad-nimadeenna Soomaaliga ahee aynu gaarka uleenahay.

  3. [...] Qaybtii  1aad halkan ka akhriso haday ku dhaaftay:–    QAYBTII 1AAD [...]

  4. hinda says:

    waar iska daaya ninjeclaysiga iyo qabyaalada aad wax u qoraysaan.

    Farta soomaaliga waxaa qoray oo isku taxalujiyey Ninka la yiraa Shire Jaamac Ahmed.

    waxaa boobay Dawladdii siyaad barre oo isku magacawday inay iyadu qortay.

    Allaha Naxariistii jano siiyo Shire jaamac ummadda ku hadasha afka soomaaliga wax wayn ayuu u taray,waliba ku qurbaha yimi,

    waliba schooladdii iyo waalidka xiriirintooda ,hadii kale dhibaato ayey kala kulmi lahaayeen
    ,xiriirka iskuulka iyo waalidka sababtoo ah inankii yaraa waxaa loo soo dhiibayaa letter ay ku qoran yihiin wax laga rabo waalidka ,deetana waalidkii wuu samaynayaa taasna waa illaah mahaddii.

    waxaan mar kale leeyahay Runta sheega oo u ogolaada xuquuqda qofka iska xaqiisa.

    wabilaahi towfiiq.

    waxaa

Leave a Reply