Qoraal-taarikheed Ku Saabsan Dhacdadii Mucjisada Ahayd Ee 1983 Lagula Baxay Kornayl Cabdilaahi Askar
Hargeysa (Oodweynenews)- Waxay ahayd dhamaadkii sanadkii 1982kii markii ay Itoobiya ka abuurmeen dhaqdhaqaaqii xaq u dirirka ahaa ee ururkii SNM, xiligaas waxaa Itoobiya isugu yimi saraakiil door ah iyo siyaasiyiin debadaha ka yimi oo ay ujeedadoodu ahayd sidii ay u bilaabi lahaayeen halgan lagaga hor tago xukuumadii haligantay ee Siyaad Barre madaxda ka ahaa oo xasuuq iyo xumaato ku la dhaqmaysay shacbigii ku noolaa wixii loo yaqaanay gobalada waqooyi xiligaas.
Si hadaba uu ururka SNM u helo taageero gudaha ah iyo mid debada ahba una muujiyo awoodiisa ayaa waxa uu go’aan saday in uu hawlgalo milatari ka fuliyo dalka gudahiisa, waxaana qorshayaasha dagaal ee laga fulinayo gudaha dalka ay ujeedadiisu ahayd naafaynta cadawga, argagax galinta dawlada iyo muujinta la muujinayay in aan shacbiga gobolada waqooyi marnaba raali ka ahayn xasuuqa iyo xad gudubka ay xukuumadii siyaad barre ku haysay shacbigeedii miskiinka ahaa.
Hadaba Ururkii SNM waxa uu go’aansaday inuu talaabooyin milatari ku fuliyo qaar ka tirsan madaxdii dhagar qabayaasha ahayd ee shacbiga xasuuqaysay, waxaa markaas SNM ay gudahii dalka usoo dirtay saraakiil milatari oo SNM ka tirsanaa. Bishii Diisambar ee sanadkii 1982kii ayaa waxaa Tuulaha Gaashaamo oo Bariga Itoobiya ku taala SNM ay kasoo dirtay laba sarkaal oo kala ah:
Cabdi Salaan Turki Maxamuud iyo Cabdilaahi Askar Barkhad.
Waxa labadaas sarkaal ee naftood hure ay soo mareen dhulka hawdka ah, waxaana ay dhinaca koonfureed kasoo galeen Magaalada Burco, muddo gaaban kadibna waxay usoo dhaafeen dhinaca magaalada Berbera, iyaga oo markii danbana usoo gudbay Magaalada Hargeysa.
Ujeedada ay labadaas sarkaal Hargeysa u yimaadeen waxay ahayd laba ujeedo oo kala ah:
Inay isku habeeyaan oo isku dubarridaan saraakiishii Ciidanka dawlada ku dhex jiray ee ay filayeen inay dawlada kasoo horjeedaan, iyaga oo waliba bartilmaameed ka dhiganayay inay qadiyda SNM ka dhaadhiciyaan saraakiishii milatariga ahayd ee asal ahaan kasoo jeeday beelihii taageeri jiray SNM.
Ujeedada kale ee ay u socdeen labadaas sarkaal waxay ahaayeen inay khaarajiyaan taliyihii qaybta 26aad ee waagaas oo ahaa Gacan ku dhiigle Maxamed Xaashi Gaani.
Hadaba muddo afar bilood ku dhow markii ay magaalada Hargeysa ku dhuumaalaysanayeen ee ay hawlahoodii si fiican oo qarsoodi ah ay u wadaan, laba habeena ay ka hadhsan tahay inay khaarajiyaan dhagarqabe Gaani ayaa nasiib darro dhacday oo waxaa Taliskii Dawladu uu gacanta ku dhigay Gaashaanle sare Cabdilaahi Askar Barkhad taariikdu markay ahayd sagaalkii
bishii April ee sanadkii 1983kii.
Waxaa taasi noqotay dhacdo argagax badan oo ay ka murugoodeen dadweynihii taageeri jiray ururkii SNM, waxaana ay guul lama filaan ah u noqotay maamulkii dawlada, gaar ahaan taliyihii qaybta 26aad Gacan ku dhiigle Maxamed Xaashi Gaaani oo markiiba u damaashaaday inuu gacanta ku dhigay wax uu ku magacaabay BOQORKII SHINIDA oo uu ula jeeday Cabdilaahi Askar oo ahaa sarkaal sare oo SNM ka tirsanaa.
Gaani waxa uu markiiba damaashaadkiisa gaadhsiiyay maamulkii muqdisho gaar ahaan kaligii taliyihii Qaxootinimada ku dhintay ee Siyaad Barre.
Markiiba talo ayaa ku cadaatay dadkii taageeri jiray SNM waxaana ay aamineen in maalmo yar gudahood badhka la gayn doono naftana laga jari doono Cabdilaahi Askar, nasiib darro dadweynahaasi may lahayn wax awood ah oo ay ku caawin karaan Maxbuuskaas SNM oo iyaga ayaaba xasuuq iyo xadgudub lagu hayay.
Cabdilaahi Askar waxaa markiiba loo qaaday Xarunta Miiska saraakiisha oo dhinaca galbeed kaga toosan huteelka dawlada ee Hargeysa Kilaab, waxaana lagu wareejiyay ciidan xoog u hubaysan oo laga soo kala qaaday xeryihii kala duwanaa ee qaybta 26aad ay ku lahayd magaalada Hargeysa.
Waxaa markiiba Cabdilaahi lagu bilaabay jir dil iyo garaacis aad iyo aad u daran, taasoo xanuunkeeda aanuu qiyaasi karin qof aan gacanta u galin askartii naxariista darnayd ee loo carbiyay ku tumashada xuquuqda aadamaha ” mar kaliya ayay igu boobeen qoriga dabadiisa iyo caaradiisa, waxay igu garaaceen kabahii waaweynaa ee ay xidhnaayeen, daqiiqado gudahoodna
jidhkayga oo dhan dhiig ayaa ka dareerayay, waxaanan dhulka galgalanayay aniga oo miyir doorsoomay” sidaas waxaa yidhi Danjire Cabdilaahi Askar oo aan ka waraystay sidii loo jir dilay ee loola dhaqmay markaas la qabtay.
Waxaa jidhkiisa lagu gubay dab ololaya, waxaa laga garaacay Ilkaha waxaana markiiba laga soo tuuray todoba ilig, waxaana la jabiyay shan feedhood iyada oo si naxariista ka fog looga garaacay xididada iyo xubnaha dareenka, waxaa taasi u dheeraa tiiq-tiiqsi iyo ku digasho uu Gaani la dul yimi Cabdilaahi oo dhiig ka da’ayo.
“Waxaad ahayd sarkaal bilad haysta oo xorayntii Goday masuul ka ahaa, waxaanad ka tagtay Ciidankaagii kuliyada milatariga ee Ameerika kuu diray, maxaad iga filanaysaa” Sidaas waxaa yidhi gacan ku dhiigle Gaani oo ul yar gacanta ku haysta waardiyayaashiisiina ay la socdaan.
Cabdilaahi Askar oo taahaya jidhkiisuna uu aad u damqanayo ayaa ugu war celiyay Bilada geesinimaan ku helay ee been been la iima siin, waxbarashada Maraykan la iigu dirayna imtixaankaan baasay ayaan ku tagay ee garab iyo qabyaalad toona la iiguma dirin, Ilaahay ayaanan wax ka fishaa ee aadami waxba kama fisho ayuu Cabdlaahi cod hoose ku yidhi.
Waxaa markiiba uu Gaani wargeliyay afartii waaxood ee Hargeysa ka koobnayd waxaana uu u sheegay in uu gacanta ku dhigay Boqorkii Shinida ee SNM, waxaana uu dadweynihii reer Hargeysa Gaani u balan qaaday inuu Maxbuuskaas keeni doono Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Magaalada Hargeysa oo lagu qaban jiray xaflada debaaldega wixii loo yaqaanay xuskii 12ka April oo ahayd Maalintii la aasaasay wixii la odhan jiray Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee majaro habawsanaa.
Xiligaas dadweynaha reer Hargeysa ee isu diyaarinayay inay xafladaas ka qayb galaan waxay badidoodu sii diyaarsadeen dhagxaan, budad iyo Middiyo si ay ugu dagaal galaan habeenkaas intii taagooda ah, taasina waxay ahayd talaabo is miidaamin ah oo halis ahayd.
Xadhigaas Cabdilaahi Askar waxa uu ka cadhaysiiyay Geesigii Ibraahim Ismaaciil Koodbuur oo ahaa Gaashaanle Dhexe oo ka tirsanaa xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana uu si qarsoodi ah uga tirsanaa ururkii SNM.
“Ilaah ha u naxariistee Ibraahim Koodbuur waxa uu si qarsoodi ah uga tirsanaa ururkii SNM, waxaana uu ahaa nin haybad leh oo ay tix galin jireen ciidamadii dawladu” Sidaas waxaa yidhi Cabdilaahi Askar oo aan waydiiyay su’aal ku saabsanayd in Ibraahim Koodbuur uu xidhiidh hore la lahaa SNM iyo in kale.
Xaalada rajo ama filasho ee Cabdilaahi uu filanayay waxa uu cawaaqib kiisu noqon doono markaas uu miiska saraakiisha ku xidhnaa oo aan su’aal ka waydiiyay Cabdilaahi waxa uu ku jawaabay ” Qadarka Ilaahay waa meeshiisa, laakiin anigu waxaan ahaa oo aan filanayay in jeelkan aan ka bixi doono iyada oo aan ku kalsoonaa in aan leeyahay rag awood u leh inay naftooda u huraan badbaadintayda” waxaana uu Cabdilaahi ii sheegay in uu mar walba sugayay goorta ay albaabka kasoo gali doonaan geesiyaal badbaadiyaa.
Laba Cisho markii uu Cabdilaahi ku xidhnaa miiskii saraakiisha ee ay taariikdu ahayd 11kii April ee sanadkii 1993kii saacaduna ay tahay shantii iyo badhkii galabnimo ayaa waxa rumowday riyadiisii.
Waxaa xeradii soo daf yidhi ciidan uu Hor kacayo Ibraahim Ismaaciil Koodbuur oo uu la socdo Cabdisalaan Turki Maxamuud oo isaga markii hore ay Cabdilaahi Askar wada socdeen, waxaana markiiba bilaabmay muran gaaban oo dhex maray Ciidankii Ibraahin Koodbuur watay iyo kuwii dawlada ee miiska saraakiisha ilaalinaayay, daqiiqado gudahoodna waxaa bilaabantay xabad aad u kulul oo dhex martay labadii Ciidan.
Waxaa goobtii ku naf waayay sodomeeyo ciidankii dawlada ka tirsan Ciidankii Ibraahim Koodbuur uu hor kacayayna waxaa ka dhintay Ilaah naxariistii jano ha siiyee geesigii Biixi Xaaji Xasan oo ku dhintay meel ku qabsan huteelka Hargeysa Kilaab. Waxaana dhaawacmay geesigii kale ee Siciid Cabdi Dalabay.
Markiiba qolkii uu ku jiray ayaa Cabdilaahi ay kala soo baxeen waxaana ay ku soo qaateen gaadhigii ay wateen, waxaana ay kor usoo qaadeen wadada tagta Isha Boorama iyaga oo kasoo dhex dhacay dalcada Ina naxar, wax yar ka dibna waxay uga sii gudbeen Masalaha halkaas oo dhinaca koonfureed kaga beegan Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, waxaana goobtaas ay ku tukadeen laba ragcadood oo salaatul-shukrri ah.
Hadana waxay kor usii qaadeen dhinaca Gumburaha iyaga usii gudbay dhinaca tuulaha Gumar halkaas ayaanay isga hor yimaadeen ciidankii dawlada oo kasoo kala baxay tuulooyinka Bali Cabane iyo Bali Gubadle, goobtaas ayaanay dagaal la galeen ciidamadii Dawlada, waxaana halkaas ay ku dileen lix askari oo ciidankii dawlada ka tirsan.
Markii danbe ayay soo gaadheen tuulaha Xarshin ee ku yaala gudaha wadanka Itoobiya, halkaas ayuu ku dhintay geesigii dhaawaca ahaa ee Siciid Cabdi Dalabay Rabi naxariistii jano haka waraabiyee.
Halkaas ayaana Geesigii Ibraahim Koodbuur iyo kooxdii la socotay ay ka sii wadeen halgankii xaq u dirirka ahaa ee SNM, waxaana uu Ibraahim Koodbuur ku geeriyooday tuulaha Rabaso ee dalka Itoobiya sanadkii 1987kii Rabi Naxariistii jano haka waraabiyee, waxaana uu noqday oo uu muujiyay geesinimo aad u sarraysa oo taariikhda reer Somaliland baal dahab ah ka gashay.
Waxaana uu qalbi jab iyo naxdini ay ku dhacday Gaani iyo Maamulkii Siyaad Barre oo kui fashilmay in Cabdilaahi Askar qabashadiisa ay ku faanaan. Cabdilaahi Askar waxa uu maanta ku sugan yahay dalka Itoobiya waana Danjiraha Dalka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya, Cabdisalaan Maxamuud Turki waxa uu isna ku nool yahay wadanka UK waxaanan ku han weynahay inaan dhawaan idiin soo gudbiyo waraysi aan la yeelan doono Mujaahid Turki hadii uu Allah ogolaado.
Kaysar Cabdilaahi London
Email:Kaysar Maxamed































DHALLINYARADII HORE IYO DHALLINYARADA MAANTA JOOGTA: Kuwii hore waxa ay ahaayeen kuwa dugsiyada kudhigta afkooda iyo taariikhdooda, waxayna guunyo (maaddad) kasta kudhigan-jireen Af-soomaaliga. Sidaas awgeed waxa dhalinyaradaas hore ahaayeen kuwa naftooda iyo dadkooda iyo dalkooda ku-kalsoon oo kala-yaqaanna waxayna ahaayeen dhallinyaro ogsoon nacaybka iyo colaadda ay CARABTU UHAYSO SOOMAALIDA. sIDAAS AWGEED DHALLINAYARADAAS HORE MA AY OGGOLAAN-JIRIN INAY aF-CARBEEDKA WAX KUDHIGTAAN EE WAA AY DIIDI-JIREEN, WAXAYAN DIIDI-JIREEN IN AY LABAXAAN MAGACYA CARBEED OO WAXA AY LABIXI-JIREEN MAGACYADA ISSIR’AHAAN SOOMAALIGA AH.
KOLKII UU SIYAAD BARRE IYO FAQASHTIISII DAAROODKA AHAYD AY COLAADDA IYOGARDARRADA LASOO-DOONTEEN UMMADDA REER-SHIIKH ISAXAAQ BINU AXMED, WAXA DHALLINYARAADS HORE GO’AANSADEEN INAY URUR SAMAYSTAAN OO ISU-TAGAAN OO SI HABAYSAN UGA-HORTAGAAN ULANA DIRIRAAN SIYAAD BARRE IYO FAQASHTIISII SIDA WEYN UHUBAYSNAD. wAXA DHALLINAYARAADSI SAMAYSTEEN URURKII LIIBAANAAEY EE GUULAYSTEY EE LA ODHAN-JIREY SNM OO WADA AHAA UMMADDA REER-SHIIKH ISAXAAQ EEBBE LIIBAAN IYO HOODABA HASIIYO’E. DAGAAL QADHAADH AYAA AY DHALLINYARADAAS SNM KALA-HORTAGTAY SIYAAD BARRE IYO KUWII UHIILINAYEY. TOBAN SANO AYAA AY DHALLINAYARADII SNM U-BABACDHIGEEN SIYAAD BARRE IYO FAQASHTII II WATTEY EE UBADNAYD DAAROODKA IYO GUDABIIRSEYGA. WIXII UU DAGAALKU SOCDOBA, WAXA GUULAYSTEY OO LIBAYSTAY OO LIBINTII HELAY DHALLINYARADII SNM EE KAKOOBNAYD HALYEYYADII UMMADDA REER-SHIIKH ISAXAAQ. WAXA DAGAALLADAAS KUJABAY OO AFKA DHULKA LOODARAY OO LAGA-GA ADKAADAY SIYAAD BARRE IYO DHAMMAAN FAQASHTIISII.
NABADDAN MAANTA JIRTA IYO HOREUMARKAN MAANTA AY REER-SOOMAALILAND HAYSTAAN WAXA NAFTOODA UHURAY KUMANNAAN DHALLINYARA AHOO REER-SHIIKH ISAXAAQ AHOO KOLKII DADKODU IYO DALKOODU UBAAHDEEN AAN GABBAN EE SOOGUTEY XIL-KII KASRAANA UMMADDA IYO DHULKAN REER-SHIIKH ISAXAAQ, WAA AYNA KU-GUULAYSTEEN OO WAXA AY AY SOOCESHEEN GOBANNIMADII IYO MADAXBANNAANIDII DALKA IYO DADKA REER-SOOMAALILAND, WAANA TAAS AYNU MAANTA U AAYAYNO
OO AYNU KUCAANA MAALAYNO, OO AYNU SI XARRAGA IYO GOBANNIMO IYOMAAMUUS UGU-DUL-NOOLLAHAY DALKEENNII AY FAQASHTU ISTIDHI BOOBA OO KA-BARAKACSHA DADKA UMMADDA SHIIKH ISXAAQ AHEE AAN WELIGOOD LASOO-SHEEGIN DAGAAL LAGA-GA’ADKAADAY, MAXAAYEELAY UMMAADDAASI WAXA HORE UGU-GUULAYSATEY DAGAAL KASTA OO AY NACABKEED LA-GASHAY.
DHALLINYARADAN DAMBE WAXA XIL KU AH INAY SI WEYN UGU-DAYDAAN DHALLINYARADAAS HORE EE GEESIYAASHA IYO HANADDADA IYO HALYEYYADA AHAA EE XILKASNIMADA IYO WAAYEELNIMADA KUGALAY DAGAALKII AY FAQASHTA KAGA-HORTAGEEN, KOLKII AY GUULAYSTEENNA SOOCESHEY MADAXBANNAANIDII IYO GOONNI’ISUTAAGGII JSL.
Illahay naxariistii janno fardowsa haka warabiyo Marxuumka SNM ee geeriyooday bil barakaysan oo Ramadaan ah waliiba intii uugu danbaysay……………
Waana tacsi tiiranyo leh oo ku habsatay dhamaan Umada reer somaliland gaar ahaan Xisbigii Xaq u diridka ahaa ee ay Libaaxyadu ku bahoobeen ee SNM…….. Illaahy Cabdilaahi Askar iyo Ina Koodbuur iyo dhamaan intii kalee hoyatayba naxariistiisa jnno fardowsa haka warabsho
amin amiin amiin
ilaahy janada firdowsa haku abaal mariyo
insha allah
ilahow u naxariiiso amiiin amiiin amiiin
ilahay naxariistiisa ha siiyo mujaahidiiinta naftooda u huray ee xaq u dirirka ahaa dhamaanteena hay noo naxariisto iyo wixii muslimiin ah ammiiiiiiiiiiiiiiiiiiin.
Waa geeri naxdin leh oo ku timi geesi sharaf iyo magacba leh…Ilaahay janadii naxariis haka waraabiyo mujaahid cabdillahi askar…dhamaan samri iyo imaan haka siiyo shibcibka somaliland iyo gaar ahaan geesiyaashii snm ….geesiga dalkiisa u huray naftiisaay ..geerida dishaay geedkaa haboon…..
amiin
ILLAAHAY HA U NAXARIISTO C/LAAHI ASKAR IYO INTII MUSLIM AHBA.
AARGUULE HELE WAA FIGRAD KHALDAN INAAD TIDHAAHDID CARABTA AYAA INA NECEB WAANA KELMED AAD U KHALDAN HADDII CARABI INA NECEB TAHAY YAA KU JECEL? MA ITOOBIYA MISE REER GALBEED?
TA KALE HADDII AAD DIIDID MAGACYADA CARABTU LA BAXDO KUWAASI OO AH C/RAXMAN MAXAMED, CALI, CUMAR, C/RISAAQ MAGACYADANI WAA KUWA ISLAAMKA, LUUQADA CARABIGUNA WAA LUUQADII ILLAAHAY U DOORTAY INUU DIINTA ISLAAMKA KU SOO DEJIYO WAANA LUUQAD AAD U QIIMO BADAN QANI AH MARKAA NINYAHOW BAL WALAAL DIB ISUGU NOQO.
ALLE HA U NAXARIISTO ISAGA IYO MUJAAHIDIINTII SNM EE KA HORAYSAYBA AAMIIN AAMIIIN ALLOW U DEMBI DHAAF DHAMAANTOOD HA LOO DUCEEYO IYAGAA U SABAB AHAA ALLE KA SOKOW NABADA AYNU MAANTA HAYSANO WA BILAAHI TAWFIIQ
waa maalin ramadaan ah ee geesiyada illaahay ha u naxariisto ,janadiina allah haka waraabiyo . biixi xaaji xassan.allow u naxariiso
illaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo isaga iyo intii ka horeysayba ehelkiisii iyo dhamaanteen umada soomaaliland na samir iyo iimaan ha inaga siiyi
AAMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN
ilaahay janada firdosa ha ka warabiyo Mujahidka Ina Askar iyo Mujahid Koodbur iyo Mujahidiintii SNM o dhan amiiiiiin ya rab
Dhamaam Snm alle how naxariisto Inta dhimatay uu Ugu danbeeyo INA ASKAR allaah yarxamu
naxariistii Eebbe ha-kawaraabsho hana geliyo hoobaan-tiisa weligeed jirta, hana ugu-deeqo toddobaatan hablood oo xyyr ahoo wada ugub ahoo uu kaga-raysto kana-nasto halgankii qadhaadhaa ee uu kasoo-mutay una soomaray gobannimada iyo madaxbannaanida aynu maanta haysano ee kubadhaadhnay oo kuliibaanney. Waxa dhallinyarada Reer-soomaaliland lagudboon inay kudaydaan oo dhulkooda ka ilaashadaan faqashta iyo nacabka iyo Soomaalida duullaanka kusoo ah.
Alaya raxma raaximiin…Mj Cabdilaahi Askar iyo intii ka horaysayba…..amiin
scw
inaalilaahi wainaa lilaahi raajicuun ilaahey c\laahi asker janadii fardowsa haka waraabiyo isaga mujaahidiintii SNM ba. waa xaq geeridu
walahy wax ilmo kuso qabanayso markaad aragto geesiyada xaq udirirka aha ee naftooda usoo horay wadankan aynu maanta kunaloonayno wan wax iyag iyo ubadkoodaba lagu xasuusan doono ialahyna wxaan uga baryayna inuu jana fardawsa ka warabiyo mana aha rag lagu ilaawi doona ciyaara boqlka soo socda iyo ka kasi danbeya wa la xasusan doona geesiyada naftooda inoo soo huray waana u ognahay ilahayna haw naxaristo
Ilaahay ha u naxariisti hoogamiyihii ciidamada ee ka tirsanaa , dhaqdhaaaqii wadaniga soomaaliyeed. In badan ayuu cabdilaahi naftiisa u huray in aynu maanta, xoriyad iyo sharaf ku noolaano dhulkeena hooyo. Magac iyo sharaf ayuu dadkiisa ka mutaystay, laguna xasuusan doonaa.
Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo marxuumka bil barakaysan buu dheelmaday. Ta la baad tacsi baynu wadnay laakiin ninkan aar guule ma nin waalan baa mise waa wax miyis qaba. Meel kast carab nahayb iyo war xun buu la taagan yahay. xitaa ramadaantii xishoon maayo oo Ilaahii abuurtay ka baqan maayo. Waar ninkan meesha oodwynenews ha ka qabato hadii kale denbiga iyo macaasida way la qaybsanayaan maadaama oo ay iyagu gogasha u fidiyeen. Ilaahaybaan idinku dhaariyee ninkaa u fiirsada. Buqdi cadho iyo dad Ilaahay abuurtay nacaybkooda ayuun buu 24 saacadood ka sheekaynayaa. Mawduuc kastana wuu afduubayaa. Nin mujaahida oo Ilaahi lahaa kaxaystay ayeynu ka hadleynay maxaa keenay carab cay iyo hatred. Ilaahay wuxuu ina leeyahay qofka xitaa ku neceb weji wanaagsan tus. Al kaadimiinal qayd caafiiina cani naas walaahu yuxubul muxsiniin. Cadhadaad dadka u qabto Ilaahay dartii uu dhaaf dadkana saamax Ilaahay dadka noocaas ah ayuu jecelyahay.Waa waa bil Ramadan oo khayr badan ee cayda denbiga iyo aflagaadad iska daa oo dadka waxan aad kula dhex jirto kala dhex bax. Sun baad tahay cancer la dhex wareegaaya umada. Waar carab waxay ku xun yihiin sheeg lama diidana laakiin dad xun iyo kuwo wanaagsanba way leeyihiin. Gaal dil gartiisana sii. Khayrul khalqilaah baa ka dhashay. Abu jahalna waa ka dhashay oo cidi ma mooga. Laakiin caydan hadh iyo habeen aad meesha ku soo qorayso ee aad xitaa bishii shayaadiintu xidhnayd ee barakaysnayd aad ka xishoon la’dahay waa maxay. Waar dadka xalaasha ah ee muslimiinta ah ee reer somaliland waxaan uga digayaa ninkan warxuma tashiilka ah. Bal ninkan u fiirsada wuxuu soo qoro maalin iyo layl. Waar ninku carab necebaa waxani waa yaabe. Tolow muxuu qarinyaa ka soo maray.
Alaah Yarxamu isaga iyo inta mu’miniinta ka dhimatay…wuxu ahaa nin sharaf qadarin iyo ixtiraam ku dhex leh dadkan. Wuxu aad u necbaa siyaasada turxaanta ku dhisan manuu ka qayb galin jirin. Isagoo cid caayaya ama dhaleecaynayaan lama arki jirin intii 1991 ka danbays. Maalimihii kululaa ee la is mirayey waa tii torture iyo xadhig iyo dagaal inta u soo babac dhigay.
Muwaadin wanaag jecel buu ahaa oo furfurun dadkana waji furan ku qaabila garasho dheerna leh.
ilaahay ha u wada naxariisto mujaahidiintiioodhan waxy inaga mudan yihiin in loo sameeyo taalooyin waawayn oo nimankii cadawga u ahaa ku wa maanta joogaa ay kanaxaan
Ilaahay ha u naxariisto marxuumka waxana uu dhintey bil kheyr badan oo Rabadaan.Qooyskiisa iyo Qaraabadiisana samar iyo iiman Aleh ha idinka siiyo.
Ilaahey naxariistii jano haka waraabiyo aamiin eheldiisiina Iyo inaga dhamaanteena, Samir iyo iimaan haynaga siiyo. Waa inaa maanta hadhsanayna halgankay inoo soo galeen. Oo ay dhashay somaliland Somali maanta isku dayda in nabada iyo nolosha aanu maanta heysano cida is ku dayda in ay naga kala tuuran ka yell mayno oo dhimashan ka xignaa sidii halgamayaashii naftooda u hurry oo kale. Ilaahoow qabriga u nuuri, aamiin yaa rabbi.
Ilaahay haw haw naxriito cabdilaahi askar waa bil rabadaanoo albaabada janada furan kuwa cadaabtuna way xidhan yihiin
faataxada u mara waslama calykun warxmatulaa isku magaalaanu daganayn cabdilaahi askar in yar buu naga sii maqnaa
ale ha u naxriisto
Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo marxuumkaa .amiin amiin samir iyo imaana haka siiyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka tagay iyo somalilandba isaga iyo saraakiishii kale dulmiga iyo cadaadiskii faraha badnaa ee ka imanaayey ciidankii (FAQASHTA) ay u badheedheen feedhahana u dhigteen taariikhda qormadani soo koobtay iyo inkaloo badan iyagoo ka dhiidhiyey silicii iyo saxariirkii umada markaa haystey.
Ialaahay ha u naxariisto janno ha siiyo mujaahad cabdilaahi askar markaan arko niyada ayaa ii degi jirtey waayo wuxuu u badheedhay wixii aan ogeyn markaa ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo Amiin
Illahay waxaan uga baryayaa marxuumka in uu naxariistii Janatul Fardawsa ka waraabiyo qoyskii ,qaraabadii , iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
ale ha u naxariisto wuxu ahaa geesi
allaah yarxmo ilaahay isaga iyo muslimiinto dhan ha u naxristo.
C/Laahi askar wuxuu halyey Mujaahid ah oo mudan in la xuso. Allaha u naxariisto mujaahidka iyo dhamaan mujaahidiintii kale ee SNM ee u huray naftooda huriyada iyo sharafta u madood. Waxaan aaminsanahay in hadii aanay jirin mujaahidiinta uu ka mid ka ahaa C/laahi askar iyo kuwii la mid ka ahaa ee ka xoreeyay wadanka faqashtii iyo gumaysigii in aanan ku noolaanayn rayn raynta aan ku noolnahay.
marxuumka Allah ha u naxariisto waa halyey inaga baxee ……………….
ilaahay ha u naxariisto mujaahidka geesiga halyeyga, aqoonyahanka, ka baxay dadka somaliland
ilaahay hawnaxariisto cabdilahi askar iyo ninkii nolashiishabadbaadidy ilhaybaa waxa bad baadiyee
wa ibraahim koodbuur dhaaman ilaahay ha unaxariisto snm
ilaahay hawnaxariisto cabdilahi askar iyo ninkii nolashiishabadbaadidy ilhaybaa waxa bad baadiyee
wa ibraahim koodbuur dhaaman ilaahay ha unaxariisto snm
Correction: Saciid abdi ( oo la odhanjiray Saciid Birjex waxa uu ku dhintay tuula layidhaahdo kaamhaashin waxaanu udhintay xanuun eee muu dhaa wacmin. Waanan joogay aaskiisi, rabi how naxariiste.
inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun ilaahay marxuumka iyo wixii muslim ahba ha naxariisto inagana ilaahay inaynu xadhiga ilaahay qabsano ha ina waa fajiyo aamiim
ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo samir iyo iimaana ha inaga siiyo.. aamiin isaga iyo mujjaahidiintii kaleba