|

Maxaad Kataqaanaa Xaafadda Eastliegh ee Magaladda Nairobi

 Nairobi(OWN)-Xaafadd Eastliegh ee Degmadda Kamakunji ee Magaladda Nairobi ee dalka kenya waxay kamid tahay Xaafadda ugu waaweyn ee ay somaligu ka Degto meel kabaxsan Dalka Somalia.
 
Xafadan ayaa Waxaa kunool kudhawaad 500.000 oo somali kuwaas oo u dhigma 60% somalida Kunool guud ahaanba Dalkani kenya oo logu sheego inay ku nooliyihiin somalida ugu badan ee kunool bariga Africa.
 
Xaafadan waxaa kasocda Dhaqdhaqaaq ganacsi oo aad u balaadhan Waxaana Kuyaala Suuqa labaad ee ugu weyn guud ahaan Dalka Kenya oo Ah suuqa islii ayna Kasoo Xaroodaan Lacago Lagu Qiyaaso 150 milion oo Dollar oo lasheegay inay u dhiganto Dakhliga Dowladda Dalka kenya Kasoo Gasha Gobalo kamid Dalka.
 
Xaafadan Wax kale oo kuyaala Goobo ganacsi oo aad u muhiim ah kuwaas oo somalidu ka Hirgalisay Magaladdan Nairobi Sida Suuqa Garissa Lodge iyo Suuqyo Kale oo Badan .
 
Xaafadan Waxaa lagu sheegaa inay Tahay Ta ugu Hooseysa xaafadda Magaladda Nairobi Marka Laga Hadalayo dhinacyadda Nadaafadda Wadooyinka Amaanka Caafimaadka iyo Korantada oo aan Inta Badan ahayn mid laysku Haleyn karo.
 
Hadaba Hadaan Mid mid kula Qaadno Bal aynu ku Horeyno Dhanka Wadooyinka.
Xaafadani Malaha Dawooyin Fiican oo ay adeegsadaan Baabuurta Waxaan Mararka Qaar dhacda in hadii aad doonto inaad aado meel kuu jirta 2km ay kugu Qaadato inaad socoto 1 Saac mararka Roobku Da’o Inta Badan lama Socdo Wadooyinka oo dhiigo Ammase dhoobo la xidhma Oweed Mana Jirto Cid Ka Hadasha Hagaajinta iyo Dhamaha Wadooyinka Xaafadaasii oo aad moodo inay Dowladu Ilowday.
 

Amaanka

Xaafadan Waxaa Kajira Askar Dadka Qab qabata oo inta Badan Ka qaadata Lacago Sharci Daro ah (Laaluush) kuwaas oo dadka Way diiya Sharciga ay Dalka Kujoogaa Hadaad Sharci Sidato Xataa Kushaxaadaysa oo Lacag Kaa qaadaysa Waxa Kale oo Taas Barbar Socota Tuug Hadh iyo Habeen Dadka Baadhata oo Mararka Qaarna Dilal Geysta Tadobaadkii aan Soo dhaafnay Waxaa Xaafadan Lagu Laayey Dhalinyaro somali ah oo Shaqo ku jirtay Kadibna La Jarjaray oo lasoo dhigay Meel Wado ah.
 
Mararka Qaar Waxaa Eastliegh ka dhaca Raaf Ba’an oo lagu Xaabiyo dhamaan Dadka Somalida ah ee Ku dhaqan xafadan iyadoona Loo aabo yeelin cidna Sidii Bishii Febroury dhacday ee Xildhibaadana iyo Wasiiradda La Raafay.
 
Balse Raafkaasi Maha Mid Wax weyn geysta ee Waxaa Dadka Laga Qaadaa Lacago aad u Farabadn oo laaluush ah iyadoona Lagu soo oogo Dambiyo ayna Geysan iyo inay Sharci Daro kijoogaan Dalka.

Korantadda iyo Biyaha.xafadan Korantadeeda Ammase Laydhka Maaha Mid Laysku haleyn Karo Waxaan inta Badan kadhca inay Korantadu Qaybo Xaafadan kamid ah Ka maqnaanto 2 Todobaad iyadoona xiliyadda ay Korantadu Maqantahay ay Tuugtu Gaysato dhac iyo Dilal Inkastoo ay Arintaasi somalidu cabshooyin Badan Kamuujiyeen Haddan Kenya Power lighting Waxba Kamay Qaban Goobaha Shaqad ee Xafadan Waxaa inta Badan laga Isticmaala Mishuuno Yar yar iyo Waxyaalo kale oo Dabka dhaliya.
 
Biyaha Xaafadan Laga Isticmaalaa Waaa Biyaha Howladda Waxaana Maamusha Wasaaradda Miyaha ee Dalkan inkasoo ayn dhinaca Biyaha Kajirin Wax Dhibaato ah oo Sidaasi u weyn Hadda Waxaa Jira Mararka Qaar inay 14 Days Maqnaadaan.
 
Somalidu Waxay Wadan soo galisaa Lacag aad u tiro badan oo ayn Soo galin Dadyowga Kale ee Kula Tartamaya Ganacsiga Wadanka Hadana Somalidu Maaha Kuwo Helaha Waxyaabihii aasaasigaa ee ay u baahnaayeen Lacagtoodana Laguma Horumariyo Xaafadooda.
 
Hadaba Su’aasha Meesha Taalaa Waxay tahay Akhriste Maxaa Xafadda Somalida Ka Dambeysiiyey Xaafadda Kale ee Magaladda Ma Cadaadis dhanka Dowladda ahbaa mise Somalida ayaan Waxba Qabsan Xagaase Lagu Qarashgareeyaa Lacagaha Loogu Tala galay Horumarinta Xafadan?

 


 Abdilahi Ali Aidid Raaxeeye
Oodweynenews Nairobi kenya
himilo1988@hotmail.com

8 Responses for “Maxaad Kataqaanaa Xaafadda Eastliegh ee Magaladda Nairobi”

  1. guest says:

    Waaryaa ilaahay Yaqaan Adeer Himilo badana Qoladan H H du
    Mida kale waxaan La yaaban ahay Sawirka Todobaadka & Oodweyne- Nahi Naha
    Ma Hadaa Keenteen Gerisa Lodge ISlii Lodge Cagdheer Lodge__
    Walaahi Wixii Qolodan H/Y Lagu Xaman Jiray Waa dhabe Ka waran
    Adeer Maxaa Inaga Galay Inaga Waxano buju Baja
    Mida Kale Ma waxad Ka sheekaysan ba Weydeen Adeer kkkkkk Naga daaya Daaca Qudhunkan

  2. guest says:

    kkkkkkkkkkkkkk

  3. Ahmd says:

    Xaafad dhisan bay u eegtahay. Fikrad ahaan waxa aan is waydiiyey,
    xaafada miyaanay Soomalidu, siyaasasa ka qayb gelin, mise dad kale ayey u coeeyaan. Dadka degani ma qaooti baa mise waa somali-suji, berri hore galay east-africa.
    Waxan is leeyahay, hadii ay sidaa ugu badan yihiin xaafada, waa inay macaal maamulkeeda qabsadaan. boliska, golaha degaanka xaafada, sir-doonka, kuli kuli. Hadii kale raaf baad sheegaysaaye, waa lagu cabayaa…….

  4. Runta iftiimiye says:

    niyow islii show marka la sawiro ayay qurux badan tahay, waar waxa yaa iskaga guura oo sawirkeeda uun daawada

  5. Runta iftiimiye says:

    GUEST ninka la magac baxayow meesha soomali oo dhan baa wada leh, waliba kaa cas ee bankok ku qoran tahay HY ayaa leh,
    hadaad ciyaar u haysato la xidhiidh qof jam street degan oo wayldii

  6. abyan says:

    kkkkkkkkkkkkkkk adeer timirtii hore ayaa dabloowayey

  7. shadia abdi gass says:

    waryaa h y waa niman qaran ahe hala daayo geesiyiinta somaliland by

  8. jirde says:

    Ninkastaa kaskii iyo garaadkii buu hadlaaye haduu butaacay yarkaa magaciisa qariyey oo qaran dhan oo HY la yidhaa wax ka sheegay boogtii ku bugtay malaxdii jiiftay ma ka timi uun ban ku leeyahay anigu

Leave a Reply