Dagaal-yahankii “Ugu Xumaa” Ee Soo Mara Colombia Oo La Dilay.

Hoggaamiye mucaarad ku ahaa Colombia ayaa la helay isla markaana la dilay, sida uu sheegay madaxweynaha dalkaasi.

Walter Arízala, oo caan ku ah magaca Guacho, ayaa lagu raad joogay, isagoo loo haystay dilka weriyeyaal u dhashay dalka Ecuador iyo darawalkooda horraantii sanadkan.

Jimcihii la soo dhaafay, madaxweynaha dalka Colombia Ivan Duque ayaa sheegay in ninkaasi lagu dilay howlgal ka dhacay meel u dhow xadka dalkaasi uu la wadaago Ecuador.

Duque ayaa ninkaasi ku sheegay inuu yahay mid ka mid ah dambiilayaasha ugu daran ee dalkaasi soo mara.

Dilalka dalkaasi ka dhacay marka laga soo tago, Guacho ayaa sidoo kale looga shakisan yahay inuu daroogada ka ganacsan jiray.

29-jirkan ayaa hore uga tirsanaa fallaagada mucaaradka Colombia ee Farc. Wuxuu ka mid yahay kumannaanka qof ee diiday inay hubka dhigaan, kaddib markii kooxda Guerrilla ay heshiis nabadeed la galeen dowladda Colombia sanadkii 2016.

Guacho ayaa ka goostay kooxda Farc isagoo aasaasay kooxda Oliver Sinisterra Front – oo ah koox mucaarad ah oo la rumeysan yahay inay haystaan 70 ilaa 80 dagaal yahan oo ka howlgala xadka Colombia iyo Ecuador.

Kooxdan ayaa indhaha caalamka soo jiidatay horraantii sanadkan, kaddib markii ay afduubteen labo weriye oo u dhashay dalka Ecuador – 32-sano-jir lagu magacaabo Javier Ortega iyo 45-sano-jir sawir qaade ahaa oo lagu magacaabo Paúl Rivas – iyo darawalkooda oo 60 sano jir ahaa laguna magacaabo Efraín Segarra.

Labo toddobaad kaddib markii ay afduubteen saddexdaasi qof, ayay kooxdu sheegeen inay dhinteen markii ay ciidammada u soo dhowaadeen.

Colombia

Markii raggaasi meydkooda la helay, ayaa sidoo kale waxaa kooxda lagu eedeeyay inay dileen lammaane u dhashay dalka Ecuador.

Dilalkaas ayaa horseeday in Guacho ay raadsadaan labada dowladood ee Colombia iyo Ecuador.

Colombia ayaa in ka badan 3,000 ka mid ah ciidammo hubeysan ku daad-gureysay xadka si ay u raadiyaan hoggaamiyaha kooxda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker