Kulan Dhexmaraya Madaxweynah Iyo Hogaamiyaasha Ururada Siyaasada

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa caawa kulan la qaadanaya qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha Ururrada siyaasadda ee dhawaan lagu dhawaaqay.

Sida ilo-xogogaal ah ii xaqiijiyeen Dadka caawa madaxweynuhu casuumay waxa ku jira DR Maxamed Cabdi Gabboose, Cabdilaahi Darawal iyo Cabdirisaaq Ataash, oo dhawaan saddexduba shaaciyay Ururro siyaasadeed.

Kulanka caawa ee guddoomiyeyaasha Ururrada Siyaasadda iyo madaxweyne Biixi, ayaa ku soo beegmaya iyadoo labada xisbi mucaarad galabta sheegeen in ay joojiyeen wadahadaladii ay xukuumadda kula jireen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker