Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Oo Sheegay Inuu Kulan Gaar Ah La Yeelan Doono Madaxweynaha Somaliland

Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Jeneraal Lloyd J. Austin, ayaa sheegay inuu ku soo dhowayn doono Washington D.C weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, isla markaana kulan gaar ah oo xidhan la yeelan doono.

XoghayeLloyd J.Austin, waxa uu sheegay in qodobka koowaad ee ay ka wadahadli doonaan Madaxweyne Biixi ay tahay sidii dawladaha Maraykanka iyo Somaliland uga wada shaqayn lahaayeen u gogol-xaadhidda saldhigyo ciidammada badda iyo cirka ee Maraykanku doonayaan in laga siiyo magaalo-xeebeedda istiraatiijiga ah ee Berbera.

Saldhigga ciidammada Maraykanka ee Berbera, ayaa lagu wadaa in uu ka ballaadho midka ay ku leeyihiin dalka Jabuuti ee Camp Lemonnier, kaas oo ah ka ay haatan ciidanka Amerikaanka ee ka hawlgala Gobolka Geeska Afrika.

Waxa kaloo Jeneraal Lloyd J Austin uu sheegay inuu faahfaahin doono mustaqbalka Camp Lemonnier, oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamamda Maraykanka ay ku leeyihiin Djibouti.

Lloyd J. Austin waa sarkaalka sarreeya ee madaxa u ah ciidammada Maraykanka. Bishii January 22, 2021, ayuu Madaxweyne Biden u magacaabay jagada Xoghayaha Difaaca.

Dhinaca kale, booqashada Madaxweynaha Somaliland ee Maraykanka, ayaa timid xilli ay xukuumadda Washington cunaqabatayn dhinaca safarka ah ku soo rogtay xubno sare oo ka tirsan dawladda taagta daran ee dalka Soomaaliya.

Source: Anderson George

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker