Xukuumadda Somaliland oo Warbaahinta uga Digtay Wararka Liddiga ku ah Qarannimada

Xukuumadda Somaliland ayaa uga digtay warbaahinta in aanay baahinin warar been abuur ah ama wax u dhimaya qarranimada Somaliland.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-Barwaaqo), waxaana warxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-

 

 

“Warbaahinta kala duwan  ee dalka ka hawlgasha, waxa  ay qaarkood caadaysteen inay faafiyaan warar lid ku ah  wada-jirka shacbiga iyo jiritaanka Qaranimada Somaliland, sidoo kalena halis ku ah amniga dalka.

Sida uu dhigayo xeerka saxaafadda Somaliland, Xeer No.27/2004, waxa warbaahinta xaaraan ka ah  inay baahiyaan  warar ku lug leh arrimaha ciidammada iyo sidoo kale kuwo been abuur ah ama se mala-awaal ah, waxa loo raacayaa arrimahan  sida uu tilmaamayo  qodobka 10aad  ee xeerka saxaafadda Somaliland xubintiisa koowaad, labaad iyo qodobka 15aad.

Sidaas darteed,  laga bilaabo maanta (shalay) waxa la farayaa in warbaahintu ka digtoonaadaan  wararka been abuurka ah, ku tidhi ku-teenka ah, aflagaadooyinka  shaqsiga ah iyo kuwo khaas  u ah qofka iyo arrimaha ciidammada.

Cid kasta oo  ku kacda baahinta war ku liddiya  qodobada xeerka saxaafadda Somaliland ku xusan, waxa laga qaadi doonaa talaabo waafaqsan sharciga.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker