Dhakhaatiir Kenyan Ah Oo Lagu Tijaabinaayo Talaalka Cusub Ee Covid

Mid ka mid ah xarumaha cilmibaadhista caafimaadka ee ugu waaweyn dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday inay gacan ka geysaneyso tijaabada tallaalka cusub ee ay Jaamacadda Oxford usoo saartay cudurka Covid-19.

 

 

Magaalada Kilifi ee ku taalla gobolka Xeebta ee Waddanka Kenya ayaa laga billaabi doonaa howlaha tijaabada tallaalka.

 

 

Mas’uuliyiinta xaruntan oo lagu magacaabo Kemri-Wellcome trust ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan diiwaan galinta 400 oo shaqaale caafimaad ah oo la filayo inay isu xilqaamaan ka qeyb qaadashada tijaabada.

 

 

Howshan ayaa lagu tilmaamay mid qeyb ka ah dadaalka loogu jiro waxa loogu yeedhay “tallaal dadka oo dhan Anfaca”.

 

 

Guud ahaan dunida waxaa ka socda tartan ay cilmibaadhayaasha iyo Seynisyahannada ugu jiraan sidii dawo loogu heli lahaa cudurka safmarka ah ee faraha ba’an ku haya caalamka, ee Covid-19.

 

 

Mid ka mid ah kooxaha hoggaaminaya howsha raadinta tallaalka wuxuu saldhiggooda yahay Jaamacadda Oxford ee dalka UK – halkaasoo ay ka wadaan tijaabada dawada xalka u noqon karta cudurka oo lagu magacaabay ChAdOx1 nCoV-19 – taasoo lagu tijaabinayo in ka badan kun qof oo ku sugan UK.

 

 

Hadda waxaa dadaalka kusoo biiray cilmibaareyaasha Kenya. Afarta boqol ee qof ee tijaabada isu xilqaamaya ayaa laga doonayaa inay da’dooda ka sarreyso 18 sano, ayna yihiin shaqaale caafimaad oo rasmi ah, kuna sugan magaalo xeebeedka Kilifi.

 

 

Waxaa jiray muran hareeyay fikradda ku saabsan in tallaalka cudurrada lagu tijaabiyo qaaradda Afrika, laakiin cilmibaareyaashu waxay sheegeen inay oggolaansho sharci ah raadin doonaan ka hor inta aysan tijaabada guda galin.

 

 

Si kastaba ha ahaatee, saynisyahannada ayaa sheegaya inay muhiim tahay in Afrikaanku ay ka qayb qaataan tijaabooyinkan, iyagoo ku doodaya inay xagal daacin karto dadaallada lagu doonayo in lagu helo tallaal ka shaqeeya guud ahaan aduunka – oo aan u gaar aheyn dalalka hodonka ah.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker