Roobab Xoogan Oo Maalintii Afraad Ka Da Aaya Honkong

Waxa afar maalmood oo xidhiidha ah ka da,aayey wadanka Honkong oo ku yaal qaarada aasiya roobab xoog badan kuwaas oo dabaylo wata.

Roobkaan ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay degaanada hooseeya iyadoo roobkaan oo kale uu dalkaasi ugu danbeeyay sanadii 2002-dii.

Magaalada Shek Kong oo ku taal waqooyiga dalkaas ayaa ah goobaha ugu daran oo ay daadadka dhigeen waxaana go,ay wadooyinka halbowlaha u ahaa isu socodka gaadiidka iyo dadka magaaladaasi.

Duufaano xoogan oo ku dhuftay dalkaas ayaa waxay keentay in ay ka dhashaay daadad xoogan waxaana la badbaadiyay dad saarnaa laba doomo marayay Jasiiradaha ku yaal Hongkong.

Dhanka kale saraakiil u hadashay waaxda badbaadada ayaa sheegay in 13 gaari oo ay saarnaayeen rakaab ay qarka u fuuleen in ay biyayha la Tagaan.

Waaxda saadaasha hawada ee Hongkong ayaa sheegtay in roobkaan uu yaraan doono maalinta bari oo Jimco ah waxaana loogu baaqay dadka in ay taxadar dheeri ah muujiyaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker