Balandaro Waa Diin Daro!!!!!!!. Waaxda Cashuuraha Beriga Oo Nidar Ku Galay Shaqo Joojin. Professor: Sulaiman Salah Ibrahem Hargeisa Somaliland.

Hotel Ka Mida Hotelada Caasimadda Hargaysa  Oo Lagu Caweeyo Oo Aan Inta Badan Ku Caweeyo, Qolalka Inta Badani Ku Kulmaan Ugu Yaraan Toban Qof, Anigoo Qolka Aanu Ku Balanay Dhowr Nin Oo Ka Tirsan Sadexda Xisbi Qaran Ku Sugayo Waxaa Qolkii Soo Galay Dhalinyaro Badan Oo Gaadhaya Tobaneeyo, Dhalinyaraddii Dib Ayey Iskaga Noqdeen, Waan La Hadlay Waxaan Ku Idhi Dhowr Nin Ayaan Qolka Kula Balansanaayee Idinkaa Nasiib U Yeeshayee Qolka Waan Idiinka Baxayaa Ee Igala Wareega, Dhalinyaraddii Way Diideen Waxayna Yidhaahdeen Qolka Ha Nooga Bixinee Caawa Waxaanu Qarsan Kari Waynay Ayaanu Doonaynaa Inaanu Saxaafadda Madaxa Banaan Oo Aanu Balansanay U Gudbino Haddii Shaqada Nalaga Eryayo!!!!!!.

Dhalinyaraddii Waxaan Ku Idhi Labaatan Jir Intuu Geed Ka Boodo Ayuu Talo Ka Boodaa!!!.,
Idinka Oo Mahadsan Ma ii Sheegi Kartaan Waxyaalaha Aad Ka Cabanaysaan?!.
Dhalinyaraddii Waxay Igu Yidhaahdeen Adeer Waxaanu Ka Shaqaynaa Wasaaradda Horumarinta Iyo Maaliyadda Weliba Waaxda Cashuuraha Beriga Xukuumaddii Madaxwayne Axmed-Siilaanyo %300 Ee Uu Kaambaynka Ku Galay Wuxuu Ciidamadda Iyo Shaqaalaha Dawladda U Kordhiyay 135%300,

Xukuumadda Muuse Biixi Muddadaas Sanadka Iyo Dhowrka Bilood Ee Uu Madaxwaynaha Ahaa Kama Hayno Mushahar Iyo Gunno Wanaagsan, Waxaanu Hotelka  U Nimi Inaanu Shir Jaraaid Qabano Oo Aanu Ku Kashifayno Wasiir Mudane Dr Sacad Cali Shire Iyo Agaasimaha Guud Mudane Muxammad Cabdi Gurxan Oo Balan Ay Nagula Galeen 28/3/2019 Hotel Green Hadi, Balantaas Oo Ahayd In Gunada Naloo Kordhinayo Hal Milyan Slsh, Oo Aanu Qaadanayno Bisha April Dhamaadkeeda Ama Bisha May Koowdeeda 2019, Waxaanu Gelinkii Dambe Ama Bacdal Casar Doonanay Mushaharkii Oo La Bixinayo,

Mushaharkii Wuxuu Noqday Mushahar Aan Lagu Darin Gunnadii Halka Milyan Ee Slsh Ahayd, Qofkasta Oo Cashuuraha Beriga Ka Hawl Galaa Waxay Ku Noqotay Shoog Ama U Qaadan Waa, Ama Af Kala Qaad, Waxaanu Ka Soo Baxnay Anagoo Luudayna Oo Aanu Canaan Ku Hurgufnay Khasnajiyaddii Mushaharka Bixinaysay Waxaanuna Ku Nidhi Mar Haddii Wasiirkii Iyo Agaasimihii Guud Ka Baxeen Balantii Ay Isku Ogaayeen Waaxda Cashuuraha Bariga Balan Waxaanu Ku Qaadaynaa Inaanu Curyaamino Cashuuraha Aanu Soo Uruurino, Guryaha Kirada Loogu Jiro, Meheradaha Ganacsiga, Gawaadhida Liisamadooda, Kala Wareejintooda Iyo Wado Maristooda Aan La Soo Xarayn 70%, Shaqo Curyaamin Iyo Dhaqaale Curyaamin Aanu Bilaabi Doono Sida Ugu Dhaqsaha Badan Insha Allaah, Haddii Wasiirka Iyo Agaasimaha Guud Sadex Cisho Gudahood Ay Wax Kaga Qabtaan Sidii Cashuuraha Barigu Uu La Mushahar Iyo Gunnoba La Noqon Waayo Waaxda Xisaabaadka Guud Ee Qaranka,

Xisaabaadku Waxay Qaataan Shan Milyan Slsh Oo Isugu Jira Gunno Iyo Mushahar,
Waa Ayaan Daro, Doqonimo Iyo Caqli Xumo Halkii Ugu Hoosaysay In Waaxdii Ugu Balaadhnayd Ee Cashuuraha Beriga Ee Dakhliga Soo Xaraynaysay Halkii Ay Qaadan Lahaayeen Gunno Iyo Mushahar Toban Milyan Slsh In La Yidhaahdo Waxaad Gunno Iyo Mushaharba Ka Hoosaynaysaan 50% Waaxda Xisaabaadka Qaranka.

 

 

sulaiman salah ibrahim

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker